Tilmaam

Khariidadda u guuridda Tallaabada 4

La cusboonaysiiyay 27 August 2021

Applies to England

Bishii Feberaayo, Dowladdu waxay dejisey khariidadeeda, qorshe talaabo-talaabo ah si xayiraadda England gudaheeda loogu khafiifiyo si taxadar leh.[footnote 1] ilaa iyo bishii Feberaayo, khariidadu waxay hagtey habka aan u wajaheyno sida aan u fududeynay xayiraaddaha iyaga oo ku saleysan xogaha, ee aan ku salaysnayn taariikhaha. Dukumeentigaan wuxuu qeexayaa qabanqaabada laga diyaarin doono England. Maamulada waxay dejinayaan qorshayaasha Scotland, Wales iyo Northern Ireland.

Dowladdu waxay go’aamisey in ay u guurto tallaabada 4 ee khariidada marka la gaaro 19-ka Luuliyo, weji cusub oo joogteynaya taxadarka iyada oo la maareynayo halisaha COVID-19. Arintan waxay daba socotaa hakin afar todobaad ah, oo lagu dhawaaqey 14-kii Juun, kaas oo markii la gaarey 10-kii Luuliyo suurtageliyey in 7 malyuun oo dheeraad ah (3.5 malyuun markii hore iyo ku dhowaad 3.6 malyuun marka labaad) oo qaadashooyin tallaalo ah la bixiyo. Qof walba oo qaangaar ah waxaa la filayaa in loo yaboohey qaadashada koowaad, laba meelood saddex meel oo dadka qaangaarka ahna in loo yaboohey qaadashada labaad, marka la gaaro 19-ka Luuliyo.

Aafadii weli ma aysan dhammaan. Xaaladaha ayaa si degdeg ah u siyaadaya mowjad saddexaad ayaana hadda socota. Tallaabada 4 ma muujinayso dhammaadkii baahida loo qabo in la taxadaro lana is xakameeyo. Marka la gaaro tallaabada 4, inkasta oo la qaadayo in badan oo ka mid ah xayiraaddaha sharciyeed ee ay dowladdu keentey xilligii musiibada, hagida taxadarka ayaa sii jireysa, iyada oo caddeyneysa in aan la gaarin in wax walba caadi ku soo noqdeen. Inta ay xaaladuhu aad u sareeyaan siina badanayaan, waxaa qof walba looga baahan yahay in uu u dhaqmo si taxadar leh uuna feejignaado. Waxaan sii wadi doonaa maareynta fayraska, waxaanuna bixin doonaa hagidda billaha soo socda.

In kasta oo aysan jirin waqti ku habboon oo la khafiifiyo xayiraaddaha jira, u guuridda tallaabada 4 ee 19-ka Luuliyo micnaheedu waa khafiifinta inay ku beegan tahay dhammaadka muddada dugsiyada, waxayna dhaceysaa xagaaga marka hawlo badan ay ka dhici karaan meelaha bannaanka ah, cadaadiska NHS-ta saarana uu ka yar yahay bilaha dayrta iyo jiilaalka.

Guusha laga gaarey barnaamijka tallaalka ayaa u gogolxaarey in si badbaado ah oo tartiib-tartiib ah xayiraaddaha loogu qaado. Si kastaba ha ahaatee, ma jiro tallaal si 100% wax ku ool u ah, sida dhammaan fayrasyada kale oo dhan, COVID-19 waa uu is bedbedeli karaa. Markii xayiraaddo dheeraad ah la qaadoba, nasiib daro waxaa jiri doona xaaladdo dheeraad ah, isbitaal seexin iyo dhimashaba

Ilaalinta muhiimka ah

Waana sababtan waxa keeney in aan sii wadno ka ilaalino muhiim ah:

  • is-baaritaanka marka aad leedahay astaamo iyo is baarista lagu bartilmaansanayo dadka aan astaamaha muujin ee goobaha waxbarashada, goobaha shaqada ee halista badan iyo in laga caawiyo dadka inay maareeyaan halisahooda shaqsiyeed.
  • is-go’doominta marka lagaa helo cudurka ama marka ay kugula taliyaan app-ka COVID-19 ee barnaamijka Baaritaanka iyo Dabagalka ee NHS-ta.
  • karantiinka xuduudka: dhammaan dadka ka imanaya waddamada liiska casaanka ku jira, iyo dadka ka imanaya wadamada liiska amber-ka ku jira, aan ka aheyn dadka deggan UK oo si buuxda loogu tallaaley barnaamijka tallaalka UK.
  • hagid taxadar leh ee loogu talagaley ashkhaasta, ganacsatada iyo dadka nugul marka baahsanaantu ay sarreyso oo ay ka mid yihiin:
    • inkasta oo dowladdu aysan dadka sii fari doonin inay guryahooda ka soo shaqeeyaan haddii ay awoodaan, dowladdu waxay rajeyneysaa oo kula talin doontaa soo laabasho tartiib-tartiib ah xilliga xagaaga;
    • Dawladdu waxay rajeyneysaa, oo ku talineysaa inay dadku xirtaan weji-daboolka meelaha dadku ku badan yahay sida gaadiidka dadweynaha;
    • in meelaha bannaanka ah la joogo ama loo ogolaado soo gelitaanka hawo nadiif ah; iyo
    • yareynta cadadka, isu dhowaanshaha iyo waqtiga xiriirka bulshada ah la yeelanayo.
  • ku dhiirigelinta iyo taageerada ganacsiyada iyo munaasbadaha waaweyn in ay isticmaalaan warqadda xaalada COVID ee NHS-ta meelaha halista sare leh si looga caawiyo xakameynta halista qaadidda caabuqa. Dowladdu waxay la shaqeyn doontaa hay’adaha maareeya meelo dadku ku badan yahay ciriirigana noqda halka ay u badan tahay in dadku ay u dhowaadaan dad ka baxsan qoyskooda in lagu dhiirigeliyo in ay arintan u isticmaalaan warqadda xaaladda COVID ee NHS-ta. Haddii aan lagu dhaqaaqin tallaabooyin ku filan oo lagu yareynayo caabuqa, dowladdu waxaa ay dib ka tixgelin doontaa in ay waajib ka yeesho isticmaalka warqadda xaaladda COVID ee NHS-ta goobaha qaarkood.

Ku socoshada xilliga xagaaga ah

  • 12-ka Luuliyo iyo maalmaha soo socda, Dawladdu waxay daabici doontaa hage ku saabsan sida loo yareeyo halista iyada oo la adeegsanaayo raacidda ku hab-dhaqanada muhiimka ah:
    1. Shakhsiyaadka: iyada oo laga fogeyneyno inta ugu badan xayiraadaha sharciga ah, haddana hagitaanku wuxuu u jiraa inuu naga caawiyo dhammaanteen inaan u dhaqano si xilkasnimo leh. Inta ay baahsanaantu aad u sarrayso, waa lama huraan in qof kastaa raaco hagaha oo uu qaado tallaabo uu ku badbaadinaayo naftooda iyo kuwa kaleba.
    2. Ganacsiyada, dejinta talo ku saabsan sida loo fahmo loona yareeyo halisaha markaan bilowno inaan la noolaano COVID-19.
    3. Loogu talagaley dadka caafimaad ahaan aad ugu nugul.
  • 19-ka Luuliyo, inta ugu badan ee xayiraaddaha sharciga ah ayaa dhammaan doona, taasoo meesha ka saari doonta kala fogaanshaha bulshada iyo xayiraaddaha xiriirka bulshada, waxayna awood u siineysaa ganacsiyada harsan inay dib u furmaan. Dhammaan dadka qaangaarka ah ayaa hadda loo yaboohey qaadashada koowaad ee tallaalka.
  • Marka la gaaro dhammaadka Luuliyo, Dawladdu waxay daabici doontaa cusbooneysiin COVID-19 ah oo ka kooban maaraynta faafidda ee aagagga maxalliga ah.
  • Marka la gaaro 16-ka Ogoosto, xeerarka ku saabsan is-go’doominta iyada oo ah isla xiriirka ayaa is bedeli doona, isbedelkaa oo ku wajahan dadka si buuxda u tallaalan[footnote 2], iyo kuwa da’doodu ka yar tahay 18 sano jir. Kuwa aan si buuxda loo tallaalin waxay wali u baahan doonaan inay is-go’doomiyaan haddii ay yihiin xiriir, qof walbana waa inuu is-go’doomiyaa haddii laga helo cudurka, si uu u ilaaliyo naftiisa iyo dadka kaleba.
  • Bisha Sibteembar, Dawladdu waxay samayn doontaa dib u eegis lagu qiimaynayo u diyaargarowga dalka ee dayrta iyo jiilaalka, kaas oo ku xisaabtami doona in la sii wado ama la xoojiyo hagidda dadweynaha iyo ganacsiyada markaan u soo dhowaanno jiilaalka, oo ay ku jiraan weji-daboolkaga iyo baaritaanka, dabagalka iyo is-go’doominta, waxayna dib u eegi doontaa xeerarka haray.

Qorshaha shanta qodob ah si loo maareeyo fayraska wejiga xiga

Qorshahan shan-qodoblaha ah, waxaa lagu qeexey ka fal-celinta COVID-19: Xagaaga 2021[footnote 3], waxaa uu naga caawinayaa in aan maareyno halista la noolaanshaha fayraska ee dib ugu noqoshadeena nolosha caadiga ah ee taxadarka wadata.

  1. Dib u xoojineysaa darbiga tallaalka ee waddanka ayada oo adeegsanaya tallaal xoojin ah iyo kor u qaadista qaadashada. Dawladdu waxay dhiirrigelin doontaa tallaalka qaangaadhka da’yarta ah iyo kuwa aan weli la tallaalin, waxay xaqiijin doontaa in dhammaan dadka waaweyni ay heleen fursad ay ku helaan laba qaadasho oo tallaalka ah bartamaha Sibteembar, waxayna u fidin doonaan duritaan xoojiye ah kuwa ugu nugul iyada oo ku xiran talobixinta ugu dambeysa ee JCVI.
  2. U oggolaanshaha dadweynaha in ay gaaraan go’aanno xog-ogaal ah iyada oo isticmaaleysa hagitaan, halkii ay ka isticmaali laheyd sharciyada. Dawladdu waxay dib u furi doontaa goobihii xirnaa ee soo haray waxayna ka saari doontaa xeerarka laga bilaabo 19-ka Luuliyo, waxay siin doontaa hagitaan shaqsiyaadka, ganacsiyada, iyo kuwa Caafimaad ahaan aad ugu Nugul, hagitaanadaas oo ku saabsan hab-dhaqanada gacan ka geysan kara ilaalinta qof walba. Dawladdu waxay eegi doontaa inay u shaqa geliso adeegyada dadweynaha hab u taageeraya qof kasta in uu dareemo badbaado si uu u helo adeegyadaas, isla markaana ula shaqeysa ganacsiyada si isku mid ah.
  3. Sii jiritaanka qorshayaasha caqligalka ah ee Baaritaanka, Dabagalka iyo is-go’doominta Dawladdu waxay sii wadi doontaa nidaamkayaga baaritaanka; waxay sii wadi doontaa bixinta baaritaanada degdega ah ee lacag la’aanta ah si dadka looga caawiyo maareynta halisaha shaqsiyeed; waxay sii wadi doontaa shuruudaha go’doominta gudaha ee hadda jira ilaa iyo 16-ka Ogoosto ka hor inta aan la soo bandhigin ka-dhaafitaan xiriirrada dadka ee khuseeya dadka sida buuxda u tallaalan iyo kuwa ka yar 18 sano jir; waxayna joogteyn doontaa taageerada is-go’doominta, iyada oo la heli karo taageero wax ku ool ah iyo mid maaliyadeed ilaa dhammaadka bisha Sibteembar.
  4. Maareytaa halista xadka iyo taageerada jawaab-celinta caalamiga ah si loo yareeyo halista noocyada kala duwan ee ka soo if-baxaya adduunka iyo soo gelitaanka UK. Dawladdu waxay sii wadi doontaa inay ku shaqayso nidaam-nalka taraafikada socdaalka caalamiga ah, iyada oo dib u qiimaynaysa liisaska cas, amber iyo cagaarka ah toddobaadkan, iyo saddexdii toddobaadba mar, illaa xilliga xagaaga; waxay ka saari doontaa shuruudaha is-go’doominta kuwa safraya ee UK ee sida buuxda u tallaalan oo ka soo noqonaya waddamada amber-ka laga bilaabo 19-ka Luuliyo, iyada oo la joogteynayo baaritaanka PCR ee muhiimka u ah aqoonsiga noocyada kala duwan; iyo in la dardargeliyo tallaalka adduunka iyada oo mudnaanta la siinayo helitaanka tallaallada ee dalalka soo koraya.
  5. Sii hayneysaa tallaabooyinka lama filaanka ah si looga jawaabo dhacdooyinka lama filaanka ah, iyada oo la aqbalayo kiisaska dheeraadka ah, isbitaallada la dhigo iyo dhimashaduba ay dhici doonaan inta waddanku baranayo la noolaanshaha COVID-19. Dawladdu waxay sii wadi doontaa in si joogta ah loola socodka xogta, si loo hubiyo inaysan jirin wax halis ah oo NHS-ta ay la kulanto cadaadis aan la xamili karin; la shaqeyso maamulada maxalliga ah oo taageero qaran siiso aagagga maxalliga ah ee u baahan jawaab celin la ballaariyey oo COVID-19; iyo in la joogteeyo qorshayaasha kumeelgaarka ah ee dib loogu soo celinayo xayiraaddaha dhaqaale iyo bulsheed ee heer deegaan, gobol ama heer qaran haddii caddayntu muujiso inay lagama maarmaan tahay in la xakameeyo ama la maareeyo kuwo ka duwan oo halis ah. Tallaabooyinka noocan oo kale ah ayaa dib loo soo celin doonaa keliya iyaga oo ah xalka ugu dambeeya ee looga hortagayo cadaadiska aan loo adkeysan karin ee saaran NHS-ta.