Tilmaam

Cabashooyinka guriyeynta bulshada: xallinta arrimaha

Guryaha bulshadu waa inay noqdaan kuwo badqab ah, ammaan ah oo si wanaagsan loo dayactiray. Haddii aad dhibaato aad ku qabto mulkiilaha gurigaaga, hadda way fududahay inaad arrimaha xalliso.

Applies to England

Sidee ayaan cabasho u sameeyaa?

Haddii aadan ku faraxsanayn adeegga mulkiilaha gurigaaga waa inaad marka hore cabasho u gudbisaa iyaga.

Cabashooyinka waxaa ka mid noqon kara:

-dayactirka iyo hagaajinta - arrimaha ku saabsan meelaha la isla wadaago - arrimaha caafimaadka iyo ammaanka - arrimaha lidka ku ah dhaqanka bulshada - adeegga macaamiisha

Ogow, waa in aan lagugu ganaaxin samaynta cabasho mana saamayn doonto kiraysigaaga.

Wuxuu nidaamka cabashada mulkiilaha gurigaagu caadi ahaan yeelan doonaa 2 marxaladood, oo marxalad kastana waxay ku qaadanaysaa qiyaastii 10-20 maalmood oo shaqo si ay uga jawaabaan.

Talo ku saabsan sida loo sameeyo cabasho wax ku ool ah waxaa laga heli karaa [hagahan] (https://www.housing-ombudsman.org.uk/residents/make-a-complaint/outcome-page-help-complain-landlord/).

Waxaan sameeyay cabasho, laakiin jawaabta kuma qanacsani

Haddii jawaabta mulkiilaha gurigaaga aadan ku qanacsanayn waxaad markaa u dacwoon kartaa Baadhaha Cabashooyinka Guryeynta. Baadhaha Cabashooyinka Guryeynta ayaa si cadaalad ah oo aan eex lahayn u baari doono.

Ogow sida cabashadaada aad u gaarsiin karto Baadhaha Cabashooyinka Guryeynta.

Haddii kale, waxaad la xidhiidhi kartaa xildhibaankaaga, godoomiyahaaga, ama Guddiga Kiraystaha oo laga yaabo inay kaa caawiyaan xallinta arrinta.

Wax ka qabashada dhibaatooyinka guriyeynta waxay noqon karaan kuwo culays iyo dhib ah. Haddii adiga ama xubin qoyskaaga ah u rabo in uu lahadlo qof, waxaad la xidhiidhi kartaan adeegyada caafimaadka dhimirka ee NHS. Haddii kale, waxaad la hadli kartaa haayad samafal oo caafimaadka dhimirka qaabilsan.

Sideen uga qaybqaadan karaa oo maxaa kale oo ay dawladdu samaynaysaa si ay u caawiso dadka dagan guryaha bulshada?

Waxaan qaadaynaa tallaabo si dadka deegaanka ay u yeeshaan codad xooggan oo ay mulkiilayaasha guryaha ay ka helaan sharafta iyo ixtiraamka ay mudan yihiin.

Si aan fariimahayaga u faafino, waxaanu daabacnay agabyo ah Boodhadh, waraaqo iyo qoraal dhanka warbaahinta bulshada oo ku aadan Xallinta Arrimaha ) si aad u daabacato ama u soo degsato oo aad la wadaagto dadka aad taqaanid. Qaarkood waxaa lagu turjumay luqado kale.

Ololahan gadaashiis waxa aanu keenaynaa sharciyo cusub si aanu u ilaalino deganayaasha anagoo adeegsanayna Xeerka Dadka degan Guryaha Bulshada (Warqad Cad oo Ku saabsan Guriyeynta Bulshada ) iyo Sharciga Guryeynta Bulshada.

Tani waxa ku jira Sharciga Awaab. Si loo xasuusto Awaab Ishak oo si naxdin leh naftiisa ugu waayey duruufo ka jira gurigiisa, Sharciga Awaab wuxuu ku qasbi doonaa mulkiilayaasha guryaha bulshada inay wakhti xaddidan gudaheed ku hagaajiyaan qoyaanka iyo caaryada guryaha.

Xeerka wuxuu qoraaya in qof kasta oo degganka dagan uu fisho:

  • in uu nabad ku ahaado gurigooda
  • in uu oggaado in mulkiilaha gurigooda uu dadaalaayo oo u wax qabanaayo -in cabashadooda wax looga qabto si degdeg ah oo cadaalad ah -in loola dhaqmo si xushmad leh, oo ay taageerayso haayad macaamiisha kiraystayaasha ah oo awood leh
  • in uu codkooda maqlo mulkiilaha guryahooda
  • in uu lahaado guri iyo xaafad tayo wanaagsan oo uu kunoolaato
  • in lagu taageero inay qaadaan tillaabadooda ugu horreysa ee lahaanshaha

Dawladdu waxay durba qaadaysaa tallaabo ay ku xaqiijinayso ujeedooyinka ku qoran Xeerka. Tani waxaa ka mid ah:

-U oggolaanshaha dadka deegaanka inay si toos ah cabashooyinka ugu gudbiyaan Adeegga Baadhaha Cabashooyinka Guryeynta iyadoo aan la daahin- iyada oo meesha laga saarayo baahida loo qabo in aad marka hore u tagto Xildhibaankaaga, gudoomiyaha deegaankaaga ama guddiga kiraystayaasha iyo in aad sugto 8 toddobaad ka dib marka aad dhamaystirto nidaamka mulkiilaha gurigaaga -Ka dhigista qaylo-dhaanta qiiqa iyo kaarboon monoksaydhka mid qasab ku ah dhammaan guryaha bulshada ee leh isticmaalka gaaska -Daah-furka Gudida Tayada ee Deganeyaasha Guryaha Bulshada si ay isugu keenaan dadka dagan Ingiriiska oo dhan si ay ra’yigooda ula wadaagaan dawladda ee ku aadan habkayaga kor loogu qaadayo tayada guryeynta -Daabacaadda tallaabooyinka cusub ee ku aadan qanacsanaanta kiraystaha ee ka socota maamulaha si looga dhigo waxqabadka mulkiilaha guriga mid u muuqda kiraystayaasha si ay ula xisaabtamaan mulkiilaha guryahooda -Daabacaadda agabyada macluumaadka dhaqanka bulshada lidka ku ah si loo caddeeyo doorarka wakaaladaha mas’uulka ka ah wax ka qabashada dhaqamada bulshada lidka ku ah iyo caawimada iyo taageerada ay heli karaan kiraystayaasha - Awoodo cusub in la siiyo Baadhaha Cabashooyinka Guryeynta ee ku aadan sharciga guryeynta bulshada si loo aqoonsado habka ugu wanaagsan ee wax looga qabanayo kiiska, oo ay ku jirto daabacaadda Xeer cusub oo ku aadan La tacaalida Cabashooyinka kaas oo milkiilayaasha guryaha bulshada laga filayo inay u hogaansamaan oo waana lala socon doonaa waxqabadkooda. Baadhaha Cabashooyinka Guryeynta waxa uu sidoo kale hadda daabici karaa hagitaan ku saabsan dhaqanka wanaagsan oo ku amri kara mulkiilayaasha guryaha bulshada inay dhamaystiraan is-qiimaynta ku aadan hagahan marka cabasho la soo gudbiyo.

  • Agoosto 2022, waxaanu ku dhawaaqnay in Waaxda Kor-u-qaadista, Guriyeynta iyo Bulshooyinka ay soo bandhigi doonto dhaqanka xun ee mulkiilayaasha guryaha oo ay ku jirto aaladaha warbaahinteeda bulshada. Waxaan daabici doonaa natiijooyinka ‘Maamul-xumada daran’ ee uu soo saaro Baadhaha Cabashooyinka Guryeynta iyo go’aannada Maamulaha Guryeynta Bulshada ee ah in la jebiyey xeerarka macaamiisha.
La daabacay 6 March 2023
Markii ugu dambaysay ee la cusboonaysiiyay 9 May 2023 + show all updates
  1. Added translation

  2. Added translation