Skip to main content
Tilmaam

Barnaamijka Baaritaanka Afka Ilmo-galeenka ee NHS – Iska Baaritaanka HPV (Somali)

Daabacaada 24 August 2026

Applies to England

Xog ku saabsan iska-baaritaanka HPV

NHS waxay qaar ka mid ah haweenka iyo dadka qaba afka ilmo-galeenka siisaa iska baaritaanka HPV-ga, is-baaritaankaas oo bedel u ah baaritaanka fayras loo yaqaano ‘human papillomavirus’ – oo sidoo kale loo yaqaano HPV.

HPV waa fayras caam ah oo badanaa aan waxyeello lahayn, laakiin noocyada khatarta sare leh qaarkood waxay kordhin karaan fursadda ah inaad qaaddo kansarka afka ilmo-galeenka. Adiga naftaada ayaa samayn kara iska-baarista HPV, si gooni ah.

Sababta laguugu casuumay

Waxaa lagugu yeeray baaritaanka afka ilmo-galeenka (oo hore loogu yiqiinay ‘smear test’) laakiin ma aadan ka soo xaadirin. Iska-baaritaanka HPV wuxuu ku siinayaa xulasho kale oo aad uga qaybqaadato.

Waxaad baaritaan ku samayn kartaa:

  • gurigaaga ama meel gooni ah
  • waqti kugu habboon
  • adigoon u baahanin ballan qabsasho.

Tilmaamaha ku jira xirmada/qalabka baaritaanka ayaa kuu sheegi doona sida loo sameeyo baaritaanka. Haddii aad u baahan tahay caawimaad dheeraad ah – tusaale ahaan, haddii aad qabto naafonimo jireed ama waxbarasho – taageero ayaa la heli karaa. Waxaad faahfaahinta xiriirka ka dhex heli doontaa warqadda casuumaada is-baaritaanka.

Waa maxay farqiga u dhexeeya baaritaanka afka ilmo-galeenka iyo iska-baaritaanka HPV

Baaritaanka afka ilmo-galeenka waa mid ka mid ah siyaabaha ugu wanaagsan ee aad naftaada uga ilaalin karto kansarka ku dhaca afka ilmo-galeenka.

Wali ma hayno caddayn muujinaysa in u beddelashada iska-baaritaanka HPV ay waxtar u leedahay ka hortagga kansarka ku dhaca afka ilmo-galeenka sida si la mid ah si joogto ah uga qaybqaadashada baaritaanka afka ilmo-galeenka. Laakiin haddii aan lagu baarin, is-baaritaanka ayaa ah xulashada ugu fiican ee xigta.

Baaritaanka afka ilmo-galeenka

  • Baaritaanka wuxuu ka dhacayaa xarunta dhakhtarkaaga guud ama rugta caafimaadka galmada.
  • Kalkaaliye caafimaad ama dhakhtar ayaa muunad yar ka qaadaya afka ilmo-galeenkaaga.
  • Muunadda waxaa laga hubinayaa HPV-ga khatarta sare leh.
  • Haddii la helo HPV-ga khatarta sare leh, muunadda waxaa markaa laga hubinayaa isbeddellada unugyada ee kordhin kara khatarta kansarka ku dhaca afka ilmo-galeenka.
  • Isbeddelladan waa la daaweyn karaa.

Iska-baarista HPV-ga

  • Waxaad iska qaadaysaa muunadda adigoo jooga guriga ama meel gooni ah.
  • Baaritaanka wuxuu ku lug leeyahay in suuf (wax u yara eg cudbi) la geliyo ilaa dhowr sentimiitir ee xubintaada taranka si si loo qaado muunada. Waxaa qalabka baaritaanka ku dhex jira tilmaamo dhammaystiran.
  • Kadibna waxaad muunadda dib ugu soo celinaysaa NHS, halkaas oo looga hubinayo HPV-ga khatarta sare leh.
  • Haddii la helo HPV-ga khatarta sare leh, waxaa lagaa codsan doonaa inaad ballanta baaritaanka afka ilmo-galeenka ka qabsato xarunta GP-ga ama rugta caafimaadka galmada.
  • Kalkaaliye caafimaad ama dhakhtar ayaa muunad yar ka qaadi doona afka ilmo-galeenkaaga, muunadaas oo laga hubin karo isbeddellada unugyada ee kordhin kara khatarta kansarka ku dhaca afka ilmo-galeenka.
  • Isbeddelladan waa la daweyn karaa.

Jaantus muujinaya booska afka ilmo-galeenka iyo xubinta taranka

Sida loo helo qalabka is-baaritaanka

NHS waxay kugu casuumi doontaa inaad ka qayb qaadato baaritaanka HPV-ga. Casuumaddaada waxay kaaga imaan kartaa Abka NHS, farriin qoraal ah (SMS), iimayl ama warqad.

Marka aad hesho casuumaadda, raac tilmaamaha si aad abka NHS uga dhex dalbato qalabkaaga baaritaanka ee bilaashka ah ama adigoo isticmaalaya akoonkaaga onlaynka ah ee NHS. Haddii aadan lahayn akoon, waad samaysan kartaa mid. Casuumaddaada waxay sidoo kale ku jira macluumaad ku saabsan siyaabo kale oo aad ku dalban karto qalabka baaritaanka.

Sida loo helo natiijooyinkaaga

Ka dib markaad iska qaado muunadda, isla markiiba dib ugu soo celi baqshadda lagu siiyay. Kharashka boostada waa bilaash.

Waa inaad natiijooyinkaaga ku heshaa 14 maalmood gudahood waxaadna ku heli doontaa Abka NHS ama warqad ahaan.

Waxa natiijooyinka ay kuu sheegi doonaan

HPV taban

Baaritaankaaga laguma helin HPV-ga khatarta sare leh. Waxaa mar kale lagugu casuumi doonaa baaritaanka afka ilmo-galeenka 5 sano gudahood, haddii aad weli u qalanto. 

Waxaa weli kugu dhici kara HPV mustaqbalka, sidaas darteed waa muhiim inaad ogaato astaamaha kansarka afka ilmo-galeenka. Websaydka NHS ayaa sharraxaya: nhs.uk/conditions/cervical-cancer/symptoms/

HPV togan

Baaritaankaaga waxaa lagu helay HPV-ga khatarta sare leh. Taas macnaheedu maaha inaad qabto kansarka ku dhaca afka ilmo-galeenka. Waxaa lagaa codsan doonaa inaad ballanta baaritaanka afka ilmo-galeenka ka qabsato xarunta GP-ga ama rugta caafimaadka galmada si lagaaga qaado muunad si loo hubiyo isbeddellada unugyada ee kordhin kara khatarta kansarka afka ilmo-galeenka.

Wax badan oo ku saabsan HPV ka ogow nhs.uk/conditions/human-papilloma-virus-hpv/

Natiijada HPV ma cadda

Haddii aanaan awoodin inaan natiijo cad ka helno iska baaritaankaaga HPV, waxaa laga yaabaa in lagaa codsado inaad mar kale sameyso is-baarista. Tani ma aha wax laga walwalo macnaheeduna maaha inaad kansar qabto.

Waxa la sameeyo haddii aadan rabin inaad sameyso iska-baaritaanka HPV

Waxaad weli qabsan kartaa ballanta baaritaanka afka ilmo-galeenka wakhti kasta – xitaa haddii lagugu casuumay baaritaanka afka ilmo-galeenka bilo ama sannado ka hor.

Haddii baaritaankaaga afka ilmo-galeenka ee caadiga ah uu qorshaysan yahay sannadguuradaada 60aad ama ka dib oo aadan ka xaadirin, waxaad heli doontaa xaqiijin ah inaadan mar dambe heli doonin casuumaadda baaritaanka joogtada ah. Waxaa laga yaabaa inaad hesho casuumaad aad ku codsato qalabka iska-baaritaanka HPV.

Wax badan ka ogow nhs.uk/cervicalscreening/

Haddii aad qaadatay tallaalka HPV

Tallaalka kama hortaggo dhammaan noocyada HPV. Xitaa haddii aad qaadatay tallaalka HPV, waa inaad wali tagtaa ballamaha baaritaanka afka ilmo-galeenka ama, haddii lagugu casuumo, waa inaad samaysaa iska-baaritaanka HPV. 

Haddii aad ka yar tahay 25 sano jir oo aad seegtay tallaalkaaga HPV markii aad jirtay 12 ama 13 sano, la xiriir dhakhtarkaaga guud si aad u qaadato tallaalka. 

Sida aan u isticmaalno macluumaadkaaga

Waxaan isticmaalnaa diiwaankaaga NHS si aan casuumaad kuugu soo dirto waqtiga saxda ah iyo si aan u horumarinno barnaamijka baaritaanka.

Wax badan oo ku saabsan sida aan u isticmaalno una ilaalino macluumaadkaaga ka akhriso Qarsoodinimada xogta bukaanka ee baaritaanka NHS.

Akhri wax badan oo ku saabsan Ka bixitaanka Barnaamihyada Baaritaanka NHS.

Noocyo bedel ah

Macluumaadkan waxaa lagu heli karaa luqado kale iyo qaab akhris fudud ah:

Fadlan na sii lambarkaaga tixraaca markaad na soo wacayso ama aad iimayl noo soo dirayso. Lambarka tixraaca waxaad ka heli kartaa gudaha casuumaadda.