Hordhac (Somali)
La cusboonaysiiyay 3 June 2026
Applies to England
Daawo fiidiyoo muujinaya baaritaanada la heli karo xilliga uurka iyo ka dib marka ilmahaagu dhasho.
Bandhigga ayaa sidoo kale la heli karaa isagoo leh qoraallo iyo luuqadda Dhagoolayaasha ee Biritishka. Noocyada qoraal hoosaadka ah waxaa ka mid ah Af-Ingiriis iyo turjumaadyo Carabi, Bengaali, Shiinees, Faransiis, Latvia, Lithuanian, Polish, Bortuqiis, Punjaabi, Romaniyan, Soomaali iyo Urduu ah.
Tijaabooyinka Baaritaanka
Tijaabooyinka baaritaanada waxaa loo isticmaalaa si loo helo dadka qatar weyn ugu jira dhibaatada caafimaad. Tani waxay ka dhigan tahay in ay heli karaan daaweyn xilli hore ah, oo wax ku ool ah, ama waxay go’aanno ka qaadan karaan arrimaha saabsan caafimaadkooda. Way caawin kartaa in lagu matalo baaritaanka sidii ayadoo dadka la dhexmarinayo shaandho. Dadka inta badan way ka gudbaan laakiin tiro yar ayay qabataa shaandhada . Dadka reebta shaandhada waa kuwa loo tixgelinayo in ay leeyihiin fursad sareeyso oo ah in ciladaha caafimaadka laga baaro.
Baaritaannada eegiduhu ma ahaan kuwa wada sax ah. Dadka qaarkood ayaa loo sheegi doonaa in iyaga ama ilmahooda ay qatar ugu sugan yihiin inay qaadaan caafimaad darro iyadoo dhab ahaantii aanan qabin wax dhibaato ah. Sidoo kale, dad yar ayaa loo sheegi doonaa in iyaga ama ilmahooda halis yer ugu jiraan inay yeeshaan caafimaad marka daro iyadoo dhab ahaantii ay qabaan dhibaatooyin.
Lamaanayaasha waxaa lagu soo dhaweynayaa inay ka qeyb galaan baaritaanada iyo kulamada macluumaad isdhaafsiga.
Farqiga u dhexeeya tijaabooyinka baaritaanka iyo baaritaanada ogaanshaha
Tijaabooyinka baaritaanka waxaa lagu ogaan karaa haddii adiga, ama ilmahaaga, aad halis aad ah ama halis yer ugu jirtaan caafimaad daro. Haseyeeshe, sida caadiga ah lagama yaabo inay kuu sheegaan xaqiiqda, sidaa darteed dadka laga heley inay halis weyn ugu jiraan dhibaato waxaa la siin doonaa nooc kale oo baaritaan ah. Tani waxaa loogu yeeraa eegidaha wax-la-ogaaday waxayna bixisaa jawaab ugu dambayn ah ‘haa’ ama ‘maya’.
Tijaabooyinka baaritaanka ee xilliga iyo ka dib uurka
Waxaa lagu siin doonaa baaritaanno eegid waqtiga uurka si la isugu dayo ogaanshaha wixii dhibaato caafimaad ah taasoo saamayn karta adiga ama ilmahaaga. Baaritaannadu waxay kaa caawinayaan samaynta kala xulashooyin ku saabsan daryeelka ama daawaynta waqtiga uurkaaga ama kaddib markii ilmahaagu dhasho.
Qaar ka mid ah tijaabooyinka baaritaanka waxaa la siiyaa ilmahaaga marka la dhalo kadib. Waxaanu u bixinaa kuwan si cunugaaga loo siiyo daaweyn ku habboon sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah haddii loo baahdo.
Qaar ka mid ah waxqabadka
Haddii aad ogtahay in adiga, aabaha ilmaha, ama xubin qoyska ka mid ah ay hore u qabeen dhibaato caafimaad, fadlan u sheeg umulisadaada. Haddii aad ka guurto guriga adigoo sugaya natiijooyinka baaritaanka, fadlan u sheeg umulisadaada ama booqdahaaga caafimaad cinwaankaaga cusub.
Baaritaanka waa ikhtiyaarkaaga
Haddii aad mari lahayd baaritaanada iyo haddii kalaba waa ikhtiyaar shaqsiyeed oo adiga keliya go’aamin kara. Waxaad kala hadli kartaa mid kasta oo baaritaannada eegidda ah ee lagu siiyay xirfadlahaaga caafimaad iyagoo go’aaminaya, iyadoo ku salaysan adiga xaaladaada, haddii ay kugu haboon tahay iyo haddii kaleba. Waxaad sidoo kale beddeli kartaa go’aankaaga xilli kasta.
Qaar ka mid ah tijaabooyinka baaritaanka lagu sharaxay halkan, sida baaritaanka dhiigga ee cudurada faafa, baaritaanka indhaha haddii aad qabtid sonkorow iyo baaritaanada dhaladka cusub, waxaa soo jeediyey NHS. Tani sababteedu waa in maxsuullada baaritaannadan ay kaa caawin karaan xaqiijinta in adiga ama ilmahaaga aad daawayn degdeg ah u heshaan wixii dhibaatooyin daran ah.
Tijaabooyinka baaritaanka ee xilliga uurka ee cudurka (sickle cell) iyo thalassaemia, cudurka Down’s syndrome, cudurka Edwards syndrome, cudurka Patau’s syndrome iyo baaritaanka toddobaadka 20aad ayaa u baahan go’aan gaaris shaqsiyeed. Kuwani waxaa ka mid noqon kara:
- haddii la sameyn lahaa baaritaanka ogaanshaha iyo haddii kale iyo oo jirto suurtagalnimo ah in ay dhacdo dhicin.
- haddii aad wadi lahayd ama aad joojin lahayd uurkaaga
Waxaa muhiim ah in si taxadar leh looga fikiro haddii aad rabto in lagaa qaado tijaabooyinka baaritaanka. Go’aankaaga ayaa la ixtiraami doonaa oo xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka ayaa ku caawin doona. Waa inaad sheegtaa haddii aad dareento in go’aankaaga aan la ixtiraamin.
Taageero dheeraad ah
Wixii faahfaahin ah ee ururrada ku siin kara taageerada ku saabsan mid kasta oo ka mid ah xaaladaha ku jira macluumaadkan, fiiri NHS.UK.
Baaritaanada iyo NHS
Hay’adda NHS waxay go’aaminaysa baaritaannada eegidda ee ay bixinayso taasoo ku salaysan caddaymo wanaagsan . Koox khubaro ah oo la yiraahdo Guddiga Baarista Qaranka ee UK (UK NSC) ayaa talooyin siinaya NHS. Si kastaba ha ahaatee, shuruudaha gaarka ah ee ku jira barnaamijyada baaritaanka way ku kala duwanaan karaan wadamada UK, sababo la xiriira kala duwanaanshaha waqtiga shuruudaha cusub la soo bandhigayo.
Dhammaan baaritaannada eegid ee ay bixiso hay’adda NHS waa lacag la’aan. Qaar ka mid shirkadaha gaarka ah ayaa sidoo kale bixiya baaritaannada eegidda kuwaasoo ay tahay inaad lacag bixiso. Hay’adda NHS ma ballan qaadi karto tayada baaritaannada gaarka ah. Hel [talooyin ku saabsan baaritaanka gaarka ah] (https://www.gov.uk/phe/private-screening).
Qarsoodiga macluumaadka
Barnaamijka baaritaanka eegista ee NHS waxaa uu adeegsadaa macluumaad tilmaame shakhsiyeed adiga kugu saabsan oo ka yimid diiwaankaaga NHS-ta si laguugu yeero baaritaan eegis waqtiga saxda ah. NHS England waxaa kale oo ay isticmaashaa macluumaadka si ay u hubiso in aad heshey daryeel tayadiisu sareyso iyo si loo horumariyo barnaamijyada baaritaanka. Waxii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan sida macluumaadkaaga loo isticmaalo loona xifdiyo, iyo xulashooyinkaaga.
Bixiyeyaasha adeegyada baaritaanka iyo NHS England waxay isticmaalaan macluumaadka (xogta shakhsi ahaaneed) ee ku jira diiwaankaaga caafimaadka si ay adiga ama ilmahaaga idin ku martiqaadaan baaritaanka.
NHS England waxay sidoo kale isticmaashaa macluumaadkaaga si ay u taageerto adeegyada baaritaanka inay noqdaan kuwo ammaan ah, waxtar leh iyo si loo ilaaliyo heerarka tayada sare leh ee loo dejiyay adeegyadaas. Meel kasta oo ay suurtagal tahay waxaan macluumaadka ku isticmaalnaa qaab aan lagu aqoonsan karin qofka. Weligeen ma daabici doonno macluumaad lagu aqoonsan karo adiga ama ilmahaaga.
Ka shaqaynta xogtaada shakhsi ahaaneed waxaa xukuma Xeerka Ilaalinta Xogta Guud ee UK (UK GDPR). Sida ku cad sharciga ilaalinta xogta, waxaad leedahay xuquuqo ku saabsan sida xogtaada loo isticmaalo (fiiri qaybta ‘Barnaamijyada baaritaanka iyo xaquuqahaaga’).
NHS England iyo bixiyeyaasha baaritaanka waa Xakameeyayaasha Xogta waxayna mas’uul ka yihiin ka shaqaynta xogta shakhsi ahaaneed si loo bixiyo adeegyada baaritaanka. NHS England waa Xakameeyaha Xogta iyadoo ujeedadu tahay xaqiijinta badbaadada iyo tayada.
Haddii baaritaanka ama tijaabooyinka cillad ogaanshaha ee dhalmada ka hor (PND) ay soo jeediyaan in ilmahaaga uu qabo xaalado caafimaad oo gaar ah, waxaan macluumaadka u gudbin doonaa Adeegga Diiwaangelinta Qaranka ee Cudurrada Naadirka ah iyo Cilladaha Lala Dasho (NCARDRS) ee sugan.
Kani waa diwaanka qaranka ee sugan ee caruurta ku dhasha xaalado caafimaad oo naadir ah. Wuxuu naga caawiyaa hormarinta baaritaanada iyo ka hortagga ama daaweynta xaaladda caafimaad.
NHS England waxa laga yaabaa inay macluumaadkaaga ama macluumaadka ilmahaaga la wadaagto diwaanada cudurada ee qaranka. Isticmaalka macluumaadkan wuxuu naga caawinayaa inaan wax badan ka fahanno sida barnaamijyada baaritaanka ay u shaqeynayaan.
Haddii aad rabto in aad diido in xogta ilmahaaga lagu daro diiwaanada, fadlan arrintan kala hadal xirfadlaha daryeelka caafimaadkaaga si aad u xaqiijiso inaad qaadato go’aanka kugu habboon.
Waxaan sidoo kale macluumaadkaaga shakhsi ahaaneed iyo macluumaadka ilmahaaga la wadaagi karnaa cilmi-baarayaal ka baxsan NHS England kuwaas oo doonaya inay horumariyaan baaritaanka. Taasi waxay dhici doontaa oo keliya marka la helo oggolaansho iyo ilaalino adag.
Waxaad si hordhac ah u diidi kartaa in xogtaada loo isticmaalo cilmi-baaris iyo qorshayn si xogtaada aan loogu darin. Fadlan arrintan kala hadal xirfadlaha daryeelka caafimaadkaaga si aad u xaqiijiso inaad qaadato go’aanka kugu habboon.