Qalabka iska-baaritaanka HPV: sida loo isticmaalo (Copan) (Somali)
Daabacaada 24 August 2026
Applies to England
Waad ku mahadsan tahay inaad codsatay Qalabka iska-baaritaanka HPV.
Qalabkan iska-baaritaanka HPV waxaa loogu talagalay inaad adiga keligaa isticmaashid mana aha in lala wadaago, ama uu kula isticmaalo, qof kale.
Fadlan raac tilmaamaha ku dhex jira qalabka.
Haddii aad u baahan tahay taageero dheeraad ah (tusaale ahaan, sabab la xiriirta naafonimo jireed ama waxbarasho), wac 0300 303 2724.
Ha qaadin muunaddaada inta aad caadadaada qabto, inta aad uurka leedahay, ama saddex bilood gudahood markaad uur yeelato ama qalliinka haweenka lagugu sameeyo.
Ha qaadin muunaddaada haddii aad isticmaashay ugxan-sidaha xubinta taranka, daawooyinka ka hortagga uurka, kareemada, daawooyinka dhaqidda, saliidaha ee ee la geliyo xubinta taranka ama cinjirka galmada 3-da maalmood gudahood ka hor intaadan samayn iska-baaritaanka.
Ha qaadin muunaddaada haddii aad ka walwalsan tahay inaad qabto kansarka ku dhaca afka ilmo-galeenka ama aad leedahay astaamo cusub ama aan caadi ahayn, la xiriir dhakhtarkaaga guud sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagalka ah. Astaamaha waxaa ka mid ah:
- Dhiigbaxa dhaca inta lagu jiro galmada ama ka dib, inta u dhaxaysa xilliyada caadadaada ama ka dib caada-joogsiga
- Xanuun aad dareento xiliga galmada
- Dareeraha ka yimaada xubinta taranka oo ka culus sidii caadiga ahayd ama leh ur aan caadi ahayn
Ha isticmaalin qalabkaa is-baaritaanka ilaa astaamahan laga baaro.
Soo celi qalabkaaga is-baaritaanka 24 saacadood gudahood ka dib markaad sameyso is-baaritaanka adigoo isticmaalaya baqshadda soo celinta ee lagu siiyay.
Haddii aadan natiijooyinkaaga ku helin 14 maalmood gudahood, aad qabto su’aalo ku saabsan is-baaritaanka, ama qalabkaaga is-baaritaanka uu ku soo gaaro isagoo waxyeellaysan, wac 0300 303 2724.
Barnaamijka Baaritaanka Afka Ilmo-galeenka ee NHS
Xirmadan waxaa ku jira
Muhiim ah
Xirmadan waxaa loo isticmaalaa ujeedo ka duwan isticmaalka uu soo saaraha qalabka baaritaanka HPV uu ugu talagalay (“isticmaal ka duwan kii loogu talagalay”). Tani macnaheeda maahan in qalabka baaritaanka HPV uusan ahayn mid badbaado leh ama aan la isku halleyn karin, laakiin waxaa loo isticmaalayaa si ka duwan sidii asal ahaan loogu talagalay. Xaaladdan, suufka/iswaabka waxaa loo dirayaa dadka si ay ugu isticmaalaan guriga halkii laga isticmaali lahaa rugta caafimaadka, shaybaarkuna wuxuu isticmaalaa hab ku habboon muunadada ay dadka iyaga iska soo qaadeen.
Kahor intaadan bilaabin
- Hubi inaad haysato dhammaan walxaha lagu muujiyay sawirka ee ah waxa ku jira xirmada. Haddii wax ka maqan yihiin ama ay waxyeelloobeen, ha isticmaalin xirmada. Wac khadka caawinta 0300 303 2724.
- Fadlan gacmahaaga ku dhaq saabuun iyo biyo ka hor iyo ka dib markaad sameyso is-baaritaanka.
- Marka aad akhrido tilmaamaha, is-baarista waxay qaadan doontaa dhowr daqiiqo oo keliya in la dhameeyo.
1. Gacmaha dhaq
- Fadlan gacmahaaga ku dhaq saabuun iyo biyo ka hor iyo ka dib markaad sameyso is-baarista.
2. Ka saar daboolka
- Tuubada ku qabo hal gacan oo gacanta kale u isticmaal inaad ku furto daboolka oo aad ka soo saarto tuubada.
- Hayso tuubada. Waxaad u baahan doontaa hadhow.
3. Qabsashada suufka/iswaabka
- Suufka/iswaabka ka qabo xariiqda cas, tani waxay xaqiijin doontaa inaadan suufka gelinin ilaa meel aad u fog.
- Xaqiiji in suufka/iswaabka uusan waxba taaban ka hor intaadan samayn is-baarista.
- Waxaad gacan ku dareemi doontaa xariiqda cas ee suufka/iswaabka.
4. Hel boos raaxo leh
- Hel boos raaxo leh, tusaale ahaan marka aad gelinayso suufka.
- Waxaad isticmaali kartaa qalabka is-baarita adigoo fadhiya, taagan ama jiifsan.
5. Isu diyaari inaad geliso
- Adigoo kala fogeynaya lugahaaga, si tartiib ah u kala jiid maqaarka ku yaala bannaanka dibadda xubintaada taranka.
- Caaradda ku aadi dhinaca qaybtaada dambe ee hoose oo si tartiib ah caaradda suufka/iswaabka ilaa 5cm u geli xubintaada taranka (qiyaastii 2 inji, ama qiyaastii dhererka labada kala-goys ugu horreeya ee fartaada murdisada).
- Meeshaas waxay ka hooseysaa xariiqda cas.
6. Geli suufka/iswaabka
- Haddii suufka/iswaabka uusan si fudud u simbiriirixin, si tartiib ah u wareeji markaad gelinayso. Faraha aad ku hayso xariiqda cas ayaa kaa joojin doona inaad ku fogaato.
- Dhammaadka suufka uma baahna inuu taabto afka ilmo-galeenkaaga.
- Waa inaysan kuu keenin raaxo darro laakiin haddii ay ku dareensiiso raaxa darro, ha sii wadin. Khadka caawimaadda ka wac 0300 303 2724.
7. Si tartiib ah u wareeji suufka/iswaabka
- Usha suufka ku dhex wareeji xubinta taranka ilaa muddo 20 ilbiriqsi ah.
- Si tartiib ah uga soo saar suufka/iswaabka.
8. Suufka/isaabka ku celi tuubada
- Usha suufka/iswaabka dib ugu celi tuubada.
- Daboolka ku riix tuubada ilaa aad ka dareento dhawaaq xirmo.
9. Buuxi xogta summada
- Adigoo isticmaalaya qalin, waxaad taariikhda aad iska qaaday muunada ku qortaa summada lagu siiyay ee ku taala xagga dambe ee SafeTPouch.
10. U diyaari tuubadaada muunadda inaad ku dirto boostada
- Waxaad tuubada muunada ku ridaa SafeTPouch-kaaga.
- Ka saar istiribka/xariijinta jaalaha ah oo ku laab qaybta sare si aad u xirto, xaqiijin in tuubada ay gudaha ku jirto.
- Tilmaamaha waxaa laga heli karaa dhanka hore ee SafeTPouch.
11. Waxaad SafeTPouch gelisaa baqshadda
- Waxaad SafeTPouch gelisaa baqshadda soo celinta oo xir.
12. Boostada ku dir adigoo isticmaalaya bokiska boostada
- Ku dir bokiska boostada UK 24 saacadood gudahood markaad sameyso is-baarista.