Tilmaam

Ka jawaab-celinta COVID-19 Xagaaga 2021

La cusboonaysiiyay 27 August 2021

Applies to England

Intii lagu gudajiray dilaaca COVID-19, ujeedada Dowlada waxay aheyd inay ilaaliso nolosha iyo habnololeedyada guud ahaan United Kingdom. Arintani waxay weli tahay mudnaanta Dowladda maadaama UK ay fududeyneyso xayiraadaha.

UK waxay sameysay horumar ballaaran sanadkaan. Soo iibinta tallaalada ee kooxda tallaalka ee Vaccines Taskforce iyo keenista tallaalada ee Adeegga Caafimaadka Qaranka (NHS) ayaa UK gaarsiisey xaalad wanaagsan. UK waxay ka tallaashay dadkeeda in ka badan wadamada kale ee Yurub, marka laga reebo Malta, waxayna ku tallaashay qofkiiba qaadashooyin qof walba ah oo ka badan kan wadamada kale ee G7.[footnote 1] Mahadnaqaas waxaa leh guusha barnaamijka tallaalka in Dowladda iyo Maamulada Is-xukumka leh ay awood u yeeshey in ay fududeeyaan xayiraadaha England, Scotland, Wales iyo Northern Ireland.

Tallaallada ayaa si weyn u yareynaya xiriirka ka dhexeeya caabuqyada iyo cudurrada daran iyo dhimashada.[footnote 2] Sidii markii hore loo dejiyey Jawaab-celintii COVID-19 - Gu’gii 2021 (‘khariidada’), oo leh tiro aad u badan oo dadka la tallaalay ah, waddanku wuxuu baran karaa inuu la noolaado COVID-19 iyada oo aan loo baahnayn xayiraad adag oo xagga dhaqaalaha iyo bulshada ah kuwaas oo jirey tan iyo bishii Maarso 2020.

Aafadii ma dhamaan. Kiisaska ayaa hadda kor u kacaya, sidoo kale isbitaal dhigida ayaa kor u kacaysa. Kiisaska, isbitaallada la seexdo iyo, nasiib darro, dhimashada, ayaa sii kici doona marka bulshada iyo dhaqaaluhu dib u furmaan. Feejignaanta waa in la ilaaliyaa, dadkana waxaa laga codsan doonaa inay gaaraan go’aanno xog-ogaal ah oo ay u dhaqmaan si taxaddar leh iyo dheeli-tiranaan, si ay u maareeyaan halista naftooda iyo kuwa kaleba Faafitaanka dhowaan ee nooca Delta, oo hadda awood ku leh laguna qiyaasay inuu yahay 40-80% ka faafitaan badan marka loo eego noocii hore ee Alfa,[footnote 3] waxay muujineysaa sida ugu dhakhsaha badan ee xaaladdu isu beddeli karto. Guusha barnaamijka tallaalku waxay ka dhigan tahay in isbitaal seexashada la filayo inay si ka tartiibsan ay u kici doonaan marka loo eego mowjadihii hore inkasta oo heerka koritaanka iyo muddada mowjaddu wali aan la hubin. Xogta waxaa lagu hayn doonaa dib-u-eegis joogto ah. Weli waxaa jiri doona heerar sare ee ciaabuq iyo jirro sidaa darteedna carqalad ku ah nolosha, dhaqaalaha iyo gaarsiinta adeegyada bulshada. Go’aanka ku saabsan haddii loo guurayo tallaabada 4 marka la gaaro 19-ka Luuliyo waxaa lagu qaadan doonaa iyada oo lagu saleynayo qiimeynta afarta tijaabo, oo ay ku jiraan saameynta ay ku leedahay NHS, marka la gaaro 12-ka Luulyo.

Halista ugu weyn ee horumarka uu dalku ku tallaabsaday waa nooc ka mid ah walwalka oo si buuxda ama qayb ahaan uga fakada difaaca. Waxaa jira caddayn muujineysa in tallaalladu waxtarkoodu ku yar yahay noocyada jira qaarkood, sida nooca Beta,[footnote 4] Dawladduna ma oga waxa noocyo cusub ah oo soo bixi doona bilaha iyo sannadaha soo socda. Xitaa iyada oo aan la helin nooc cusub, jiilaalka soo socda ayaa arki kara dib-u-soo-noqosho dheeraad ah ee kiisaska COVID-19, oo ay u badan tahay inay ku sii dari doonaan cudurrada kale ee neef-mareenka xilliyada, sida hargabka.[footnote 5]

Sidaa darteed, marka England u dhaqaaqdo tallaabada 4 ee khariidadda, Dawladdu waxay sii wadi doontaa maareynta khatar cudur halis ah oo ka iman kara faafidda fayraska. Arintani waxay calaamadeyn doontaa weji cusub oo ka jawaabidda Xukuumadda ee aafada, iyadoo laga fogaanayo xayiraadaha adag ee saaran qof kasta nolol maalmeedkiisa, iyada oo lagula taliyo dadka sida loo ilaaliyo naftooda iyo dadka kaleba, oo ay weheliso waxqabadyada la beegsanayo si loo yareeyo halista. Si arintan loo sameeyo, Dowladdu waxay:

  1. Dib u xoojineysaa darbiga tallaalka ee waddanka ayada oo adeegsanaya tallaal xoojin ah iyo kor u qaadista qaadashada.
  2. U oggolaaneysaa dadweynaha in ay gaaraan go’aanno xog-ogaal ah iyada oo isticmaaleysa hagitaan, halkii ay ka isticmaali laheyd sharciyada.
  3. Sii hayneysaa qorshaha baaritaanka miisaaman, dabagalka iyo go’doominta si waafaqsan isbarbar dhigga caalamiga ah.
  4. Maareyeysaa halista xadka oo aad taageerto jawaab-celinta caalamiga ah si loo yareeyo halista noocyada kala duwan ee ka soo ifbaxaya adduunka iyo soo gelitaanka UK.
  5. Sii hayneysaa tallaabooyinka lama filaanka ah si looga jawaabo dhacdooyinka lama filaanka ah, iyada oo la aqbalayo kiisaska dheeraadka ah, isbitaallada la dhigo iyo dhimashaduba ay dhici doonaan inta waddanku baranayo la noolaanshaha COVID-19.

Dukumeentigaan wuxuu qeexayaa qabanqaabada laga diyaarin doono England. Maamulada waxay dejinayaan qorshayaalka Scotland, Wales iyo Northern Ireland.

1. In la xoojiyo darbiga tallaalka dalka ee difaaca ah

Laga soo bilaabo 2-da Luuliyo, c.38 milyan oo qof oo ku nool England ayaa helay qaadashada koowaad ee tallaalka halka c.28 milyan oo qofna ay qaateen qaadashadoodii labaad.[footnote 6] Markay la gaaro 19-ka Luuliyo, Dowladdu waxay rajeyneysaa in qof kasta oo qaangaar ah uu fursad u heli doono inuu helo qaadashada ugu horreysa ee tallaalka, saddex-meelood laba meelood oo dadka qaangaarka ahna ay heli doonaan qaadashadoodii labaad. Si loo sii dardar geliyo baahinta tallaalka Dawladdu waxay u soo gudbin doontaa qaadashada labaad illaa siddeed toddobaad ka dib qaadashada koowaad ee kuwa ka hooseeya 40 sano jir, iyada oo u yareyneysa muddada u dhexeysa sideed toddobaad ee dhammaan kooxaha. Ayada oo ku xiran in helitaanku uu yahay mid sugan, arintani waxay ka dhigan tahay in dhammaan dadka qaangaarka ah ay fursad u heli doonaan inay helaan tallaal buuxa inta lagu jiro bartamaha Sebtember. Guddiga Wadajirka ah ee Madaxabannaan ee Tallaalka (JCVI) ayaa ku taliyay in qaadashooyinka u dhexeyntoodaa ah ugu yaraan 8 toddobaad la ilaaliyo maadaama caddeynta ay muujineyso in qaadashada muddada dheer ay keento badbaadin waqti dheer ah, marka laga reebo xaalado kooban.[footnote 7]

Falanqaynta Hay’adda Caafimaadka Dadweynaha England (PHE) waxay soo jeedineysaa hal qaadasho oo ah talaalka Oxford / AstraZeneca ama Pfizer / BioNTech inay yareyneyso halista astaamaha cudurka ee nooca Delta ilaa iyo ~ 35%, iyo isbitaal dhigida ilaa iyo ~ 80%. Qaadashada labaad waxay sare u qaadeysaa ilaalinta ilaa iyo ~ 79% kahortaga astaamaha cudurka iyo ~ 96% kahortaga isbitaal dhigida.[footnote 8]

Talada ku meel gaarka ah ee JCVI, oo ku saleysan cadeymaha jira, ayaa ah in la siiyo tallaalada xoojinta COVID-19 kuwa ugu nugul, laga bilaabo Sebtember 2021.[footnote 9] Barnaamijka xoojinta wuxuu ujeedkiisu yahay inuu bixiyo adkeysi dheeri ah oo ka dhan ah noocyada kala duwan, iyo in la kordhiyo ka hortagga kuwa ugu nugul cudurada khatarta ah ee ka yimaada COVID-19 ka hor bilaha jiilaalka, marka uu jiro cadaadis saa’id ah oo ku saabsan NHS-ta oo ah xaalad aan aheyn COVID-19 dalabku waa kan ugu sarreeya.

Qaadasho xoojin ah ayaa la siin doonaa kooxaha loona siin doonaa laba marxaladood hadday suurtagal tahayna waxaa lagu bixin doonaa isaga oo la socda tallaalka hargab-qandhoolaha ka sanadlaha ah. Marxaladda koowaad, xoojiye ayaa la siin doonaa dadka waaweyn ee da’doodu tahay 16 sano iyo wixii ka weyn ee nidaamkooda difaacu daciif yahay; kuwa ku nool guryaha daryeelka dadka waaweyn; dhammaan dadka waaweyn ee jira 70 sano ama ka weyn; dadka waaweyn ee jira 16 sano iyo wixii ka weyn oo loo arko inay caafimaad ahaan aad u nugul yihiin; iyo shaqaalaha caafimaadka iyo daryeelka bulshada safka hore. Sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah ka dib marxaladda koowaad, marxaladda labaad waxay arki doontaa xoojin loo fidiyo dhammaan dadka waaweyn jira 50 sano iyo wixii ka weyn; dadka waaweyn ee jira 16–49 sano ee qaba hargabka ama kooxda halista ugu jirta ‘COVID-19’;[footnote 10] iyo dadka waaweyn ee guryaha lagala xiriiro ee dadka difaacooda liito. Qaabka lagu taliyay ee ololaha xoojinta - oo ay ku jiraan goorta, cida la tallaalayo iyo noocyada tallaalka loo isticmaali doono - wuu is beddeli karaa markii caddeyn dheeraad ah la helaba.

Dowladdu waxay weydiisatay JCVI inay talo ka bixiso tallaalka carruurta. Markay Dawladdu hesho talada, si taxaddar leh ayaa looga fiirsan doonaa, waxaana ay bixin doontaa macluumaad cusbooneysiin ku saabsan sida Dowladdu u qorsheyneyso inay ku sii socoto.

Intaas waxaa dheer, Dowladda waxaa ka go’an inay ilaaliso kuwa ugu nugul iyada oo ka dhigeysa tallaalka COVID-19 shardi ah in la geeyo shaqaalaha iyo dadka kale ee ka shaqeeya guryaha daryeelka. Dawladdu waxay sidoo kale bilaabeysaa wada-tashi muddo gaaban ah oo ku saabsan in shardigan lagu daro daryeelka caafimaadka iyo goobaha daryeelka bulshada ee dheeraadka ah sida daryeelka guryaha.

Mudada dheer, tallaalada xoojiyaha waxay u egtahay inay noqon doonaan qayb joogto ka mid ah maaraynta COVID-19, oo ay weheliso waxqabadyo kale oo dawooyin ah oo ay ku jiraan antivirals iyo daawooyinka. Bishii Abriil, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku dhawaaqay aasaasidda Antivirals Taskforce.[footnote 11] Taskforce-ka waxay horseed u tahay soo saarida antivirals oo haddii la caddeeyo inay ammaan tahay oo si wax ku ool ah ay gacan ka geysan karto jabinta silsiladaha gudbinta, yareynta tirada bukaanada jiifa isbitaalada isla markaana soo dadajineysa waqtiga soo kabashada. Dowladdu waxay sii wadi doontaa inay aqoonsato oo ay siiso daaweyn kale, oo ay weheliso barnaamijka tallaalka, si ay awood ugu yeelato maareynta muddada-dheer ee COVID-19 iyo saameynta caafimaadka ee ay ku yeelan karto. Arintani waxay xaqiijin doontaa in fayraska lalamaareyn karo cudurada kale ee neef mareenka ku dhaca ee xilliyeed iyo in UK ay mustaqbalka diyaar u tahay wax kasta oo faafa.

2. U suurtagelinta dadweynaha in ay gaaraan go’aano xog ogaal ah

Khariidadda hawluhu waxay dejisay afar tallaabo oo xayiraada ah England.[footnote 12] 14-kii Juun, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku dhawaaqay afar toddobaad oo hakad ah tallaabada 3, taasoo ka dhalatay halista iyo hubanti-la’aanta dheeraadka ah ee ka dhashay faafitaanka noocyada Delta ee aad loo sii gudbin karo. Dawladdu waxay qiimeyn doontaa afarta imtixaan mar kale 12-ka Luuliyo si ay go’aan uga gaarto haddii loo gudbi doono tallaabada 4 marka la gaaro 19-ka Luuliyo.

Cusboonaysiintaani waxay dejineysaa xeerarka iyo hagitaanka kuwaas oo lagu dabaqi doono tallaabada 4, si ganacsiyada iyo shaqsiyaadku ay u helaan waqti ay isku diyaariyaan. Habka wajihidda ayaa lagu sheegay dib u eegista khariidada ee kala fogaanshaha bulshada, shahaado siinta iyo Barnaamijka Cilmi baarista Dhacdooyinka. Natiijooyinka wajiga koowaad ee Barnaamijka Cilmi-baarista Dhacdooyinka waxaa la daabacay 25-kii Juun,[footnote 13] wixii ka soo baxay kala fogaanshaha bulshada iyo dib u eegista shahaado siintana waxaa laga heli karaa dukumiintigan.

Tallaabada 4, Dowladdu waxay ka saari doontaa xayiraadaha sharci ee saaran xiriirka bulshada, dhacdooyinka nolosha, waxayna furi doontaa goobaha harsan ee xiran. Dawladdu waxay taas beddelkeeda u oggolaan doontaa dadka inay gaaraan go’aanno xog-ogaal ah oo ku saabsan sida loo maareeyo halista naftooda iyo kuwa kaleba. Dawladdu waxay siin doontaa hagitaan dadweynaha iyo ganacsatada sidii ay gacan uga geysan lahaayeen yareynta faafitaanka COVID-19 iyo yareynta halista dib u soo noqoshada taasoo NHS-ta saareysa cadaadis aan loo dulqaadan karin.

Arintan macaheedu waa marka la gaaro tallaabada 4:

  • Dhammaan xaddidaadaha ku haray xiriirka bulshada (hadda 6 qof ama 2 guri meelaha gudaha ah, ama 30 qof meelaha bannaanka ah) waa laga saari doonaa mana jiri doonaan xayiraad dheeraad ah oo ku saabsan inta qof ee ku kulmi karta goob kasta, gudaha iyo bannaankaba.
  • Dhammaan gobaha ayaa furmi kara, oo ay ku jiraan naadiyada qoob-ka-ciyaarka ee habeenadii. Dhacdooyinka waaweyn, sida xafladaha muusikada iyo dhacdooyinka ciyaaraha ayaa dib u bilaaban kara iyada oo aan xad lahayn ka qeybgalka ama shuruudaha kala fogaanta bulshada.
  • Dhammaan xaddidaadaha ku saabsan dhacdooyinka nolosha sida aroosyada, aaska, bar / bat mitzvahs iyo walqalka waa laga saari doonaa, oo ay ku jiraan xaddidaadaha haray ee tirada ka soo qeyb galayaasha. Ma jiri doonaan shuruud loogu talagalay adeegga miiska xafladaha nolosha, ama xaddidaadda heesaha ama qoob-ka-ciyaarka.
  • Shahaado siinta heerka COVID looma baahan doono sharci ahaan in ay shardi u ahaato gelitaanka booqdayaasha goob kasta. Hay’adaha waxay hadaba awoodaan inay martida weydiistaan caddeynta heerka COVID, ilaa iyo inta ay la kulmayaan waajibaadka sharci ee jira oo ay ku jiraan sharciga sinnaanta. Dawladdu waxay siineysaa dariiq shaqsiyaadka ay si fudud ugu muujiyaan xaaladdooda COVID. Arintan waxaa lagu gaari karaa iyada oo la dhammaystiro koorso buuxda oo tallaal ah, baaritaan dhowaan la qaaday oo aan laga helin, ama caddeyn ah difaaca dabiiciga ah - iyada oo loo marayo marinka NHS COVID Pass ee app-ka NHS.
  • Shuruudaha sharciga ah ee xirashada weji-daboolka ayaa laga qaadi doonaa dhammaan goobaha. Si looga caawiyo yareynta faafitaanka COVID-19, hagaha la daabacay ayaa ka talin doona xirashada weji-daboolka waxay yareyn doontaa halistaada iyo halista kuwa kale, marka aad xiriir la yeelato dadka aadan caadi ahaan kula kulmin meelaha xiran iyo meelaha dadku ku badan yahay.
  • Xeerarka kala fogaanshaha bulshada (2 mitir ama 1 mitir oo wadata taxadar dheeri ah) ayaa la qaadi doonaa. Waa inaad sii wadataa ka fiirsiga halista xiriirka dhow ee dadka kale, gaar ahaan haddii aad caafimaad ahaan aad u nugushahay ama aadan weli si buuxda u tallaalneyn. Kala fogaanshaha bulshada waxaa kaliya looga baahan doonaa duruufo xaddidan: goobta laga soo galo rakaabka inta u dhaxeysa soo dejinta iyo kantaroolka xudduudaha si loo maareeyo halista Noocyada Walaaca leh ee u kala gudubta shakhsiyaadka; iyo dadka is-go’doominaya waa inay sidoo kale sii wadaan inay ka fogaadaan bulshada dhexdeeda dadka kale, gaar ahaan markii laga helo cudurka. Goobaha caafimaadka iyo daryeelku waxay sii wadi doonaan inay ilaaliyaan hababka kahortaga iyo xakamaynta caabuqa ee ku habboon hadba sida loogu baahdo arintanina si joogto ah ayaa dib loogu eegi doonaa. Hagaha ayaa la cusbooneysiin doonaa iyada oo lagu saleynayo caddeynta caafimaad ee ugu dambeysay xagaagan.
  • Goobaha shaqsi ahaaneed ee halista faafitaanka degdegga ahi ay si gaar ah u daran tahay, Agaasimayaasha Caafimaadka Dadweynaha, iyaga oo la tashanaya dejinta hawl wadeennada iyo waaxaha khuseeya, waxay awood u yeelan doonaan inay kugula taliyaan kala fogaanshaha bulshada in la dejiyo haddii loo baahdo in la xakameeyo dillaaca. Arintani waa in la bartilmaamsadaa, waqti xaddidan, oo lagu dabaqaa goobaha lagu tilmaamo bulshooyinka xiran iyo kuwa nugul sida xabsiyada, xarumaha laga qaado dadka soo-galootiga ah iyo guryaha dadka hooy la’aanta ah.
  • Looma sii baahnaan dooono inay dowladda u sheegto dadka in ay guriga ka soo shaqeeyaan. Loo shaqeeyayaasha ayaa bilaabi karaan qorsheynta sidii goobaha shaqada loogu soo noqon lahaa.
  • Shuruucda dhigeysa shuruudaha ku-meel-gaarka ah ee COVID ee ganacsiyada, oo ay ku jiraan adeegga miiska, iyo kala fogaynta miisaska, waa la qaadi doonaa. Hagaha ‘u shaqeynta si badbaado leh’ ayaa loo cusbooneysiin doonaa si loo siiyo tusaalooyin taxaddar macquul ah oo loo shaqeeyeyaashu qaadi karaan si loo yareeyo halisaha goobahooda shaqada. Loo-shaqeeyayaashu waa inay ku xisaabtamaan hagitaankan diyaarinta qiimeynta halista ah ee horey looga rabay inay ku sameeyaan xeerarka caafimaadka iyo badbaadada ee dillaaca ka hor.
  • Ganacsiyadu waa inaysan ka dalban shaqaale is-go’doominaya inuu yimaado shaqada, waana inay hubiyaan in shaqaalaha iyo macaamiisha dareemaya inaysan fiicnayn aysan xaadirin goobta.
  • Ganacsiyada waxaa lagu dhiirigelinayaa inay weydiistaan shaqaalaha iyo macaamiisha inay gacmahooda si joogto ah u nadiifiyaan ayna nadiifiyaan meelaha ay dadku si joogto ah u taabtaan. Dawladdu waxay bixin doontaa hagitaan ku saabsan sida ganacsatadu u yareyn karaan xiriirka aan loo baahnayn ee goobta shaqada, marka ay wax ku ool yihiin. Hawl-wadeenada waxaa wali lagu dhiiri galinayaa inay adeegsadaan goobaha bannaanka ah marka ay suurtagal tahay, iyo inay tixgeliyaan inay hawo nadiif ah mareyso meelaha gudaha ah. Kormeerayaasha Kaarboon-ta laba-Oksijiinleyda ah (CO2) ayaa loo isticmaali karaa inay gacan ka geystaan sidii loo aqoonsan lahaa meelaha hawo xumadu ka jirto iyada oo ganacsiyada lagu dhiirrigeliyey inay qaadaan tallaabooyin lagu hagaajinayo hawo is-dhaafka haddii akhrinta CO2 ay si joogto ah u sarreyso.
  • Ganacsiyada waxaa lagu dhiirrigelinayaa inay sii wadaan muujinta sumadaha QR ee macaamiisha doonaya inay adeegsadaan baaritaanka app-ka NHS e COVID-19, si loo taageero barnaamijka Baarista iyo dabagalka NHS-ta, laakiin arintani mar dambe ma noqonayso shuruudo sharci ah.
  • Dawladdu waxay beddeli doontaa xakameynta khuseysa ee sanadaha hore, dugsiyada, jaamacadaha iyo mac’hadyada tacliinta sare si ay u ilaaliyaan gundhigga ah ee tallabooyinka ilaalinta iyada oo la badinayo imaanshaha lana yareynayo arbushaada ku imanaysa waxbarashada carruurta iyo dhallinyarada. Ujeeddada Dowladdu waa in laga bilaabo tallaabada 4 carruurta aysan mar dambe u baahnaan doonin inay ku jiraan kooxo isdaba joog ah (‘goobooyin’), iyo goobaha sanadaha hore, dugsiyada ama kulliyadaha looma baahna inay si joogto ah u sameeyaan dabagalka xiriirka, taas oo gacan ka geysan doonta yareynta tirada carruurta is-go’doomineysa. Dabagalka xiriirka ee goobaha waxbarashada gaarka ah ayaa bilaabi kara oo keliya haddii loo arko inay lagama maarmaan u tahay ka jawaab celinta dillaaca cudurka ee deegaanka.
  • Dawladdu waxay sidoo kale dooneysaa inay ka-reebto carruurta ka yar 18-ka sano ee xiriirka dhow la leh kiisaska laga heley ee laga doonayo shuruudda is-go’doominta, iyada oo la raacayo habka loo wajahayo kuwa si buuxda loo tallaalay (sida hoos ku xusan). Faahfaahin dheeri ah ayaa la daabici doonaa waqtigeeda iyada oo isbeddelada ay u eg tahay inay dhaqan galayaan xilli dambe oo xagaaga ah. Ma jiri doonaan xaddidaado saarnaan doona waxbarista iyo barashada si shakhsi ah loo xaadiroee jaamacadaha.
  • Wasaarada waxbarashadu dhowaan waxay soo bandhigi doontaa faahfaahin dheeraad ah, waxayna daabici doontaa hagitaan cusub oo ku saabsan qabanqaabada goobaha waxbarashada laga bilaabo tallaabada 4, oo ka hadlaysa xilliga xagaaga iyo xilli waxbarashada soo socota.
  • Guryaha daryeelka, Dowladdu waxay ka qaadi doontaa xaddidaadaha ku xaddidaya deggane kasta shan soo-booqde oo la magacaabey. Hage gaar ah ayaa ka tala-bixin doona sida booqashooyinka loo fulin karo si loo ilaaliyo guryaha daryeelka iyadoo dhinaca kalena booqashooyinka laga dhigayo kuwo caadi ah sida ugu suurtagalsan. Guryaha daryeelku waxay u baahan doonaan inay sii wadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah ka hortagga caabuqa iyo xakameynta si halista cudurka looga ilaaliyo dadka deegaanka.

Qaadista xaddidaadaha macnaheedu ma ahan in halista ka imaaneysa COVID-19 ay meesha ka baxday. Taa baddalkeeda waxay calaamad u tahay weji cusub oo ka jawaab celinta Dowladda ee aafada inta lagu guda jiro taas oo dadku u baahan yihiin inay maareeyaan halista naftooda iyo dadka kaleba inta uu waddanku baranayo inuu la noolaado fayraska. Iyada oo laga ambaqaadayo hagitaanka la cusbooneysiiyay ee ku saabsan la kulanka asxaabta iyo qoyska, oo lagu dhawaaqay iyada oo qeyb ka ah tallaabada 3, Dowladdu waxay bixin doontaa hagitaan talo-bixin ah oo ku saabsan sida dadku u maareyn karaan halista ku wajahan naftooda iyo dadka kaleba. Waxay dejineysaa sida hab-dhaqanada soo socda ay faa’iido u leeyihiin:

  1. Ku kulmida meelaha hawada wanaagsan leh markay suurogal tahay, sida bannaanka ama gudaha oo daaqaduhu furan yihiin.
  2. Xirashada weji-daboolka marka aad xiriir la yeelato dadka aadan caadi ahaan kula kulmin meelaha xiran iyo meelaha dadku ku badan yahay.
  3. Si joogto ah ugu dhaqida gacmahaaga saabuun iyo biyo ama isticmaalida nadiifiyaha gacmaha maalintii oo dhan.
  4. Daboolida sankaaga iyo afkaaga marka aad qufaceysid ama hindhiseysid.
  5. Joogitaanka guriga haddii aad jiran tahay, si loo yareeyo halista u gudbinta cudurrada kale ee loo gudbiyo saaxiibbada, qoyska, asxaabta, iyo dadka kale ee bulshada ka tirsan.
  6. Iyada oo la tixgelinayo halista shaqsiyadeed, sida nuglaanta caafimaad iyo xaaladda tallaalka.

Dawladdu waxay sii wadi doontaa inay dadka ku boorriso inay is tallaalaan, iyo inay iskood isu go’doomiyaan oo ay isbaaraan haddii ay astaamo leeyihiin. Waxay sii ahaan doontaa shuruud sharci ah in ay dadku is-godoomiyaan haddii cudurka laga helo ama ay u sheego inay sidaa sameeyaan barnaamijka Baaritaanka iyo Dabagalka ee NHS. Dadweynaha ayaa lagu sii dhiirigelin doonaa in ay soo dejisadaan isticmaalaana noocii ugu danbeeyey ee app-ka NHS ee COVID-19 si ay u caawiyaan yareynta faafitaanka fayraska.

Shakhsiyaadka ayaa dooran kara inay yareeyaan xiriirka dhow ee ay la leeyihiin dadka aysan inta badan la nooleyn si loo yareeyo halista qaadista ama faafitaanka COVID-19, gaar ahaan haddii ay caafimaad ahaan aad u nugul yihiin. Waa muhiim in la ixtiraamo lana tixgeliyo dadka kale oo jeclaan kara inay qaadaan tallaabooyin taxaddar leh marka xaddidaadaha la qaadayo.

3. Sii jiritaanka qorshayaasha caqligalka ah ee Baaritaanka, Dabagalka iyo is-go’doominta

Baaritaanka, Dabagalka iyo Go’doominta waxay leeyihiin door muhiim ah oo socda oo ah maareynta fayraska waxayna yareyneysaa halista noocyada khatarta ah ee faafi kara. Dawladdu waxay rajeyneysaa nidaamka Baaritaanka, Dabagalka iyo Go’doominta inay sii ahaanayaan lagama maarmaan illaa iyo deyrta iyo jiilaalka.

Qaadashada iyo u hogaansamida joogtada ah waxay muhiim u tahay taageerida wadanka ee la noolaanshaha fayraska ilaa dayrta iyo jiilaalka.

Baaritaanka astaamaha waa lasii heli doonaa. Dabagalka iyo go’doominta ayaa fure u noqon doonta la socoshada iyo ka-hortagga faafidda fayraska, oo lagu kordhiyey isticmaalka barnaamijka app-ka NHS ee COVID-19 (in kasta oo hubinta ama bixinta faahfaahinta xiriirka ee goobaha ay hadda noqon doonto mid ikhtiyaari ah).

Baadhitaanada dadka aan astaamaha muujin ayaa sii jiri doonta si ay caawimo ugu noqoto helitaanka kiisaska iyo jebinta silsiladaha gudbinta. Waxay ka caawin doontaa kala-guurka inta ay dadku maareynayaan halistooda shaqsiyadeed, iyada oo sidoo kale laga ilaalinayo dadka kale. Waxaa si gaar ah diiradda loo saari doonaa dadka aan si buuxda loo tallaalin, kuwa waxbarashada ku jira, iyo kuwa ku jira goobaha halista sare leh, sida NHS, daryeelka bulshada iyo xabsiyada. Dadku waxay sidoo kale jeclaan karaan inay isticmaalaan baaritaanka degdega ah oo joogto ah si ay uga caawiyaan maareynta xilliyada halista ah sida ku noqoshada goobta shaqada, xiriir dhow iskula yeelashada goobaha halista sare leh ama markay waqti dheer la qaadanayaan shaqsi aad u nugul. Baaritaanka bulshada waxay ka taageeri doontaa maamulada maxaliga ah inay diirada saaraan saamaynta aan dheela-tirneyn iyo kooxaha kale ee halista sare leh.

Dawladdu waxay ku talo jirtaa inay ka dhaafto dadka sida buuxda looga tallaalay shuruudda ah inay is-go’doomiyaan haddii ay xiriir la leeyihiin xaalad cudurka laga heley, oo leh ka-dhaafitaan la mid ah kuwa ka yar 18-ka (sida kor ku xusan). Qof kasta oo laga heley cudurka weli wuxuu u baahan doonaa inuu iskiis isu-go’doomiyo iyada oo aan loo eegin xaalada tallaalkiisa. Faahfaahin dheeri ah ayaa la daabici doonaa waqtigeeda iyada oo isbeddelada ay u eg tahay inay dhaqan galayaan waqti danbe oo xagaaga ah.

Ilaa ugu yaraan dhammaadka bisha Sibtembar, dhaqan-gelinta is-go’doominta iyo taageerada ayaa haddii kale u sii socon doonta sida ay hadda tahay. Kiisaska cudurka laga heley iyo xiriirada dhow ee aan ka soo shaqeyn karin guriga isla markaana la kulmi kara dhibaato dhaqaale oo go’doominta ah waxay xaq u yeelan karaan £500 lacag-siin ah oo ka timaada Taageerada Barnamijka Baarista & dabagalka ama taageerada maaliyaddeed ee degmadooda. Taageerada wax ku oolka ah ee is-go’doominta ayaa sidoo kale sii jiri doonta iyadoo ay ku jiraan adeegga keenista daawooyinka iyo caawimaadda ay bixiyaan maamulka deegaanka.

4. Maareynta halista ka jirta xuduudka iyo taageerada ka jawaabta-celinta caalamiga ah

Walaaca ka jira Noocyada ayaa ah halista ugu weyn ee horumarka uu dalku ku tallaabsaday in uu khafiifiyo xaddidaadaha khariidada. Noocyada kala duwan way sii socon doonaan iney ka soo if-baxaan adduunka bilaha soo socda iyo sannadaha soo socda, waxaana jiri kara noocyo kala duwan oo ka fara-baxsada jawaabaha difaaca jirka, taasoo wiiqaysa ka hortagga ay tallaaladu bixinayaan. Si loo maareeyo loogana jawaab celiyo halista ka imaaneysa noocyada kala duwan, Dowladdu waxay ku sii wadi doontaa tallaabooyin adag oo ay ku jiraan tallaabooyinkeeda caafimaad ee xuduudka.

Dawladdu waxay hirgelisay nidaamkeeda nalka taraafikada ee socdaalka caalamiga ah, oo ay aasaaseen Global Travel Taskforce (GTT), oo dejisa tallaabooyinka lagu dabaqayo dadka ka imanaya waddamada Red, Amber iyo Green.[footnote 14] Qiimeyntan halista ah waxaa lagu hayaa dib-u-eegis joogto ah, oo la cusbooneysiinayo seddexdii toddobaadba mar, ama si ka degdeg badan haddii muuqaalka caafimaadku uu sidaa na farayo. Waa muhiim in dadku sii wadaan inay raacaan xeerarka khuseeya wadankii ay ka soo safreen.

GTT waxay kaloo dejisay seddex hubis oo Dowladu ay dib u eegis ku sameyn doonto tallaabooyinka lagu dabaqayo tallaabo oo haliseed, si loo hubiyo inay ahaadaan kuwo u dhigma. Markii ugu horreysay ee dib-u-eegista la sameeyey 28 Juun, Dowladdu waxay xaqiijisay in tallaabooyinka intooda badani ay sii jiri doonaan, laakiin waxay dejisay in ujeedkeedu yahay in dadka ka imanaya waddamada amber ee si buuxda loo tallaalay[footnote 15] mar dambe uma baahnaan doonto in la is-go’doomiyo xagaaga dambe. Wasiirka Gaadiidka ayaa dhowaan qeexi doona faahfaahin dheeraad ah.

Sii wadista ilaalinta UK waxay sidoo kale ka dhigan tahay xakamaynta gudbinta adduunka si dadka loogu ilaaliyo meel kasta si badbaado ah, loogana hortago soo bixitaanka noocyada cusub ee laga welwelsan yahay. Xaddidaadaha safarada ayaa sii ahaan doona qeyb ka mid ah. Iyada oo la is taageerayo, wadamada G7 waxay isku raaceen in la xoojiyo doodaha si loo gaaro si badbaado ah dib-u-furid waarta oo safarada caalamiga ah. Dowladdu waxaa ka go’an inay ajandahan la xaqiijiso wadamada G7, iyo wadahadal ay la gasho USA iyo EU.

Iyada oo ku timid Madaxnimada UK, hoggaamiyeyaasha G7 waxay ku heshiiyeen qorshe lagu dardargelinayo tallaalka adduunka, iyada oo mudnaanta la siinayo helitaanka tallaallada waddamada soo koraya. Waxaa dhinac socda ballan-qaadka ah in la bixiyo 1 bilyan oo tallaaal iyada oo loo marayo maaliyad iyo wadaagis sannadka soo socda (oo ay ku jiraan 100 milyan oo qaadasho ah oo ka imanaya UK), wadamada G7 waxay la shaqeyn doonaan hawlgalayaasha kale ee caalamiga ah si loo xoojiyo saadka iyo taageeridda qaybinta iyo barnaamijyada tallaalka. UK waa mid ka mid ah qaadhaan bixiyaasha ugu weyn ee Helitaanka COVID-19 Tools Accelerator (ACT-A), oo xarunteeda COVAX ay ilaa hadda bixisay in ka badan 95 milyan oo qaadasho oo 134 wadan.[footnote 16] In ka badan 90% kuwan waxay ahaayeen tallaalka Oxford-AstraZeneca, oo horumarintiisa lagu taageeray maalgelinta Dowladda UK.

Raysul Wasaaraha ayaa sidoo kale ku dhawaaqey qorshooyaal cusub oo shabakadda kormeerka cudurada adduunka oo loo yaqaano (‘Global Pandemic Radar’) bisha Maajo.[footnote 17] UK waxay la shaqeyneysaa Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo kuwa kale sidii Radar-ka loo kicin lahaa loogana shaqeyn lahaa si adduunku si fiican u ogaado ugana jawaab celiyo Noocyada Cusub iyo hagaajinta u diyaargarowga kahortagga iyo ka jawaab celinta aafooyinka mustaqbalka. Awooda cilmiga genomic sequencing ee UK ee hogaamineysa aduunka waxay sameyn doontaa qeyb muhiim ah oo lagu ogaanayo, loogana jawaab celinayo noocyada cusub, UK waxay horey u taageertey India, Nigeria iyo Brazil si loo wanaajiyo awoodahooda cilmigan.

5. Sii haynta qorshooyinka aan la sii ogayn

Xitaa ka dib dhamaadka kharidada, haliso waa weyn ayaa sii jiri doona, gaar ahaan noocyada cusub ee walwalka leh oo ka baxsan kara tallaallada. Feyrasku wali wuu ku sii soconayaa inuu ku faafo gudaha iyo dibada, jiilaalkanna COVID-19, oo ay weheliso soo noqoshada hargab-qandhoolaha iyo cudurada kale ee neef-mareenka, ayaa sababi kara culeys dheeri ah ee cadaadiska NHS-ta ee xilliga jiilaalka. Dowladda waxaa laga yaabaa inay u baahato inay qaado tallaabooyin lagu caawinayo maareynta fayraska xilliyada khatarta sare leh, sida xilliga jiilaalka, laakiin waxay intii suurtogal ah mudnaanta siin doontaa hagidda la xoojiyay, waxayna dooneysaa inay ka fogaato soo rogidda xaddidaado leh kharashyo fara badan oo dhaqaale, bulsho iyo caafimaad.

Dhinacyada kontoroolka ee xuduudka, Dowladdu waxay leedahay qalab kala duwan oo ay ku maareyn karto ugana jawaab celineyso halista noocyada cusub, oo ay ka mid yihiin kormeerka, genomic sequencing, maaraynta cudurrada iyo waxqabadyada dawooyinka (oo ay ku jiraan tallaalka). Dawladdu waxay ilaalin doontaa qorshayaal deg-deg ah ee dib-ugu-soo celinta xaddidaadaha dhaqaale iyo bulsho ee heer degmo, gobol ama heer qaran ah haddii caddayntu muujiso inay lagama maarmaan u yihiin xakamaynta ama maaraynta noocyo khatar ah. Tallaabooyinka noocan oo kale ah ayaa dib loogu soo bandhigi doonaa oo keliya xalka ugu dambeeya ee looga hortagayo cadaadiska aan loo adkeysan karin ee saaran NHS-ta. Dawladdu waxay sidoo kale ilaalin doontaa xeerarka hadda jira illaa iyo 28-ka Sibtembar ee u oggolaanaysa mas’uuliyiinta maxalliga ah inay ka jawaabaan khataraha halista ah ee caafimaadka bulshada ee soo wajahan. Dawladdu waxay sidoo kale daabici doontaa cusbooneysiin COVID-19 ah oo ka kooban qaab-maamul maaraynta faafidda ee aagagga maxalliga ah waqtigeeda.

Dib-u-eegista shahaado siinta ee xaalada COVID ayaa lagu soo gabagabeeyay in adeegsiga shahaado siinta aan lagu amri doonin sharciga iyada oo shuruud looga dhigayo soo-galitaanka booqdayaasha goob kasta waqtigan la joogo. Dib-u-eegiddu waxay aqoonsan tahay welwelka lagu muujiyey shahaadeynta, oo ay ku jiraan culeyska ay ku yeelan doonto ganacsiga. Si kastaba ha ahaatee, waxaa suurtagal ah in shahaado siintu ay bixin karto hab lagu sii wado dhacdooyinka iyo ganacsiyada furan, haddii waddanku wajahayo xaalad adag xilliga dayrta ama jiilaalka. Dhaqan gal kasta oo mustaqbalka ah wuxuu ku lug yeelan doonaa wadatashi iyo baaritaanka baarlamaanka ee ku habboon.

6. La socodka xogta iyo dib u eegista tallaabooyinka

Dawladdu waxay sii wadi doontaa inay kormeerto xogta si joogto ah si loo hubiyo inaysan jirin wax halis ah oo NHS-ta soo food saarta cadaadis aan loo adkeysan karin.

Dabayaaqada sanadka, Dowladdu waxay qiimeyn doontaa u diyaargarowga dalka ee xilliga dayrta iyo jiilaalka. Dawladdu waxay dib-u-eegi doontaa Sharciga Coronavirus iyo xeerarka harsan horraanta dayrta si loo tixgeliyo shuruudaha looga baahan yahay inay sii socdaan illaa xilliga jiilaalka.

  1. https://ourworldindata.org/covid-vaccinations 

  2. https://www.gov.uk/government/publications/phe-monitoring-of-the-effectiveness-of-covid-19-vaccination 

  3. SAGE, kulankooda sagaashanka ilbidhiqsi ah ee COVID-19, ee 9-ka Juun 2021 https://www.gov.uk/government/publications/sage-92-minutes-coronavirus-covid-19-response-9-june-2021 

  4. https://www.who.int/publications/m/item/weekly-epidemiological-update-on-covid-19—25-may-2021 

  5. https://www.gov.uk/government/publications/jcvi-interim-advice-on-a-potential-coronavirus-covid-19-booster-vaccine-programme-for-winter-2021-to-2022/jcvi-interim-advice-potential-covid-19-booster-vaccine-programme-winter-2021-to-2022#fnref:5 

  6. https://coronavirus.data.gov.uk/details/vaccinations 

  7. https://www.gov.uk/government/news/jcvi-advice-to-mitigate-impact-of-b1-617-2-variant 

  8. https://assets.publishing.service.gov.uk/government/uploads/system/uploads/attachment_data/file/998411/Vaccine_surveillance_report_-_week_26.pdf 

  9. https://www.gov.uk/government/publications/jcvi-interim-advice-on-a-potential-coronavirus-covid-19-booster-vaccine-programme-for-winter-2021-to-2022 

  10. Kooxda halista ku jirta ee COVID ayaa lagu qeexey buugga cagaaran ee PHE: https://www.gov.uk/government/collections/immunisation-against-infectious-disease-the-green-book 

  11. https://www.gov.uk/government/news/government-launches-covid-19-antivirals-taskforce-to-roll-out-innovative-home-treatments-this-autumn 

  12. https://www.gov.uk/government/publications/covid-19-response-spring-2021 

  13. https://www.gov.uk/government/publications/events-research-programme-phase-i-findings 

  14. https://www.gov.uk/government/publications/global-travel-taskforce-safe-return-of-international-travel 

  15. Tallaalka oo buuxa: 14 maalmood ka dib marka la buuxiyo koorsada tallaalka, in ay u baahan tahay hal qaadasho ama labo (sida waafaqsan jadwalka la ogol yahay ee MHRA) 

  16. https://www.gavi.org/covax-vaccine-roll-out 

  17. https://www.gov.uk/government/news/pm-announces-plan-for-global-pandemic-radar