Agab xayeysiis

HIV: waxa ay ka dhigan tahay natiijada togan ee baaritaanka

La cusboonaysiiyay 19 May 2022

Applies to England

Mid ka mid ah baaritaanadaadii sheybaarka ee dhawaan lagaa qaaday waxa laga helay fayraska ku dhaca habdhiska difaaca jirka bini’aadamka (HIV). Macluumaadkani waxa uu sharxayaa waxa uu HIV yahay iyo waxa uu fayraskaaga ugu dhigan yahay adiga iyo uurkaagaba.

HIV waa fayras ku dhex jira dhiiga kaas oo bartilmaameedsada oo daciifiya habdhiska difaaca jirka. Daawayn la’aan, qofka qaba HIV waxa uu halis ugu jiraa in uu qaado infekshanno halis ah iyo dhibaatooyin caafimaad kuwaas oo habdhis difaac oo caafimaad qaba uu sida caadiga ah kahortagi lahaa lana dagaalami lahaa.

Inkasta oo aan dawo loo hayn HIV, daawaynta maanta aad bay waxtar ugu leedahay xakamaynta fayraska, taasoo u oggolaanaysa habdhiska difaaca jirkaaga inuu sii ahaado mid xooggan. Inta badan dadka qaba HIV waxay leeyihiin cimri noolaleed caadi ah.

1. Waxyaabaha sababa

HIV waxaa laga gudbin karaa:

  • qof u gudbiya qof kale xiliga galmada aan la iska difaacin

  • hooyo u gudbisa ilmaheeda xiliga uurka, xilliga dhalmada ama xilliga naasnuujinta

  • dhiig caabuqeysan iyadoo la wadaagayo cirbadaha

HIV kuma faafo taabashada maalinlaha ah sida qufaca ama dhunkashada, ama wadaagista qolalka qubeyska, musqulaha, cuntada, koobabka, ama tuwaalada.

2. Ilaalinta ilmahaaga

Hooyada waxay HIV u gudbin kartaa ilmaheeda inta ay uurka leedahay, marka ay dhalayso ama marka ay naaska nuujinayso, taas oo keenaysa in ilmaha uu qaado HIV. Bilaabidda daawaynta HIV sida ugu dhaqsaha badan iyo u qaadashada sida ay ku taliyeen kooxda HIV waxay ka dhigaysaa fursadda ah inaad HIV-ga u gudbiso ilmahaaga mid aad u hooseeysa - in ka yar 0.3% ama 3 ka mid ah 1,000-kii carruur ahba.

3. Waxa la fisho xilliga uurka

Koox xirfadlayaal caafimaad ah ayaa ka wada shaqayn doona si ay ku daryeelaan oo ay ku taageeraan xilliga uurkaaga.

Waxaa laguu qori doonaa daawo si aad u qaadato maalin walba intaad xaamilo tahay (uur leedahay). Dawadan ‘antiretroviral-ka’ ah waxay yaraynaysaa tirada fayraska ee ku jira jirkaaga waxayna yaraynaysaa halista ah inaad HIV u gudbiso ilmahaaga. Daawayntani waxay kuu tahay ammaan adiga iyo ilmahaagaba waxayna leedahay waxyeelooyin aad u yar.

Haddii HIV si fiican loo xakameeyo oo aad leedahay uur aan dhibaato qabin, HIV saamayn kuma yeelan doono xulashooyinkaaga dhalmada.

Naas-nuujintu waxay halis u tahay inaad HIV u gudbiso ilmahaaga, xitaa haddii aad qaadanaysid daawaynta kahortagga fayraska. Iyadoo loo malaynayo in khatartu ay aad u yar tahay, xulashada ugu badbaadada badan ayaa ah inaad gebi ahaanba caano booro siiso ilmahaaga laga bilaabo xilliga dhalashada. Kooxdaada HIV ayaa kaala hadli doonaan quudinta ilmahaaga kahor dhalmada.

4. Maxaa dhacaya marka xigta

Kooxdaada baaritaanka ayaa kuu gudbin doonaan kooxda HIV ee deegaankaaga haddii aan hore laguu gudbin. Baaritaano dhiig oo dheeraad ah iyo baaritaano caafimaad ayaa lagugu samayn doonaa kadibna waxaa lagugula talinayaa inaad bilowdo daawaynta.

Kooxdu waxay kaa caawin doonaan inaad lamaanahaaga iyo qoyskaaga kala hadasho cudurkaaga markaad diyaar tahay waxayna kaa caawin doonaan inaad u baaritaano u qorshayso iyaga haddii loo baahdo.

Waa muhiim inaad ka soo xaadirto dhammaan ballamahaaga xilliga uurka si loo xaqiijiyo inaad ku sii joogto caafimaad iyo inaad ka dhigto khatarta ah inaad fayraska u gudbiso ilmahaaga mid hooseeysa hadba sida ugu suurtogalka badan. Uurka kadib waxaad u baahan doontaa inaad sii wado inaad u tagto kooxdaada HIV oo aad qaadato daawaynta, si aad u xaqiijiso inaad mustaqbalka yeelato habdhis difaac oo caafimaad qaba.

5. Yaa u baahan inuu ogaado inaad qabto HIV

Waa muhiim in xirfadlayaasha caafimaadka ee ku lug leh daryeelkaaga iyo daryeelka ilmahaaga ay ka warqabaan HIV-gaaga, si aad labadiinuba u heshaan daaweyn badbaado iyo waxtar leh.

6. Qarsoodiga Macluumaadka

Barnaamijyada baaritaanka NHS waxay isticmaalaan macluumaadka gaarka ah ee ku jira diiwaanadaada NHS si ay kuugu yeeraan baaritaanka wakhtiga saxda ah. Macluumaadkaaga waxaa sidoo kale loo isticmaalaa in lagu xaqiijiyo in aad hesho daryeel tayo sare leh iyo in lagu horumariyo barnaamijyada baaritaanka. Wax badan ka ogow sida macluumaadkaaga loo isticmaalo oo loo ilaaliyo, iyo xulashooyinkaaga.

7. Macluumaad dheeraad ah

Waxaad wax badan oo ku saabsan HIV ka heli kartaa:

Haddii aad qabtid su’aalo ama walaacyo kale, fadlan la hadal kooxdaada baaritaanka ama umulisadaada.