Skip to main content
Tilmaam

Qalabka iska-baaritaanka HPV: sida loo isticmaalo (Hologic) (Somali)

Daabacaada 24 August 2026

Applies to England

$CTA Waad ku mahadsan tahay inaad codsatay Qalabka iska-baaritaanka HPV.

Qalabkan iska-baaritaanka HPV waxaa loogu talagalay inaad adiga keligaa isticmaashid mana aha in lala wadaago, ama uu kula isticmaalo, qof kale. 

Fadlan raac tilmaamaha ku dhex jira qalabka.

Haddii aad u baahan tahay taageero dheeraad ah (tusaale ahaan, sabab la xiriirta naafonimo jireed ama waxbarasho), wac 0300 303 2724

Ha qaadin muunaddaada inta aad caadadaada qabto, inta aad uurka leedahay, ama saddex bilood gudahood markaad uur yeelato ama qalliinka haweenka lagugu sameeyo. 

Ha qaadin muunaddaada haddii aad isticmaashay ugxan-sidaha xubinta taranka, daawooyinka ka hortagga uurka, kareemada, daawooyinka dhaqidda, saliidaha ee ee la geliyo xubinta taranka ama cinjirka galmada 3-da maalmood gudahood ka hor intaadan samayn iska-baaritaanka. 

Ha qaadin muunaddaada haddii aad ka walwalsan tahay inaad qabto kansarka ku dhaca afka ilmo-galeenka ama aad leedahay astaamo cusub ama aan caadi ahayn, la xiriir dhakhtarkaaga guud sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagalka ah. Astaamaha waxaa ka mid ah: 

  • Dhiigbaxa dhaca inta lagu jiro galmada ama ka dib, inta u dhaxaysa xilliyada caadadaada ama ka dib caada-joogsiga
  • Xanuun aad dareento xiliga galmada
  • Dareeraha ka yimaada xubinta taranka oo ka culus sidii caadiga ahayd ama leh ur aan caadi ahayn 

Ha isticmaalin qalabkaa is-baaritaanka ilaa astaamahan laga baaro. 

Soo celi qalabkaaga is-baaritaanka 24 saacadood gudahood ka dib markaad sameyso is-baaritaanka adigoo isticmaalaya baqshadda soo celinta ee lagu siiyay. 

Haddii aadan natiijooyinkaaga ku helin 14 maalmood gudahood, aad qabto su’aalo ku saabsan is-baaritaanka, ama qalabkaaga is-baaritaanka uu ku soo gaaro isagoo waxyeellaysan, wac 0300 303 2724.

Barnaamijka Baaritaanka Afka Ilmo-galeenka ee NHS 

Xirmadan waxaa ku jira 

Macluumaadka badbaadada

Ka fogeey meel ay gaari karaan carruurta. Ha liqin dareeraha ku jira tuubada muunad qaadista. Haddii dareeraha la liqo ama uu gaaro indhaha, si fiican u raaci biyo oo la xiriir NHS 111 ama xirfadle daryeel caafimaad si aad talo uga hesho. Haddii astaamaha ay daran yihiin ama aad walaacsan tahay, raadso daryeel caafimaad oo degdeg ah. 

Muhiim ah 

Xirmadan waxaa loo isticmaalaa ujeedo ka duwan isticmaalka uu soo saaraha qalabka baaritaanka HPV uu ugu talagalay (“isticmaal ka duwan kii loogu talagalay”). Tani macnaheeda maahan in qalabka baaritaanka HPV uusan ahayn mid badbaado leh ama aan la isku halleyn karin, laakiin waxaa loo isticmaalayaa si ka duwan sidii asal ahaan loogu talagalay. Xaaladdan, suufka/iswaabka waxaa loo dirayaa dadka si ay ugu isticmaalaan guriga halkii laga isticmaali lahaa rugta caafimaadka, shaybaarkuna wuxuu isticmaalaa hab ku habboon muunadada ay dadka iyaga iska soo qaadeen. 

Kahor intaadan bilaabin 

  • Hubi inaad haysato dhammaan walxaha lagu muujiyay sawirka ee ah waxa ku jira xirmada. Haddii wax ka maqan yihiin ama ay waxyeelloobeen, ha isticmaalin xirmada. Wac khadka caawinta 0300 303 2724.
  • Fadlan gacmahaaga ku dhaq saabuun iyo biyo ka hor iyo ka dib markaad sameyso is-baaritaanka.
  • Marka aad akhrido tilmaamaha, is-baarista waxay qaadan doontaa dhowr daqiiqo oo keliya in la dhameeyo.

1. Gacmaha dhaq 

  • Fadlan gacmahaaga ku dhaq saabuun iyo biyo ka hor iyo ka dib markaad sameyso is-baarista.  

2. Ka saar waxyaabaha ku jira 

  • Baakada dibbada ee car ka soo saar suufka/iswaabka iyo tuubada.  

3. Ka saar daboolka 

  • Daboolka ka saar tuubadaada. Dhig daboolka iyo tuubada labadaba meel siman.
  • Dareere ayaa ku jira mana aha in la daadiyo.  

4. Ka saar suufka 

  • Si taxaddar leh u fur qalabka suufka/iswaabka adigoon taaban caarada jilicsan.
  • Suufka/iswaabka ha gelinin tuubada muunadda ka hor intaadan sameyn is-baarista.  

5. Qabashada suufka/iswaabka 

  • Suufka/iswaabka ka qabo xariiqda madow, tani waxay xaqiijin doontaa inaadan suufka gaarsiinin meel fog.
  • Xaqiiji in suufka/iswaabka uusan waxba taaban ka hor intaadan samayn is-baarista.
  • Waxaad awoodi doontaa inaad gacan ku dareento xariiqda madow ee suufka/iswaabka.  

6. Hel boos raaxo leh 

  • Hel boos raaxo leh, tusaale ahaan marka aad gelinayso suufka.
  • Waxaad isticmaali kartaa qalabka is-baarita adigoo fadhiya, taagan ama jiifsan.  

7. Isu diyaari inaad geliso 

  • Adigoo kala fogeynaya lugahaaga, si tartiib ah u kala jiid maqaarka ku yaala bannaanka dibadda xubintaada taranka.
  • Caaradda ku aadi dhinaca qaybtaada dambe ee hoose oo si tartiib ah caaradda suufka/iswaabka ilaa 5cm u geli xubintaada taranka (qiyaastii 2 inji, ama qiyaastii dhererka labada kala-goys ugu horreeya ee fartaada murdisada).
  • Meeshaas waxay ka hooseysaa xariiqda madow.  

8. Geli suufka/iswaabka 

  • Haddii suufka/iswaabka uusan si fudud u simbiriirixin, si tartiib ah u wareeji markaad gelinayso. Faraha aad ku hayso xariiqda madow ayaa kaa joojin doona inaad ku fogaato.
  • Dhammaadka suufka uma baahna inuu taabto afka ilmo-galeenkaaga.
  • Waa inaysan kuu keenin raaxo darro laakiin haddii ay ku dareensiiso raaxa darro, ha sii wadin. Khadka caawimaadda ka wac 0300 303 2724.  

9. Si tartiib ah u wareeji suufka/iswaabka 

  • Ku wareeji usha suufka/iswaabka gudaha xubinta taranka ilaa 10-30 ilbiriqsiyo, xaqiiji inay taabato derbiyada xubinta taranka.
  • Si tartiib ah uga soo saar suufka/iswaabka.  

10. Suufka/iswaabka ku rid tuubada 

  • Suufka/iswaabka ku rid tuubada adigoo caaradda jilicsan u jeedinaya dhanka salka tuubada.
  • Ha daadin dareeraha ku jira gudaha tuubada.   

11. Suufka/iswaabka ku dheji gudaha tuubada 

  • Iyadoo xariiqda madow ay ku aadan tahay cirifka tuubada, laab suufka/iswaabka ilaa uu ka galo.
  • Waxaad gacanta ku dareemi doontaa xariiqda madow ee suufka/iswaabka.
  • Suufka waa inuu ku dhex jiraa tuubada.  

12. Daboolka dib ugu xir tuubada 

  • Daboolka tuubada si adag ugu xir kadibna tuubada geli baakadka si aad u ilaaliso. 
  • Haddii dareeraha uu daato, ha soo celin qalabka is-baarista. Khadka caawimaadda ka wac 0300 303 2724.  

13. Buuxi xogta summada 

  • Adigoo isticmaalaya qalin, waxaad taariikhda aad iska qaaday muunada ku qortaa summada lagu siiyay ee ku taala xagga dambe ee SafeTPouch.  

14. U diyaari tuubadaada muunadda inaad ku dirto boostada 

  • Tuubada, iyadoo suufka/iswaabka uu gudaha ku jiro, waxaad gelisaa SafeTPouch-kaaga. 
  • Ka saar istiribka/xariijinta jaalaha ah oo ku laab qaybta sare si aad u xirto, xaqiijin in tuubada ay gudaha ku jirto.
  • Tilmaamaha waxaa laga heli karaa dhanka hore ee SafeTPouch.  

15. Waxaad SafeTPouch gelisaa baqshadda 

  • Waxaad SafeTPouch gelisaa baqshadda soo celinta oo xir.  

16. Boostada ku dir adigoo isticmaalaya bokiska boostada 

  • Ku dir bokiska boostada UK 24 saacadood gudahood markaad sameyso is-baarista.