Qalabka iska-baaritaanka HPV: sida loo isticmaalo (Somali)
Tilmaamo ku saabsan sida loo isticmaalo qalabka iska-baaritaanka HPV ee uu bixiyo Barnaamijka Baaritaanka Afka Ilmo-galeenka ee NHS.
Applies to England
Dukumentiyada
Faah-faahin
NHS waxay qaar ka mid ah haweenka iyo dadka qaba afka ilmo-galeenka siisaa iska baaritaanka HPV-ga, is-baaritaankaas oo bedel u ah baaritaanka fayras loo yaqaano ‘human papillomavirus’ – oo sidoo kale loo yaqaano HPV.
HPV waa fayras caam ah oo badanaa aan waxyeello lahayn, laakiin noocyada khatarta sare leh qaarkood waxay kordhin karaan fursadda ah inaad qaaddo kansarka afka ilmo-galeenka. Adiga naftaada ayaa samayn kara iska-baarista HPV, si gooni ah.