Agab xayeysiis

Cudurka waraabowga: waxa ay ka dhigan tahay natiijada togan ee baaritaanka

La cusboonaysiiyay 20 May 2022

Applies to England

Natiijada mid ka mid ah baaritaanadaada sheybaarka ee dhowaan lagaa qaaday ayaa laga helay cudurka waraabowga. Taas macnaheedu waa inaad u baahan tahay in laguu gudbiyo xirfadle si uu kaagala hadlo caafimaadka galmada. Macluumaadkaani wuxuu sharxayaa waxa cudurka waraabowga uu yahay iyo waxa uga dhigan tahay uurka.

1. Waa maxay cudurka waraabowga

Cudurka waraabowga waa infekshin bakteeriya oo ku jira dhiigga. Had iyo jeer lama dareemo maadaama calaamadaha iyo astaamaha aan marwalba muuqan. Si kastaba ha noqotee, waa xaalad halis ah oo, haddii aan la daaweyn, dhibaatooyin caafimaad oo daran idin keeni karta adiga iyo dhallaankaaga.

2. Waxyaabaha sababa

Cudurka waraabowga waxaa loo gudbin karaa kuwa kale:

  • marka ay bakteeriya gasho jirkaaga haddii aad galmo la sameeyso qof qaba cudurka waraabowga (caadi ahaan inta lagu gudajiro galmada xubinta taranka, futada ama afka ah)

  • hooyo u gudbisa ilmaheeda xiliga uurka ama xilliga dhalmada

  • dhiig caabuqeysan iyadoo la wadaagayo cirbadaha

3. Daaweynta

Cudurka waraabowga waxaa lagu daaweyn karaa hal ama in ka badan oo qiyaasood oo daawada antibiyootigga ah. Hadba wakhtiga ugu horeeya ee la daaweeyo, ayay kaa yeraan doonaan fursadda aad kula kulmi karto dhibaatooyin caafimaad. In wakhti hore la daaweeyo sidoo kale waxay si weyn hoos ugu dhigaysaa fursadda ah in cudurka waraabowga aad u gudbisid ilmahaaga xilliga uurka.

Waxaa muhiim ah in la xasuusto in xitaa kadib marka daaweynta lagu guuleysto, qofka uu mar labaad qaadi karo cudurka waraabowga waqti kasta. Sababtaas awgeed, kooxda caafimaadkaaga galmada ayaa kugula talin doona in lammaanahaaga galmada sidoo kale la baaro, lana daweeyo haddii loo baahdo. Waxaad u baahan doontaa inaad ka fogaato dhammaan xiriiryada galmada ee aad la yeelanayso lamaanahaaga ilaa aad labadiinaba ka dhammeysataan daaweynta.

Haddii adiga ama lammaanahaaga aad leedihiin lammaane kale oo idin kala dhaxeeya galmo, ama haddii aad carruur kale leedahay, waxay sidoo kale u baahan karaan in la baaro. Kooxdaada caafimaad ee u qaabilsan galmada ayaa kula talin doonaan oo kaa caawin doonaan la xiriirida lammaanayaashal.

4. Ilaalinta dhallaankaaga

Cudurka waraabowga ayaa hooyada u gudbin karta ilmaheeda inta ay uurka leeyahay. Haddii aan la daaweyn waxay keeni kartaa in dhallaankaaga uu ku dhasho astaamo ama calaamadaha cudurka waraabowga, oo loo yaqaan cudurka waraabowga ee dhalmada. In cudurka waraabowga loo daaweeyo sida ugu dhakhsaha badan ee suuragalka ah xilliga uurka waxaa laga helayaa fursadda ugu fiican ee looga hortago cudurkan.

Inaad qabto cudurka waraabowga saameyn kuma yeelan doonto sida aad u dhali doonto dhallaankaaga oo wali waxaad naasnuujin kartaa dhallaankaaga.

Haddii aad u baahan tahay daaweyn ku aadan cudurka waraabowga xilliga uurkan, dhallaankaaga ayaa u baahan doona inuu baaritaan ku sameeyo dhakhtar kadib dhalmada iyo in lagu sameeyo dhowr baaritaano oo dabagal dhiig ah. Tiro aad u yar oo dhallaanka ah ayaa sidoo kale u baahan daaweyn antibiyootig ah.

5. Waxa xiga ee dhacaya

Waxaa laguu gudbin doonaa kooxda caafimaadka galmada ee deegaankaaga haddii aan horey laguu gudbin.

Kooxda ayaa kaala hadli doonta daaweynta aad u baahan tahay waxayna kugula talin karaan in lagugu sameeyo baaritaanada cudurada kale ee galmada lagu kala qaado. Waa muhiim inaad ka soo qeyb gasho dhammaan ballamahaaga inta aad uurka leedahay iyo inaad dhameysato daaweyntaada si aad u xaqiijiso in infekshanka uu dhamaaday.

6. Yaa u baahan inuu ogaado inaad qabto cudurka waraabowga

Waa muhiim in xirfadlayaasha caafimaad ee ku lug leh daryeelkaaga ay ka warqabaan natiijadaada, sidaa darteed waxay xaqiijin doonaan in adiga iyo dhallaankaagu aad heshaan daaweyn badbaado iyo wax ku ool idin leh.

7. Qarsoodiga macluumaadka

Barnaamijyada baaritaanka NHS waxay isticmaalaan macluumaadka gaarka ah ee ku jira diiwaanadaada NHS si ay kuugu yeeraan baaritaanka wakhtiga saxda ah. Macluumaadkaaga waxaa sidoo kale loo isticmaalaa in lagu xaqiijiyo in aad hesho daryeel tayo sare leh iyo in lagu horumariyo barnaamijyada baaritaanka. Wax badan ka ogow sida macluumaadkaaga loo isticmaalo oo loo ilaaliyo, iyo xulashooyinkaaga.

8. Macluumaad dheeraad ah

Waxaad wax badan oo ku saabsan cudurka waraabowga ka heli kartaa:

Haddii aad qabtid su’aalo ama walaacyo kale, fadlan la hadal kooxdaada baaritaanka ama umulisadaada.