Agab xayeysiis

Hagahaaga baaritaanka naasaha ee NHS (Somali)

La cusboonaysiiyay 14 May 2025

Applies to England

Buug-yarahani waxa uu ku siinayaa macluumaad ku saabsan baaritaanka naasaha ee NHS ee laga yaabo inuu wax kuu taro. Waxaad dooran kartaa haddii aad ka qaybqaadanayso baaritaanka naasaha iyo in kale.

Waa maxay sababta NHS ay u bixiso baaritaanka naasaha

Waxaan bixinaa baaritaanka noocaas ah sababtoo ah wuxuu dadka ka badbaadin karaa kansarka naasaha.

Baaritaanka naasaha waxaa lagu ogaan karaa astaamaha kansarka naasaha inta uu soo marayo marxaladda hore. Waxaan raadinaa kansarada aadka u yar ee aadan dareemi karin ama aadan arki karin.

Ogaanshaha kansarka naasaha ee goor hore waxay la macno tahay in daawayntaadu noqon karto mid fudud waxayna u badan tahay inay daaweynta ay noqoto mid waxtar leh.

Yaan ku martiqaadnaa baaritaanka naasaha

Waxaan ku martiqaadaynaa dhammaan haweenka inay maraan baaritaankooda naasaha ee ugu horreeya inta u dhaxaysa da’da 50 iyo 53. Kadibna waxaa lagugu martiqaadi doonaa 3-dii sanaba mar ilaa aad ka gaarayso 71 jir. Taasna waxaa sabab u ah inta badan kansarada naasaha waxay ku dhacaan dumarka ka weyn 50 sano.

Fadlan xaqiiji in xarunta GP-gaaga ay haystaan faahfaahinta saxda ah ee cusboonaysiisan ee lagaala soo xiriiro ah si aanu kuugu martiqaadno. Faahfaahintaas waxaa ka mid ah:

  • magaca
  • taariikhda dhalashada
  • cinwaanka
  • lambarka taleefanka gacanta
  • cinwaanka iimaylka

Haddii aad tahay qof jinsigiisa dhabta ah uu ka duwan yahay jinsigii lagu dhalay ama aad tahay qof jinsigiisa ka baxsan lab iyo dheddig oo aad jeclaan lahayd in lagugu martiqaado baaritaanka naasaha, la hadal xarunta GP-gaaga. Waxay kuu sheegi karaan haddii aad mari karto baaritaanka naasaha iyo hadii kale. Hel macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan baarista dadka jinsigooda bedelay iyo dadka jinsigooda uusan ahayn lab iyo dheddig.

Haddii aad 71 jir tahay ama ka weyn tahay, waxaad weli dooran kartaa in 3-dii sanaba mar lagugu sameeyo baaritaanka naasaha, laakiin si otomaatig ah laguuguma martiqaadi doono. Si aad ballan u qabsato, raadi xarunta deegaankaaga ee baaritaanka naasaha ama weydii xarunta GP-gaaga faahfaahinta lagala xiriiro.

Kansarka naasaha

Kansarka naasaha wuxuu dhacaa marka unugyada naaska ay bilaabaan inay kala qaybsamaan oo ay u koraan si aan caadi ahayn.

Waa nooca kansarka ugu badan ee haweenka UK. 1 ka mid ah 7dii dumar ayaa laga yaabaa inuu ku dhaco kansarka naasaha inta ay nool yihiin.

Inta uu le’eg yahay darnaanta kansarka naasaha waxay ku xiran tahay inta uu le’eg yahay kansarka iyo haddii uu kansarka ku faafay jirka.

In mar hore la ogaado iyo in la helo daaweyn wanaagsan ayaa dadka u horseeda ka soo kabasho iyo ka badbaadista kansarka naasaha.

Sida baaritaanka naasaha uu u shaqeeyo

Adeegga baaritaanka ee degaankaaga ayaa caadi ahaan ku dhex yaali doona isbitaal ama waxa uu ahaan karaa xarun baaritaan oo warwareegta oo ku taala meel kale.

Baaritaanka naasaha wuxuu isticmaalaa raajada naasaha ee loo yaqaano ‘mammogram’ si sawir looga qaado gudaha naasahaaga. Dhakhaatiirta takhasuska u leh ayaa markaas kadib fiirin doona raajada naasahaaga si ay uga eegaan calaamadaha isbeddellada aan caadiga ahayn ee naasahaaga.

Dadka intooda badan uma baahan doonaan baaritaano dheeraad ah sababtoo ah ma lahan calaamado muujinaya kansarka naasaha.

Haddii ay jiraan calaamado muujinaya suurtagalnimo ah inuu jiro kansarka naasaha, waxaa laga yaabaa inaad u baahato baaritaanno dheeraad ah. Adeegga baaritaanka ayaa ku qaban doona ballan si ay kaagala hadlaan wixii baaritaano dheeraad ah.

Tallaabooyinka baaritaanka naasaha joogtada ah

Kahor xilliga ballantaada

Waa inaad la xiriirtaa adeega baaritaanka naasaha ee deegaankaaga haddii aad u baahan tahay inaad baajiso ama beddesho xilliga ballantaada.

Kahor xilliga ballantaada, fadlan u sheeg haddii aad:

  • leedahay naafanimo waxbarasho ama dhibaatooyin xagga socodka/dhaqdhaqaaqa ah iyo inaad u baahan tahay taageero dheeraad ah, sida daryeele inuu kula yimaado
  • u baahan tahay macluumaad u qoron qaab kale ama luqad kale ah

Tani waxay kaa caawin doontaa adeega baaritaanka ee degaankaaga inay sameeyaan wixii wax ka bedel ah ee aad u baahan karto. Arrintan waxaa ka mid noqon kara in aad ballan dheer yeelato ama aad aado meel kale.

Waa inaad sidoo kale ogeysiisaa adeegga baaritaanka haddii aad:

  • qabto qalabyo qalliin ahaan loo geliyay naasaha
  • qalabka dhaqaajiya garaaca wadnaha uu kugu jiro ama ay kugu jiraan qalabyo kale oo caafimaad
  • uur leedahay ama aad naas-nuujinayso
  • martay qalliin lagaaga saaray labada naas (mastectomy)
  • ku hoos jirto daryeelka la-taliyaha naaska
  • martay raajada naasaha 6-dii bilood ee la soo dhaafay

Xilliga ballantaada

Khabiir takhasus leh oo loo yaqaano qaadaha raajada naasaha ayaa kaa qaadi doona raajaooyinka naasahaaga. Qaadaha raajada naasaha ayaa noqon doona qof dhedig ah. Waxay kuu sharxi doonaan waxa dhici doona marxalad kasta waxaadna weydiin kartaa su’aalo kasta oo aad qabtid.

Inta lagu jiro baaritaanka naasaha, waxaa lagaa qaadi doonaa 2 raajo oo naas kasta mid ah.

  1. Waxaa lagu siin doonaa nafaas qarsoodi ah si aad isaga bixiso dharka ilaa dhexda
  2. Qaadaha raajada naasaha ayaa kaa caawin doona inaad naaskaaga ku aadiso meesha sax ah ee mashiinka raajada. Waxay u baahan doonaan inay taabtaan naaskaaga.
  3. Mashiinka wuxuu tuujinayaa naaskaaga si uu u xajiyo. Waxaad u baahan doontaa inaad dhaqdhaqaaq la’aan ku joogto. Dumarka qaarkood waxay u arkaan arrintaan mid raaxo-darro ah ama xanuun leh. Wixii raaxa-darro ah waa inaysan socon muddo dheer. Waxaad codsan kartaa in la joojiyo haddii aad dareento inaadan sii xamili karin.
  4. Waxay sawirka ugu horreeya ka qaadi doonaan xagga sare ka dibna waxay ku celin doonaan habraaca iyagoo sawir ka qaadaya dhinaca isla naaskaas.
  5. Waxay markaas naaska kale marin doonaan habraacan.

Raajo kasta oo naaska laga qaadayo waxay qaadanaysaa dhowr ilbiriqsi oo keliya. Ballanta waa in aanay qaadan wax ka badan 30 daqiiqo laakiin inta badan waa ka degdegsiimo badan tahay.

Qaadaha raahada naasaha wuxuu badanaa heli karaa sawirro nadiif ah oo naasahaaga ah inta lagu jiro ballantaaga ugu horreeysa. Marar dhif ah, ayaa laga yaabaa inaad u baahato ballan baaritaan oo labaad si loo helo sawirro tayo wanaagsan leh.

Woman standing next to mammography equipment, being helped into position by a female mammographer.

Khabiir dheddig ah oo loo yaqaano qaadaha raajada naasaha ayaa kaa qaadi doonta raajooyinka naasahaaga

Tilmaamo iyo talooyin wax ku ool ah oo loogu talagalay maalintaas

Waxaad u baahan doontaa inaad iska siibto dharka ilaa dhexda, sidaas darteed waxaa wanaagsan soo xirato dhar arrintaas kuu fududaynaya, sida surwaalka ama goonnada iyo dharka cajarada ku eg.

Fadlan ha isticmaalin waxyaabaha carfa (carfisooyinka) ama budada is-carfinta maalinta ballanta maadaama ay carqaladayn karaan natiijada baaritaankaaga. Haddii aad awooddo, fadlan iska soo saar silsiladaha iyo biraha ku jira ibta naasaha ka hor intaadan imaan.

Waxaad la hadli kartaa kooxda baaritaanka naasaha haddii aad dareento cabsi ama aad qabto wax su’aalo ah. Waxaad sidoo kale soo kaxaysan kartaa qof ku taageero, sida saaxiib, qaraabo ama daryeele. Waxay badanaa u baahan doonaan inay joogaan qolka sugitaanka inta lagu jiro ballantaada.

Natiijooyinka baaritaanka naasaha

Waa inaad natiijadaada ku heshaa 2 toddobaad gudahooda laga bilaabo xilliga ballanta baaritaanka. Waxaan sidoo kale natiijadaada u diri doonaa GP-gaaga. Mararka qaarkood waxay qaadataa waqti dheer si loo helo natiijooyinkaaga.

Waxaa jira 2 natiijooyin oo suurtagal ah:

  • inaan loo baahanin baaritaano kale wakhtigaas, ama
  • baaritaano dheeraad in loo baahdo

Looma baahna baadhitaano kale wakhtigan

Dadka intooda badan (qiyaastii 96 ka mid ah 100kii qof) waxay helaan natiijadan.

Waxay la macno tahay in aanaan wax calaamado ah oo muujinaya kansarka naasaha ka helin raajooyinka naasahaaga.

Uma baahnid baaritaano dheeraad ah. Waxaan ku siin doonaa baaritaanka naasaha mar labaad 3 sano gudahood haddii aad weli ka yar tahay da’da 71.

Natiijadani ma dammaanad qaadayso inaadan qabin kansarka naasaha ama aadan mustaqbalka qaadi doonin kansarka. Fadlan la xiriir xarunta GP-gaaga sida ugu dhakhsaha badan haddii aad aragto isbeddello aan caadi ahayn oo xagga naasahaaga ah.

Baaritaano dheeraad ah ayaa loo baahan yahay

100kii qof ee laga qaado baaritaanka naasaha, 4 ka mid ah ayaa u baahan doona baaritaano dheeraad ah.

Taasi macnaheedu maaha inaad qabto kansarka naasaha. Inta badan dadka u baahda baaritaan dheeraad ah ma qabaan kansarka naasaha.

Waxa lagugu martiqaadi doonaa ballanta qiimaynta naaska. Haddii aad ka welwelsan tahay ama aad qabto wax su’aalo ah, waxaad kalkaalisada baarista naasaha kala hadli kartaa taleefanka ka hor intaan la gaarin ballantaada. Martiqaadka lagugu martiqaadayo baaritaanno dheeraad ah ayaa laguugu sheegi doonaa sida aad ula xiriiri karto.

Xilliga ballantaada, khabiir ayaa kuu sharxi doona baaritaannada aad u baahan tahay.

Waxaana ka mid noqon kara:

  • baaritaanka jireed ee naasahaaga
  • raajooyin naasaha ah oo dheeraad ah
  • iskaanada altarasawndhka ee naasahaaga
  • in muunad yar oo loo yaqaano baayobsi ‘biopsy’ laga qaado naaskaada

Kooxda takhasuska ah ayaa kuu sheegi doona goorta iyo sida aad ku heli doonto natiijadaada, iyadoo ku xiran hadba baaritaanada la sameeyay.

Natiijooyinka 100kii qof ee laga baaray naasaha

100kii qof ee laga qaado baaritaanka naasaha, 96 uma baahna baaritaano dheeraad ah 4ta kalena waxay u baahdaan baaritaano dheeraad ah. 4taas qofood, 1 ka mid ah ayaa laga helaa kansarka naasaha.

Tirakoobyadani waxay kaliya hage u yihiin dadweynaha guud. Khatartaada shakhsi ahaaneed waxay ku salaysnaan doontaa da’daada iyo caafimaadkaaga.

Khataraha suurtagalka ah ee baaritaanka naasaha

Khatarta ugu weyn ee baaritaanka naasaha waa in laga yaabo in baaritaanka lagu ogaado kansar aan waligiis dhibaato geysan lahayn. Taasi waxaa sabab u ah inaan mar walba saadaalin karin in kansarku uu noqon doono mid nafta halis geliya iyo in kale.

Waxaa lagu siin doonaa daaweyn haddii aan kaa helno kansarka naasaha. Tani waxay ka dhigan tahay in lagaa daawayn karo kansar aan nafta halis gelinayn. Haddii lagu siiyo daawayn, kooxda takhasuska ah ayaa kuu sharxi doonaan xulashooyinka si ay kaaga caawiyaan inaad go’aan gaarto.

Ma jiro baaritaan 100% lagu kalsoonaan karo.

Marar dhif ah, ayaa laga yaabaa in kansarka la seego. Baaritaanka mar walba ma helo kansarka halkaas ku jira. Mararka qaarkood kansarka laguma arki karo raajada naasaha.

Kansarka naasaha wuxuu sidoo kale samaysmi karaa wakhtiga u dhexeeya ballamaha baaritaanka. Weli waxaad u baahan tahay inaad si joogto ah u eegto una hubiso naasahaaga, si aad uga warqabto isbeddellada aan caadiga ahayn. Fadlan la xiriir xarunta GP-gaaga sida ugu dhakhsaha badan haddii aad u malaynayso inaad leedahay astaamaha kansarka naasaha.

In raajooyinka naasaha kuu keenaan qaddar yar oo shucaac ah oo ka imanaya raajada. Tani waxay wax yar kordhinaysaa fursada ah inaad qaadi karto kansar inta aad nooshahay. Mashiinnada NHS waxay isticmaalaan qiyaaso shucaac oo hooseeya si loo yareeyo khatar kasta. Cilmi-baarista waxay muujinaysaa faa’iidooyinka guud ee laga helo baaritaanka naasaha inay ka miisaan culus yihiin khatarta kala kulmitaanka shucaaca.

Astaamaha kansarka naasaha

Waa muhiim inaad ogaato sida naasahaaga u egyihiin iyo sida aad dareento markaad taabato, si aad u ogaato waxa adiga kuu ah. Tani waxay kuu sahlaysaa inaad ogaato wixii isbedel ah ee ku yimaada naasahaaga.

Astaamaha kansarka naasaha ee haweenka waxaa ka mid noqon kara:

  • buro ama barar xagga naaska, laabta ama kilkilahaaga ah
  • isbeddel ku yimaadda maqaarka naaskaaga, sida guduudasho ama casaan noqosho (finan ama isbedel ku yimaada midabka maqaarka ayaa laga yaabaa inay adag tahay in lagu arko maqaarka madow ama bunniga ah)
  • muuqaal diir-qaadis ah oo midabka liimiga ah leh, halkaas oo maqaarka laga yaabo inuu ka dhumuc weyn yahay oo dulduleeladuna ay yihiin kuwo si cad u muuqda
  • isbeddel ku yimaada cabbirka ama qaabka 1 ama labada naas
  • dheecaan ka yimaada ibta naaska, kaas oo laga yaabo inuu dhiig ku jiro
  • isbeddel ku yimaada qaabka ama muuqaalka ibtaada, sida inuu gudaha u galayo (ibta naaska oo roganta) ama finan ka soo baxa (waxay u ekaan kartaa cambaar)

Xanuun aad ka dareento naasahaaga keligiis badanaa ma aha calaamad muujinaysa kansarka naasaha. Haddii uu ku hayo xanuun ama raaxo darro xagga naaska ah ama kilkilada kaas oo aad dareemayso wakhtiga oo dhan, waxaa fiican in la baaro.

Haddii aad qabto mid ka mid ah astaamahan, fadlan la hadal GP-gaaga sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagalka ah. Ballan degdeg ah waydiiso kooxda soo dhawaynta GP-ga. Waa muhiim in sidaas la sameeyo xitaa haddii dhawaan lagaa baaray naasaha.

Yaa u badan inuu ku dhaco kansarka naasaha?

Qof kastaa ayuu ku dhici karaa kansarka naasaha, laakiin waxaa laga yaabaa inaad u badan tahay inuu kugu dhaco haddii aad:

  • ka weyn tahay 50
  • leedahay unugyo cufan oo xagga naasaha ah
  • ay jiraan dad kale oo qoyskaaga ka tirsan oo qabay kansarka naasaha ama ugxan-sidaha - waxaa laga yaabaa inaad dhaxashay hidda-side khaldan, sida hidde-side BRCA oo khaldan
  • qabto xaalado qaarkood ee xagga naasaha ah, sida cudur daran oo xagga naasaha ah, ‘ductal carcinoma in situ’ ama ‘lobular carcinoma in situ’

Waxaad la hadli kartaa GP-gaaga ama kalkaalisada caafimaadka haddii kansarka naasaha ama kansarka ugxan-sidaha uu ka dhex jirey qoyskaaga, oo aad jeclaan lahayd inaad hesho talo.

Waxaad hoos u dhigi kartaa halista aad ugu jirto kansarka naasaha adiga oo iska ilaalinaya cabbida in ka badan 14 halbeeg oo aalkolo ah usbuucii isla markaana aad joogteynayso miisaan/culays caafimaad leh.

Tijaabooyin caafimaad

Waxaa laga yaabaa in lagu weydiiyo haddii aad rabto inaad ka qaybqaadato tijaabo/daraasad caafimaad. Kuwani waa daraasado cilmi-baaris oo caafimaad. Tijaabo/daraasad kasta oo laguu soo bandhigo waxay uruurin doontaa macluumaad ku saabsan noocyada ugu fiican ee baaritaanada ama daawaynta si aanu u horumarino adeegyada mustaqbalka. Waxaad kala dooran kartaa inaad ka qaybqaadato iyo in kale.

Macluumaad iyo taageero dheeraad ah

Si aad u hesho talo ku saabsan baaritaanka naasaha, waxaad la xiriiri kartaa xarunta GP-gaaga ama adeegga baaritaanka naaska ee deegaanka.

Macluumaadkan waxa lagu heli karaa qaabab kale, oo ay ku jiraan luqado kale. Waxa kale oo lagu heli karaa akhris fudud.

Si aad u codsato isagoo ah qaab kale, waxaad wici kartaa 0300 311 2233 ama waxaad iimayl u diri kartaa england.contactus@nhs.net.

Waxaad sidoo kale:

Breast Cancer Now waxay sidoo kale bixisaa macluumaad bilaash ah oo qarsoodi ah iyo taageero ku aadan caafimaadka naasaha iyo baaritaanka naasaha. Waxaad ka wici kartaa khadkooda caawimaada 0808 800 6000. Turjubaano ayaa la heli karaa haddii aad u baahan tahay taageerada luqadda.

Wax ka ogow sida looga baxo xulashada baaritaanka.