Tilmaam

Badbaadinta carruurta inta lagu jiro howlaha bulshada, kooxaha iskuulka kadib ah iyo waxbarashada gaarka ah: Su'aalaha ka caawinayo waalidiinta iyo daryeelayaasha inay doortaan goobaha carruurta ay aadi karaan ee iskuulka ka baxsan

La cusboonaysiiyay 4 April 2022

Applies to England

1. Hordhac

Tilmaamahan waxay ka caawin doonaan waalidiinta iyo daryeelayaasha inay doortaan goobo amaan ah oo ka baxsan iskuulka oo carruurtoodu aadi karaan. ‘Carruurta’ waxaa loola jeedaa dadka aan weli gaarin sanad-guuradooda 18-aad.

Waalidiinta iyo daryeelayaashu sidoo kale waxay aqrin karaan tilmaamaha ku aadan carruurta aada goobaha iskuulka ka baxsan inta lagu jiro dillaaca cudurka korona-fayras (COVID-19).

Goob iskuulka ka baxsan (OOSS) waxay macnaheedu noqon kartaa waxyaabo badan, sida meelaha ah xarumaha bulshada iyo dhalinyarada, kooxaha isboortiga, iyo goobaha cibaadada, shakhsiyaadka waxbarista ku bixiya gurigooda, ama tababarka qof-ka-qofka ah ee lagu bixiyo goob tababar ama jardiinada deegaanka. Khidmado ayaa laga yaabaa in la iskaga qaado ama aan la iskaga qaadin goobahaas. Goobaha qaarkood waxaa laga yaabaa inay u shaqeeyaan ganacsi ahaan.

Adeeg-bixiye tusaale caadi u ah arrintaas wuxuu noqon karaa macalinka kaligiis ka soo shaqeeya gurigiisa ama tababare carruurta tababaro ku siiya goobaha isboortiga.

Markaan tilmaamahan uga hadlayno adeeg-bixiyaha OOSS ee ‘weyn’, waxaan ula jeednaa inay jiraan 5 ama in kabadan oo shaqaalo mutadawiciin ama xubno shaqaale ah oo mushahaar qaata ah. Adeeg-bixiyaha OOSS ee ‘yar’ wuxuu leeyahay 4 ama wax kayar oo shaqaalo mutadawiciin ah ama xubno shaqaale ah oo mushahar qaata ah. Adeeg-bixiye ‘kaligiis ah’ macnaheedu waa in shaqsi keli ah uu ka shaqeeynaayo goobta isla markaana uusan shaqaalayn wax shaqaale ah ama uusan hawlgelin shakhsiyaad mutadawiciin ah, tusaale ahaan macalin khaas ah.

2. Sida ay tilmaamahan kuu caawin karaan

Ma jiro hal qaab sharciyeed oo xukuma sida goobahani u shaqeeyaan, mana jiro hal hay’ada oo baaritaan ama qiimeyn ku sameeysa goobahan. Tani waxay ka dhigan tahay inaysan jirin hal hay’ad oo mas’uul ah kormeerka buuxa ee goobahan ama tayada iyo badbaadada adeeg-bixinta.

Uguyaraan, adeeg-bixiyeyaasha goobahan waa inay lahaadaan siyaasado kusaabsan caafimaadka iyo badbaadada, ilaalinta iyo badbaadinta carruurta (oo ay kujiraan amniga khadka iyo dhanka dhijitaalka ah), iyo uqalmida shaqaalaha.

Tilmaamahan waxaa ku jira:

  • su’aalaha aad rabto inaad weydiiso adeeg bixiyaha
  • tusaalooyinka noocyada jawaabaha wanaagsan ee aad filan karto inaad ka maqasho
  • calaamadaha digniinta ah ee laga yaabo inaad jeclaan lahayd inaad fiiriso marka aad dooranayso adeeg bixiyaha

Waa inaad dareentaa inaad karti u leedahay inaad weydiiso su’aalo ku saabsan waxqabadyada iyo siyaasadaha adeeg-bixiyaha. Adeeg-bixiye si fiican u shaqeeya oo aamin ah ayaa aqbali doona in la weydiiyo su’aalaha. Waa inay diyaar u ahaadaan inay siiyaan macluumaadka noocan oo kale ah qof kasta oo cunug uga tagaya goobta adeeg-bixiyaha.

Sida caadiga ah, haddii adeeg bixiyuhu ka cago jiidayo inuu ka jawaabo, ama uusan ka jawaabi karin, su’aalahaaga, ama aadan ku qanacsanayn jawaabahooda, waxaa laga yaabaa inaad ka fakarto inaad ilmahaaga u dirsato goobo kale.

Si aad ugu qanciso naftaadu inay tahay meel amaan ah, waxaa laga yaabaa inaad jeclaan lahayd inaad la kulanto adeeg-bixiyeyaasha kahor inta uusan ilmahaagu ka xaadirin xiisada koowaad, ama weydii adeeg-bixiyeyaasha haddii ay awoodaan inaad la kulanto inta lagu jiro xiisada, ka hor intaadan go’aansan inaad u dirto ilmahaaga adeeg-bixiyahaas.

Haddii adeeg-bixiyuhu uu qof-ka-qof ahaan uu ula shaqeyn doono ilmahaaga (sida haddii uu yahay macallinka gaarka ah ee ilmaha), waxaad u baahan tahay inaad kormeer ku samayso kulammada.

3. Waxa la sameeyaa haddii aad walwal ka qabto

Haddii aad ka welwelsan tahay goobta uu ilmahaagu dhigto, marka hore u sheeg waxyaabaha aad ka walwalsan tahay adeeg-bixiyaha. Haddii xaaladda aan la xallin, fadlan sii gudbi arrinta adigoo wacaya khadka caawinta NSPCC ee 0808 800 5000 ama la xiriiraya sarkaalka loo igmaday hawshaas ee maamulka degmada (LADO). Si aad u hesho maamulka deegaankaaga, tag Raadi golaha degmadaada oo geli koodhka boostada ee goobtaada.

Haddii aad aamminsan tahay in ilmuhu halis degdeg ah ugu jiro waxyeello, fadlan booliska ka wac lambarka 999.

4. Su’aalaha loogu talagalay waalidiinta/daryeelayaashu inay waydiiyaan iyo jawaabaha ay filan karaan

Waa kuwan qaar ka mid ah su’aalaha aad rabto inaad weydiiso. Su’aalaha qaarkood ma ahan kuwa khuseeya dhammaan adeeg-bixiyeyaasha, jawaabahana way kala duwanaan karaan iyadoo kuxiran cabirka iyo nooca adeeg-bixinta. Meeshii ku habboon, waxaan si cad u qeexnay sida jawaabaha ay ugu kala duwanaan karaan adeeg-bixiyeyaasha keligood ah iyo adeeg-bixiyeyaasha waaweyn ee leh xubno badan oo shaqaale ah.

Tusaale Ilmahaagu wuxuu dhigtaa duruusta biyaanada hal mar usbuuciiba waxaana bara macalin biyaano oo gaar ah kaas oo aan shaqaalayn wax shaqaale ah. Kama fileynayno macallinka gaarka ah inuu lahaado habraacyo qoraal ah oo talaabo-talaabo ah ku aadan ilaalinta carruurta. Si kastaba ha noqotee, waxaan ka fileynaa inay yeeshaan siyaasadda ilaalinta carruurta oo qoran, iyo inay si faahfaahsan kuugu sharixi karaan tallaabada ay qaadi doonaan haddii ay la soo gudboonaadaan arrimo la xiriira ilaalinta carruurta.

4.1 Miyaan heli karaa koobiga siyaasadaada ilaalinta carruurta?

Dhammaan adeeg-bixiyeyaashu waa inay lahaadaan tilmaamo qeexan oo ku saabsan sida ay u ilaalin doonaan badbaadada carruurta iyo sida ay uga falcelin doonaan walaacyada la xiriira ilaalinta carruurta. Koobiga siyaasada waa in laga helaa websaydhka adeeg-bixiyaha ama lagu siiyaa markii aad codsato.

Ugu yaraan, siyaasaddu waa inay ku jirtaa:

  • Bayaanka siyaasadda oo kooban, iyadoo la qeexayo ahmiyada uu bixiyaha siinayo ilaalinta carruurta iyo dhalinyarada iyo guud ahaan, sida ay u doonayaan inay ku gaaraan arrintaas
  • ballanqaad ah in xaalad kasta oo jirta aysan dhicin in qof shaqaale ah ama mutadawiciin uu cunug u geysto waxyeelo jireed ama maskaxeed
  • liistada habraacyada u sahlaya shaqaalaha iyo mutadawiciinta inay carruurta ku ilaaliyaan badbaado - adeeg-bixiyeyaasha iyo mutadawiciinta khasab kuma aha inay qoraan habraac talaabo-talaabo ah, laakiin waa inay awoodaan inay kuu sharraxaan si faahfaahsan sida ay u maareeyaan ilaalinta walaacyada gaarka ah
  • wixii tilmaamo dheeraad ah, macluumaad ama rajooyin aad u baahan tahay inaad ka feejignaato, oo ay ku jiraan faahfaahinta qofka mas’uulka ka ah guud ahaan inuu ilaaliyo badbaadada carruurta, oo sidoo kale loo yaqaan hoggaanka ilaaliyaha carruurta ee loo igmadey, iyo sida loola xiriiro, iyo sidoo kale faahfaahinta xiriirka ee adeegyada ilaalinta carruurta ee deegaanka ka jira sida maamulka degmada iyo booliska

Haddii adeeg-bixiyuhu uu leeyahay hal ama in ka badan oo shaqaale ama mutadawiciin ah, waa inay sidoo kale awoodaan inay ku siiyaan koobi qoraal ah oo ku saabsan tallaabooyinka gaarka ah ee ay shaqaalaha qaadi doonaan marka ay jiraan walaacyo ku saabsan nabadgelyada ama badqabka ilmaha, oo ay ka mid yihiin:

  • tillaabooyinka ay adeeg-bixiyeyaashu qaadi doonaan haddii ay ka walaacsan yihiin in ilmo uu halis ugu jiro xadgudub
  • Habraac ay tahay in la isticmaalo haddii ay dhacdo xadgudub ilmaha isku asaaga ah ay isku sameeynayaan (tusaale ahaan, xoog isku sheegasho) ee goobtooda
  • tillaabooyinka wax looga qabanayo eedeymaha ama welwelka laga qabo in qof weyn oo la shaqeeya carruurta iyo dhalinyarada ku jira goobta uu waxyeeleeyo
  • Habraaca cabashooyinka ee u suurta gelinaya carruurta, dhalinyarada iyo qoysaska inay soo gudbiyaan walaacyada la xiriira ilaalinta carruurta

Adeeg-bixiyeyaasha leh xubno shaqaale ah waa inay sidoo kale awoodaan inay ku siiyaan tilmaamo qoran oo dheeraad ah, macluumaad iyo waxyaabaha laga filayo habdhaqanka shaqaalaha iyo mutadawiciinta, sida xeerka anshaxa shaqaalaha iyo macluumaadka ku saabsan sida shaqaaluhu ay si toos ah uga falcelin doonaan haddii cunug uu ka soo warbixiyo xadgudub.

4.2 Waa kuma qofka hogaaminaya ee mas’uulka ka ah ilaalinta carruurta iyo tababar noocee ah ayay qaateen? Waa goorma muddadii ugu dhoweyd ee la tababaray?

Adeeg-bixiyhu waa inuu awood u yeesho inuu magacaabo qof hoggaamiye ah oo mas’uul ka ah ilaalinta carruurta goobta ku jira. Tilmaamahan, qofaan waxaan ku magacaabeynaa inuu yahay shaqsiga hogaanka loo magaacabey ilaalinta carruurta. Adeeg-bixiyaha keligiis ah isaga ayaa noqon doona hoggaanka ilaalinta carruurta.

Uguyaraan, hoggaanka loo magacaabey ilaalinta carruurta waa inuu qaataa tababar ku saabsan:

  • xoog sheegasho
  • xadgudub Jireed
  • dhibaateynta galmada
  • rabshadaha galmada
  • qoritaanka, dirista, helitaanka, ama soo gudbinta, fariimaha, sawirada, ama muuqaalada galmada, oo la isku dhaafsado telefoonada gacanta
  • xafladaha dhaqanka ama tabargalka: ku dhaqanka caadooyinka, caqabadaha, iyo hawlaha kale ee ku lug leh dhibaateynta, xadgudubka ama bahdilaadda loo adeegsado qaab qofka loogu soo daro kooxo
  • amniga internetka
  • isticmaalka mukhaadaraadka

Waxaad sidoo kale weydiin kartaa haddii ay tababar ka soo qaateen xag-jirnimada iyo cunsurinimada.

Hogaanka ilaalinta caruurta ee loo igmadey waa inay soo qaateen tababar siinaya aqoonta iyo xirfadaha ay ugu baahan yihiin kaalintooda. Tababbarka waa in lagu celceliyaa xilliyo go’an oo joogto ah ama haddii duruufaha adeeg-bixiyaha ay isbeddelaan.

4.3 Ma leedahay siyaasadda cabashada?

Mararka qaarkood waxaa laga yaabaa in lagugu wargaliyo walaac la xiriira goobta iskuulka ka baxsan ee uu kugu wargeliyo cunugaaga ama waalid kale. Dhammaan adeeg-bixiyeyaasha waa inay lahaadaan siyaasad cad oo wax looga qabanayo cabashooyinka. Tani waa inay ka mid ahaataa tilmaamo ku saabsan sida loo gudbiyo cabasho, ha ahaato si qof ahaaneed ama qoraal ahaan, cida loo dacwoonayo, iyo sida wax looga qaban doono.

Adeeg-bixiyeyaasha kaligood ah waa inay ku siiyaan tilmaamo ku saabsan sida aad ugala hadli karto maamulka deegaanka, oo ay ku jiraan faahfaahinta xiriirka sarkaalka loo igmaday ama hay’ada daryeelka bulshada ee carruurta. Habraaca cabashooyinka waa inuu ku jiraa websaydhka adeeg-bixiyaha ama si cad loogu muujiyaa goobta.

4.4 Tababar noocee ah ayey shaqaaluhu qaateen?

Tababarku wuxuu ku kala duwanaan doonaa nooca adeeg-bixiyaha laakiin dhammaan shaqaaluhu waa inay, ugu yaraan, lahaadaan aqoon shaqo oo wanaagsan oo ay si habboon ugu tababaran yihiin caafimaadka iyo badbaadada iyo ilaalinta carruurta. Iyada oo qayb ka ah siyaasaddooda iyo habraacyadooda, adeeg-bixiyeyaashu waa inay awoodaan inay kuu sheegaan tababarka ay shaqaaluhu qaateen iyo goorta ugu dhoweyd ee ay qaateen.

4.5 Yaa mas’uul ka ah gargaarka degdegga ah?

Iyadoo aan loo eegin nooca adeegga ee la bixiyo, adeeg-bixiyeyaashu waa inay awoodaan inay magacaabaan qof igman oo mas’uulka ka ah gargaarka degdegga ah, waana inay kuu sheegaan nooca tababbarka gargaarka degdegga ah ee qofkan loo igmaday uu soo qaatey ee ku habboon xaaladaha ku xusan qiimeynta halista adeeg-bixiyaha.

Dhammaan adeeg-bixiyeyaasha waa inay sameeyaan qiimeynta halista si loo ogaado waxa sababi kara dhaawac ama jirro ee yaala goobta ay carruurta ku sugan yihiin, si loo go;aamiyo sida ay ugu dhowdahay in qof waxyeello ka soo gaarto, iyo sida ay u daran tahay, iyo si loo qaadi karo tallaabo ay ku xakameynayaan ama ku baabi’inayaan halista.

Sidoo kale waa inay kula socodsiiyaan inay leeyihiin xirmada gargaarka degdegga ah.

4.6 Ma leedahay foomka ogolaanshaha waalidka iyo foomka faahfaahinta xaaladaha degdegga ah ee aad u baahanahay inaan soo buuxiyo oo aan kugu soo celiyo?

Dhammaan adeeg-bixiyeyaashu waa inay ku weydiiyaan wax kabadan hal lambar oo lagaala soo xiriiri karo xilliyada xaaladaha deg-deg ah iyo wixii macluumaad caafimaad ee lagama maarmaanka u ah ilmahaaga. Macluumaadkan waa in lagaa qaadaa xilliga ama kahor xiisada koowaad.

Adeeg-bixiyeyaashu waxay ku ururin karaan macluumaadkan foom elektiroonig ah ama foom daabacan. Haddii ilmahaagu dhigto goobta wax ka badan hal sano, adeeg-bixiyuhu waa inuu ku weydiiyaa macluumaad cusbooneysiisan.

4.7 Sidee ugu amaansan ayaad u keydin doontaa macluumaadka aad ka hayso ilmahayga? Kumaa marin u leh oo ma siin doontaa qof kale?

Adeeg-bixiyuhu waa inuu awood u yeesho inuu faahfaahin ka bixiyo sida ay u keydinayaan waraaqaha/faylasha iyo nuqulada elektaroonigga ah. Haddii ay keydinayaan xogta elektaroonigga ah, waa in ay noqotaa mid qarsoodi an oo baaswaadh ku xiran. Haddii ay keydinayaan xogta waraaqaha, waa in ay noqotaa mid lagu xifdiyey quful.

Kaliya hoggaanka ilaalinta carruurta ee loo igmaday, ama qof kale oo xil sare oo ku filan ka haya ururka waa in lagu aaminaa, waa inuu marin u yeesho xogta. Adeeg-bixiyeyaasha kaligood ah waxay isu magacaabi karaan hoggaanka ilaalinta carruurta ee loo igmaday. Macluumaadkan waa inaan la siinin qollooyin kale iyada oo aan la helin ogolaanshaha ilmahaagu (iyo ogolaanshahaaga haddii ilmahaagu ka yar yahay 13).

4.8 Haddii adeeg-bixiyaha uu weyn yahay ama yar yahay, sidee loo shaqaaleysiiyaa shaqaalaha iyo mutadawiciinta? Baaritaan noocee ah ayaad sameysaa si loo xaqiijiyo inay ku habboon yihiin la shaqeynta carruurta? Baaritaanadii ugu dambeeyey goormee ayay ahaayeen?

Iyadoo aan loo eegin nooca iyo cabirka, dhamaan adeeg-bixiyeyaasha waa inay ilaaliyaan oo ay dhiirrigeliyaan daryeelka carruurta iyadoo la xaqiijinayo inay goobahaas leeyihiin habraacyo adag oo looga hortagayo dadka aan ku habboonayn inay ka shaqeeyaan ama mutadawac ka noqdaan goobtaas.

Adeeg-bixiyeyaashu waa inay kuu sharaxi karaan baaritaanada kala duwan ee ay sameeyeen si ay kuugu xaqiijiyaan in ilmahaagu ku badbaadsan yahay daryeelka shaqaalahooda iyo mutadawiciintooda. Waa muhiim in adeeg-bixiyeyaashu aysan ku tiirsaneyn hal baaritaan (tusaale ahaan, baaritaanka DBS) si loo ogaado in shaqaalaha ama qofka mutadawaca ah ay ku habboon yihiin.

Qaar ka mid ah baaritaanada badan ee adeeg-bixiyeyaashu samayn karaan waa:

Baaritaanka shaqaaleynta

Tusaale ahaan, waa habdhaqanka ugu fiican ee adeeg-bixiyeyaasha inay baaritaan ku sameeyaan in mutadawiciinta ama shaqaalaha ay leeyihiin xirfadda saxda ah, sida khibradda waxbaridda. Adeeg-bixiyeyaashu waxay dooran karaan inay weydiistaan faahfaahinta waayo-aragnimadooda hore iyagoo wareysanaya musharrixiinta shaqada tusaale ahaan.

Baaritaanka shaqaalayntii hore

Kahor shaqaalaynta qof, adeeg-bixiyeyaashu waa inay xaqiijiyaan aqoonsigooda iyo in loo oggol yahay inay ka shaqeeyaan UK.

Tixraacyo

Raadinta tixraacyo waxay u oggolaaneysaa adeeg-bixiyeyaasha inay helaan macluumaad madax-bannaan oo xaqiiqda taabanaya ka hor inta aysan magacaabin qofka mutadawaca ah ama xubinta shaqaalaha ah

Baaritaanada DBS

Adeegga Shaacinta iyo Ka Hortagga (DBS) waxay bixisaa shahaadooyinka diiwaanada dambiyeed si ay uga caawiyaan adeeg-bixiyaha inuu go’aansado qaadashada shaqaalaha, gaar ahaan marka lala shaqeeynayo carruur. Waxaa jira heerar kala duwan oo ah baaritaanka DBS ah iyadoo kuxiran nooca shaqada ama howlaha la qabanayo.

Adeeg-bixiyeyaashu sidoo kale waa inay awoodaan inay ku siiyaan faahfaahinta nidaamka anshaxa shaqaalaha kaasoo qeexi doona waxa ay yihiin anshaxa la aqbali karo ee loogu talagalay shaqaalaha iyo matadawiciinta.

Waxaad sidoo kale u baahan kartaa inaad ka codsato adeeg-bixiyaha inuu kuu sharxo sida waxqabadka shakhsiyaadka shaqada haya si joogto ah loola socdo oo dib loogu eego si loo xaqiijiyo inay sii wataan xirfadaha lagama maarmaanka ah iyo tababarka si ay u gutaan waajibaadkooda.

4.9 Loogu talagalay adeeg-bixiyaasha keliygood ah: Waa maxay baaritaanada aad sameysay ee muujinaya inaad ku habboon tahay inaad la shaqeyso carruurta?

Ma jiro hal baaritaan oo la samayn karo si loo muujiyo in adeeg-bixiyuhu ku habboon yahay inuu la shaqeeyo carruurta, sidaa darteed, si aad ugu qanciso naftaada inay carruurtaadu ku badbaadi doonaan daryeelka adeeg-bixiyaha, waxaad rabi kartaa inaad codsato, ama aad fuliso, qaar ka mid ah baaritaanada hoos lagu sharraxay:

Baaritaanada DBS

Waxaad weydiin kartaa adeeg-bixiyaha haddii ay sameeyeen baaritaanka DBS. Qofka iskiis u shaqeysta ayaa samayn kara baaritaanada aasaasiga ah ee DBS. Waxay sidoo kale awoodaan inay sameeyaan baaritaano heer sare ah ama la xoojiyay haddii ay u shaqaynayaan hay’ad kale oo waajibinaysa inay u qalmaan baadhitaan faahfaahsan (tusaale ahaan, iskuul ama maamulka deegaanka).

Markhaatiyo

Waxaad sidoo kale rabi kartaa inaad weydiisato adeeg-bixiyaha keligiis ah inuu ku tuso markhaatiyo, ama waxaad weydiin kartaa waalidiinta ama daryeelayaasha kale arrimo ku saabsan adeeg-bixiyaha keligiis ah, si aad y xaqiijiso in adeeg bixiyaha uu ku habboon yahay shaqada iyo in kale.

Mashruuca Shaacinta Dembiilaha Galmada Carruurta

Waxaad sidoo kale ka codsan kartaa booliska si ay kuu siiyaan macluumaad ku saabsan qof kaas oo nooc xiriir ah la leh ilmo ama carruur sida ku hoos qoran Qorshaha Shaacinta Dembiilaha Galmada Carruurta (oo loo yaqaan Sharciga Sarah). Haddii ay dhacdo in qofku dambi loogu helo dembiyada galmada ee ka dhanka ah carruurta, uu khatar gelinayo oo waxyeello u geysan karo ilmaha, iyo shaacin loo baahdo si loo ilaaliyo ilmaha, booliisku wuxuu si qarsoodi ah u shaacin karaa faahfaahinta qofka iyadoo loo sheegayo qof awoodda u leh inuu ilaaliyo ilmaha oo badanaa ah waalidiinta, daryeelayaasha ama mas’uuliyiinta).

4.10 Ma jiri doonaan dad waaweyn oo aan adiga ahayn (haddii uu yahay adeeg-bixiye keligiis ah), iyo shaqaale ama mutadawiciin, joogi doonaan goobta inta ilmahaygu joogo? Hadday sidaas tahay, goobta ma si joogto ay ayay u joogi doonaan?

Tani si gaar ah ayay muhiim u tahay in la weydiiyo haddii adeeg bixiyuhu ka soo shaqeynayo guriga. Haddii dadka kale ee waaweyn ay goobjoog ka ahaan doonaan ee aan ahayn macallinka ama tababaraha, waxaa laga yaabaa inaad weydiisato magacyadooda, iyo inay dhici karto in qolka keligood la joogi doonaan ilmahaaga. Haddii dadka waaweyni ay yihiin shaqaale ama mutadawiciin, weydii haddii ay soo mareen baaritaanka DBS.

4.11 Ilmahaygu ma loo oggol yahay gelitaanka internetka iyado oo aan kormeer lagu samayn?

Ilmahaagu waa inuu jiraa 13 ama ka weyn si uu u galo internetka iyaga oo aan la kormeereyn.

Haddii goobtu ay bixiso khadka internetka ama aaladaha ku xiran internetka, adeeg bixiyaha waa inuu awoodaa inuu ku tuso siyaasaddooda badbaadada khadka ama qoraalka isticmaalka internetka ee la aqbali karo. Tani waa inay soo bandhigtaa tusaalooyin qaas ah oo ku saabsan dabeecadda carruurta iyo shaqaalaha ee la aqbali karo inta la isticmaalayo internetka.

Waa inaad sidoo kale tixgelisaa haddii ilmahaagu ay u badan tahay inuu internetka ka geli karo aaladaha isticmaala khadka 3G, 4G ama 5G ama Wi-Fi-ga goobaha dadweynaha. Adeeg-bixiyeyaashu waa inay muujiyaan wacyigelinta ah in ku takrifalka tikniyoolajiyadda ay door weyn ka ciyaaraan arrimo badan oo la xiriira ilaalinta carruurta waana inay awoodaan inay aqoonsan yihiin oo ay farageliyaan dhacdooyinka halkii ku habboon.

Haddii daryeel bixiyahaagu u oggolaado ilmahaaga inay galaan internet-ka iyada oo aan la kormeereyn, waa inay lahaadaan system-yada shaandhaynta iyo dabagalka sida ku xusan halkaan hoose.

4.12 Maxay yihiin system-yada shaandhaynta iyo dabagalka ee aad leedahay si loo maareeyo isticmaalka internetka?

Adeeg-bixiyahaagu waa inuu haystaa system-yo ku habboon da’da carruurta.

System-yadani waa inay sifeeyaan:

  • waxyaabo aan habooneyn ama waxyeelo leh sida filimada qaawan, ama cunsuriyada, aragtida xagjirka ama xagjirnimada ah
  • hab kasta oo loogu lug yeelan karo isdhexgalka qatarta ah ee khadka tooska ah ee lala yeesho isticmaaleyaasha kale sida qolalka lagu sheekeysto, halkaas oo dadka waaweyn ay isku soo muujin karaan iyagoo iska dhigaya carruur ama dhalinyero

4.13 Ilmahaygu wuxuu leeyahay baahiyo waxbarasho oo gaar ah (SEN) ama naafonimo ama labadaba. Sideed ula macaamili kartaa arrintan?

Adeeg-bixiyaha ayaa laga yaabaa inuusan had iyo jeer lahayn xirfadaha iyo kheyraadka looga baahan yahay si uu u buuxiyo baahiyaha SEN iyo baahiyaha naafonimada. Waa inaad markasta xaqiijisaa inaad fahantay waxa adeeg-bixiyuhu sameyn karo iyo waxa uusan sameyn karin.

Tusaale ahaan, waxaa laga yaabaa inaad rabto inaad ogaato inay leeyihiin xubin shaqaale ah oo loo tababaray inuu la shaqeeyo carruurta leh SEN ama naafada ah. Si kastaba ha noqotee, haddii aadan ku qanacsaneyn, weydii su’aalo dabagal ah ama tixgeli inaad u dirto ilmahaaga meel kale.

4.14 Ilmahaygu wuxuu ubaahan yahay caawimaad ku aadan isticmaalka musqusha, beddelaadda dharka, quudinta, dawooyinkooda, ama baahiyaha kale. Sideed ula qabsan doontaa baahiyahan daryeelka shakhsi ahaaneed?

Adeeg-bixiyuhu had iyo jeer ma awoodo inuu la qabsado baahiyaha daryeelka shakhsi ahaaneed. Waa inaad markasta xaqiijisaa inaad fahantay waxa adeeg-bixiyuhu sameyn karo iyo waxa uusan sameyn karin. Haddii aadan ku qancin, weydii su’aalo dabagal ah ama tixgeli inaad u dirto ilmahaaga meel kale.

5. Doorashada adeeg-bixiye habboon

Qaar ka mid ah macluumaadka hoose waxay bixiyaan guudmarka kaa caawinaya inaad sameyso xulashooyin wanaagsan. Haddii aad aragto mid ka mid ah calaamadaha digniinta ee hoose markaad weydiineyso su’aalaha kor ku xusan, ama markaad booqaneyso goobta, waxaad u baahan tahay inaad ilmahaaga u dirto meel kale.

Waa inaad dhacdooyinka halista ah ku soo wargelisaa NSPCC, maamulka deegaankaaga ama booliska.

5.1 Astaamaha wanaagsan ee ay tahay in laga fiiriyo

Dhammaan adeeg-bixiyeyaasha:

  • caafimaadka iyo badbaadada ayaa laga fiirsaday - adeeg-bixiyeyaasha waaweyni waa inay leeyihiin siyaasad qoran; adeeg-bixiyeyaasha yaryar iyo kuwa kaligood ah khasab kuma aha inay yeeshaan siyaasad qoran laakiin waa inay ka digtoonaadaan halista iyo sida loo yareyn karo
  • jawigu iyo goobtu waa inay u muuqataa mid badbaado leh (tusaale ahaan, dhisme sifiican loo dayactiray oo leh wado looga baxo hadii ay xaalado degdeg ah dhacaan, iyo helitaanka qalabka gargaarka degdega) - adeeg-bixiyaha waa inuu ogyahay waxa la sameeyo haddii uu kaco dab ama xaalad degdeg ah ay dhacdo
  • qof loo igmaday waa inuu mas’uul ka ahaadaa gargaarka degdegga ah
  • adeeg-bixiyuhu waa inuu leeyahay tababar laxiriira la tacaalidda ilaalinta caruurta iyo ilaalinta arrimaha la xiriira (tusaale ahaan, xadgudub iyo dayacaad)
  • siyaasadda ilaalinta carruurta waa in la siin karaa waalidiinta markay codsadaan - siyaasadan waa inay sheegtaa sida carruurtu u soo sheegi karaan walaacyada la xiriira ilaalinta iyo sida adeeg-bixiyuhu ugu wargelin doono waalidiinta
  • waxaa inuu jiraa hogaan loo igmaday ilaalinta carruurta
  • waalidiinta ama daryeelayaashu waa la kulmi karaan adeeg-bixiyeyaasha kahor ama inta lagu jiro xiisadaha si loo xaqiijiyo in goobtu si wanaagsan loo maareeyo
  • siyaasadda amniga internetka la meel mariyey lama kormeero
  • foomka ogolaanshaha waalidka, kaas oo ku weydiinaya macluumaadka caafimaadka iyo faahfaahinta xiriirka degdegga ah, ayaa loo baahan yahay ka hor inta ilmuhu uusan tegin marka ugu horreysa
  • Aqoonsiga samafalka ee diiwaangashan (meeshii ay khuseyso) - Komishanka Samafalka wuxuu leeyahay diiwaanada dhammaan hay’adaha samafalka ee ka diiwaangashan England iyo Wales
  • geedi-socodka cabashooyinka waa inuu jiraa

Adeeg-bixiyeyaasha leh xubno shaqaale ah;

  • Xubnaha shaqaalaha iyo mutadawiciinta waa inay leeyihiin tababar laxiriira sidii loola tacaali lahaa arrimaha kahortaga carruurta sida jirdilka, xadgudubka shucuurta ama xadgudubka galmada
  • shaqaalaha iyo mutadawiciinta waa inay dhameystireen u qalmitaankooda shaqada iyo baaritaanadooda (tusaale ahaan, tixraacyada shaqada ka hor iyo baaritaanada DBS)
  • haddii adeeg-bixiyuhu leeyahay shaqaale ama mutadawiciin badan, waajibaadkooda iyo masuuliyadoodu waa inay cad yihiin

5.2 Astaamaha digniinta leh ee ay tahay in laga fiiriyo

Dhammaan adeeg-bixiyeyaasha:

  • tixgelin yar ama gebi ahaanba aan la tixgelinin caafimaadka iyo badbaadada, oo ay kujirto ka warqab la’aanta guud ee halista iyo sida loo yareyn karo
  • caddeynta jawi/goob khatar ah tusaale ahaan:
    • fiilooyin dabacsan
    • wasakh
    • aan lahayn waddo laga baxo xilliyada xaaladaha deg-degga ah
    • aan lahayn qalabka gargaarka degdegga ah
  • wacyigalin la’aanta ku aadan waxa la sameeyo haddii uu kaco dab ama ay timaado xaalad degdeg ah
  • uusan jirin qof loo igmaday oo inuu mas’uul ka ah gargaarka degdegga ah
  • aany lahayn siyaasadda ilaalinta carruurta - adeeg bixiyahu aanu lahayn talaabooyin cad oo ku aadan sida walaacyada (tusaale ahaan, isku xadgudubka ilmaha isku aasaaga ah) looga soo warbixin karo iyo sida waalidiinta looga wargelin doono walaacyadaas.
  • uusan jirin hogaan loo igmaday ilaalinta carruurta
  • astaamaha muujinaya xadgudubyada ay caruurta kale ee dhigta goobta la kulmaan, tusaale ahaan, nabaro aan la sharixin
  • ay jiraan dad waaweyn oo aan lagaranayn goobta
  • aysan u muuqan in shaqaale ama mutadawiciin ku filan oo kormeera dhammaan carruurta ay joogaan goobta daryeelka
  • xubnaha shaqaalaha ama dadka kale ee waaweyn ay xiriir qof-ka-qof ah oo aan la kormeerin la yeelanayaan carruurta iyadoon ogolaansho waalid ama daryeele la helin
  • aanu jirin siyaasadda amniga internetka oo la meel mariyey ama la kormeerey
  • waalidiinta aan la weydiinin inay keenaan foom ogolaansho ama inay mid saxeexaan
  • aanu jirin geedi-socod la meel mariyey oon wax looga qabanayo cabashooyinka

Adeeg-bixiyeyaasha leh xubno shaqaale ah:

  • shaqaaluhu ma aysan dhameystirin tababarka khuseeya shaqada, u qalmitaanka ama baaritaanada shaqada (tusaale ahaan, baaritaanada DBS)
  • shaqaalaha ama mutadawiciinta aysan u muuqan inay garwaaqsanayaan ama soo sheegaan waxyaalaha laga yaabo inay la xiriiran ilaalinta carruurta
  • Shaqaalaha iyo mutadawiciinta maka warhayaan waxa la sameeyo haddii ay la kulmaan walaac la xiriira ilaalinta carruurta (tusaale ahaan, haddii ilmuhu soo sheego xadgudub)