Tilmaam

Waa maxay guurka qasabka ah?

La cusboonaysiiyay 27 March 2023

Waa maxay guurka qasabka ah?

Qof walba ayaa lagu qasbi karaa guur – tan waxaa ku jiro dadka da’ walba ah, sinjiyadaha, qowmiyadaha iyo diimaha.

Guurka qasabka ah waa meesha hal qof ama labadaba aysan ogolaanin ama ogolaan karin guurka oo cadaadis ama xadgudub loo isticmaalay si loogu qasbo guurka. Sidoo kale waa marka wax un wixii uu ahaadaba la sameeyo si loogu qasbo qof inuu guursado asagoon gaarin 18 sano jir, xataa haddii uusan jirin cadaadis ama xadgudub.

Guurka qasabka ah waa ka sharci daro UK. Waa qaab xadgudub qoyska ah iyo xadgudub dhab ah oo ka dhan ah xaquuqaha aadanaha.

Ku qasbida qof inuu guursado ma ahan dhabtii jir ahaan, laakin marwalba waxay lid ku tahay sharciga.

Cadaadiska la geliyo qofka inuu guursado waxay qaadan kartaa qaabab kala duwan:

  • cadaadiska jireed ayaa qaadan karo qaabka hanjabaada ama rabshada (oo ay ku jiraan rabshada galmada)
  • cadaadiska dareenka ama cilmi nafsiga ayaa qaadan karo qaabka dareensiineyso qofka inay ceeb u keenayaan qoyskooda, taas oo laga dhaadhicinayo in kuwa u dhow ay u nuglaan karaan jirooyin haddii aysan guursan, ama loo diido xoriyada ama lacag illaa ay ka ogolaadaan guurka

Guurka qasabka ah waa meesha hal qof ama labadaba aysan ogolaanin ama ogolaan karin guurka oo cadaadis ama xadgudub loo isticmaalay si loogu qasbo guurka. Sidoo kale waa marka wax un wixii uu ahaadaba la sameeyo si loogu qasbo qof inuu guursado asagoon gaarin 18 sano jir, xataa haddii uusan jirin cadaadis ama xadgudub.

Guurka qasabka ah waa ka sharci daro UK. Waa qaab xadgudub qoyska ah iyo xadgudub dhab ah oo ka dhan ah xaquuqaha aadanaha.

Waa maxay ogolaanshaha?

Si guurka loo ogolaado, waa inay si xor ah u galaan labada qofood guurka. Waa inaad dareentaa inaad iqtiyaar leedahay.

Sharci ahaan, dadka qabo curyaannimada qaar ee waxbarashada ama xaaladaha caafimaadka maskaxda daran uma suurtogaleyso inay ogolaadaan guurka, xittaa haddii ay dareemaan in guurka yahay waxa ay rabaan.

Waa maxay guurka la diyaariyay?

Marka laga hadlaayo guurka dadka qaangaarka ah, guur la diyaariyay lama mid ahan quur qasab ah. Guurka la diyaariyay, qoysaska ayaa hogaamiyo doorka ay ku dooranayaan lamaanaha guurka, laakin labada shaqsiba xor ayay u yihiin inay doortaan haddii ay rabaan inay galaan guurka.

Marka ay timaado guurka carruurta (ilaa 18 jirka ah), ma jiro wax farqi ah oo u dhexeeya guurka la diyaariyay iyo guurka qasabka ah. In la sameeyo wax kasta oo keenaya in gunugu guursado waa guur qasab ah - waana dembi.

Haddii aad ogolaatid inaad guursatid, laakin ugu dambeyntii aad bedeshid maankaaga – weli aad dareentid in lagaaga rabo inaad ku sii socotid guurka – kaasi sidoo kale waa guur qasab ah.

Maxaan sameyn karaa?

Haddii aad ku jirtid halis dhow ka soo wac booliska 999.

Haddii adiga ama qof aad garaneysid lagu qasbay guur midkood UK ama dibada, waxaad la soo xiriiri kartaa Qeybta Guurka Qasabka ah.

Waa maxay Qeybta Guurka Qasabka ah?

Qeybta Guurka Qasabka ah ayaa siiso taageero iyo tallo dhibanayaasha, kuwa halista ku jiro iyo xirfadlayaasha.

Qeybta Guurka Qasabka ah ayaa bixin karo tallo iyo caawinta labadaba ka hor iyo kadib markii aad u soo sheegtid booliska, iyo sidoo kale haddii aad dooratid inaadan soo wargelin gabi ahaanba.

Taageerada ay bixiyaan waxay u dhaxeysaa bixinta warbixin iyo hagid illaa ku caawinta dhibanayaasha Ingiriiska ah ee dibada ku nool inay ku soo laabtaan UK.

Shaqaalaha dacwada waxay leeyihiin waaya aragnimada lagula macaamilayo arimaha dhaqanka, bulshada iyo dareenka ee ku haraareysan guurka qasabka ah.

Qeybta Guurka Qasabka ah ayaa siin karo tallo iyo taageero qof walba ee ku nool UK, iyada oo aan laga eegin muwaadinnimada. Dibadaha, Safaraadaheena Ingiriiska, Wakiilka Sare iyo Qunsulada ayaa siin karo caawinta la talinta ee muwaadaniinta Ingiriiska ah (oo ay ku jiraan muwaadaniinta labada dhalasho), iyo xaaladaha qaarkood ee muwaadaniinta Barwaaqo sooranka.

Soo wac:

  • (+44) (0) 207 008 0151 Isniinta illaa Jimcaha 9am to 5pm
  • (+44) (0) 207 008 1500 Xarunta Jawaabta Caalamka (saacadaha aan shaqada jirin)
  • I-meelka: fmu@fco.gov.uk

Kaligaa ma tihid

Caadi ma ahan in la dareemo go’doomid haddii adiga ama qof aad taqaanid lagu cadaadinayo guur. Laakin kaligaa ma tihid. Sannad walba, dhowr boqol oo dacwadood ayaa nalagu soo wargeliyaa, ee dumarka iyo ragga da’ walba ah, qowmiyado iyo diimaha, oo ay ku jiraan xubnaha bulshada LGBTQ+. Weli, dad badan ma soo sheegaan waxa ku dhacaya iyaga, ama waxa laga yaabo inay u maleeyaan inay ku dhacayaan qof ay garanayaan.

Sheekooyinka nolosha dhabta ah waxay muujinayaan in guurka qasabka ah uu ku dhici karo qof walba, iyada oo aan laga eegin da’da, sinjiga, diinta ama qowmiyada – iyo soo wargelinta ay badbaadin karto nolol. (Magacyada la sheegay ma ahan magacyadooda runta ah.)

Sheekada Aisha

“Waxaan jiray 15 sanno oo waxaan dhammeen rabay GCSE geyga markii aan ogaaday in aabo uu qorsheynayay inuu dibada ii diro si aan u guursado ina adeerkeyga iga weyn. Aabo wuu xanaaqsanaa marwalba iyo mararka qaar wuu na garaacaa aniga iyo hooyadeey. Hooyo maysan rabin inaan ku guursado da’daas yar, laakin iyadana sidoo kale way ka cabsaneysay inay maya ku dhahdo isaga. Waxaan u maleeyay in aabo laga yaabo inuu igu qiyaano inaan wadanka ka baxo oo kadib iga damiyo taleefonkeyga si markaas aanan qofna u weydiin caawin.”

Aisha waxay u sheegtay macalinka dugsigeeda, oo ugu yeeray Qeybta Guurka Qasabka ah. Qeybta Guurka Qasabka ah waxay la shaqeeyaan daryeelka bulshada carruurta si ay u helaan Amarka Illaalada Guurka Qasabka ah, taas oo loo dhigay aabaha Aisha. Amarka wuxuu ka celiyay guurka qasabka ah inuu dhaco maadaama aabaha Aisha aysan u suurtogelin inuu ka bixiyo Aisha wadanka oo uguma codsan karin baasaboor matalaadeeda. Aisha way ka cabsaneysay inay guriga joogto marka waxaan siinay meeleynta korinta badqab ah si ku meelgaar ah. Hooyada Aisha ayaa la shaqeysay daryeelka bulshada carruurta oo waa lagu taageeray ka tagida aabaha Aisha. Aisha hadeer waxay la nooshahay hooyadeed iyo walaalaha yaryar oo way u suurtogashay inay dhameysato GCSE geeda.

Sheekada Syed

“Waxaan ahaa 25 sanno jir markii waalidkeyga ay i geeyeen Bakistaan oo nikaax qoyska ah. Markii aan halkaas tagay waxaan ogaaday inuu aniga ahaa qofka guursanayay. Ma rabin laakin hooyadey ayaa qabto dhibaatooyin badan oo caafimaad iyo qof walba wuxuu dhahay xanuun ayaan u keenayaa diidmada aan diidayay. Maalmo kadib oo aan dhahayay maya ugu dambeyntii waan ogolaaday oo aqbalay rabitaanka qoyskeyga. Markii aan ku soo laabtay UK, waxaan isku dayay kaliya inaan iska illoobo oo nolosheyda sii wato. Kadib qoyska xaaskeyga ayaa bilaabay inay i cadaadiyaan inaan u dalbo fiiso iyada ay ku timaado UK. Way isoo wacayaan oo way ii hanjabayaan.”

Syed wuxuu soo wacay Qeybta Guurka Qasabka ah ee fursada ugu horeysay iyo Qeybta Guurka Qasabka ah ayaa u suurtogashay inay u sharaxaan sida ay u caawin karaan maadaama uu ahaa kafaalo qaadaha diidan.

Sheekada Khadija

“Wax badan ayaan dhibaato kala kulmi jiray guriga, oo xirashada is qurxinta ama rabitaanka inaan banaanka la soo seexdo habeenkii saaxibadeyda. Hooyadey maysan jecleesan oo waxaan ka doodnay wax badan. Markii aan ahaa 19 sanno jir, waxay ii sheegtay waxaan aadeynaa fasax aan ku soo booqano ayeydey ee Soomaaliya. Markii aan meeshaas tagnay, hooyadey waxay i geysay iskool boodhin ah oo waxay ii sheegtay waa inaan halkaas joogaa illaa aan ka barto inaan noqdo gabar Soomaali wanaagsan. Waxay iga qaaday baasaboorkeyga oo halkaas ayay iigaga tagtay. Iskoolka dhabtii aad ayuu u xummaa. Way na garaaci jireen oo waxay ii sheegeen haddii aan rabo inaan ka tago waa inaan guursadaa mid ka mid ah illaalada.”

Khadija waxay qarisay taleefon sir ah. Waxay u sheegtay saaxibkeeda ninka ah waxa dhacay oo wuxuu wacay Qeybta Guurka Qasabka ah. Qeybta Guurka Qasabka ah waxay la shaqeeyeen booliska UK si ay u helaan Amarka Illaalada Guurka Qasabka ah, kaas oo u tilmaamay hooyada Khadija inay soo celiso baasaboorka Khadija, u ogolaato inay ka soo tagto iskoolka oo ay dib ugu soo goosato tikidkeeda diyaarada ee UK. Qeybta Guurka Qasabka ah ayaa ku caawiyay Khadija inay hesho hoy badqab oo muddo gaaban markii ay dib ugu soo laabatay UK. Waxay hadeer ku nooshahay magangalyo oo ay ka heshaa taageerada xirfadlayaasha taqasuska si ay dib ugu dhisaan nolosheeda oo ka madax banaan qoyskeeda.

(Safaarada Ingiriiska ee Mogadishu ma bixiso adeegyada la talinta. Haddii aad joogtid Soomaaliya ama Somaliland waxaad la xiriiri kartaa Wakiilka Sare Ingiriiska Nairobi.)

Sheekada Mandeep

“Xaley waxaan maqlay waalidkeyga oo ka hadlayo safarkeena Hindiya kuleelahaan iyo qorshahooda oo ah in walaalkeyga Mandeep uu guursado inagoo oo halkaas joogno. Hooyadey ayaa tiri way ka sii waayeeloobayaan inay isaga daryeelaan marka waxaan u maleynayaa inay u wanaagsantahay isaga inuu xaas yeesho si ay u daryeesho. Mandeep wuxuu la dhibaatoodaa curyaannimada waxbarashada daran oo wuxuu ku tiirsanyahay hooyo iyo aabo oo xittaa howlaha ugu muhiimsan. Dhabtii ilama ahan inuu wax ka fahamsanyahay inuu guursanayo.”

Walaasha Mandeep ayaa la soo xiriirtay Qeybta Guurka Qasabka ah si ay u tilmaanto walaacyadeeda ee ku saabsan xaalada walaalkeeda iyo awoodiisa ku fahmayo waxa aheyd inay ku dhacaan. Qeybta Guurka Qasabka ah ayaa u gudbiyay kooxda daryeelka bulshada dadka weyn ee deegaanka oo u sharaxayo xaalada oo weydiiyay haddii Qiimeynta Awooda Maskaxeed ee Mandeep la dhameystiri karo, oo hubineyso isha warbixinta qarsoodiga ah. Mandeep wuxuu horaan uga heleyay taageero kooxda curyaannimada maqalka, laakin maysan ogeyn guurka soo socdo. Inta lagu jiray qiimeynta, waxay ogaadeen in uusan laheyn awooda lagu ogolaado galmo iyo guur. Inta ay socotay tallada Qeybta Guurka Qasabka ah, qorshaha illaalada ayaa la diyaariyay, oo ay ku jiraan Amarka Illaalada Guurka Qasabka ah. Kooxda waxbarashada curyaannimada ayaa kadib la shaqeeyay qoyska si ay ugu sharaxaan halista guurka ee Mandeep oo sahmiyay iqtiyaaro kale oo baahiyadiisa muddada dheer.

Sheekada Malcolm

“Waxaan ahay Susan. Malcolm waa aabaheyga. Waa 75 sanno jir iyo in ka badan 5 tii sanno ee la soo dhaafay aad ayuu ula xanuunsaday cudurka Damiirka iyo waalidiisa way darantahay. Ma xasuusan karo xittaa waxyaabaha ugu muhiimsan sida meesha uu ku noolyahay ama sida loo sameeyo qurac. Kuleelaha la soo dhaafay waxaa ii sheegay dariskiisa Pamela inay u diyaarisay dalxiis iyaga iyo way is jacelyihiin oo waxay qorsheynayaan inay guursadaan markii ay soo laabtaan. Ma aamini karin. Markii aan weydiiyay aabo wax ku saabsan xaalada ma xasuusan karin isaga oo dhahayo haa safarka laakin u maleeyay dalxiiska inay fiicantahay. Markii aan sheegay guur, uma muuqan inuu fahamsanyahay.”

Susan maysan hubin in midaan loo qeexayo sida guur qasab ah marka waxay wacday Qeybta Guurka Qasabka ah si ay u weydiiso. Waxay u sharaxeen in haddii Malcolm uusan laheyn awooda lagu ogolaado guurka, waxay ku ahaaneysaa isaga xadgudub dambi inuu guuriyo. Qiimeynta awooda ayaa la sameeyay isla markiiba daryeelka bulshada qofka weyn. Waxaa la go’aansaday in Malcolm uusan laheyn awooda lagu ogolaanayo guurka iyo go’aanka waxaa loo sameeyay booliska si ay tallaabo u qaadaan si looga hortago inay midaan dhacdo.

Su’aalaha inta badan la isweydiiyo

Maxaa dhaco markii aan soo waco Qeybta Guurka Qasabka ah?

Waxaad la hadleysaa shaqaalaha dacwada waaya arag ah oo ku dhageysanayo oo kuna siinayo taageero iyo warbixin ku xiran xaaladahaaga gaarka ah. Waxay ku siinayaan warbixin ku saabsan xaquuqahaaga iyo adeegyada laguu heli karo. Lama soo xiriireyno qoyskaaga.

Miyay wacitaanada Qeybta Guurka Qasabka ah qarsoodi ahaanayaan?

Waxaad ahaan kartaa qarsoodi haddii aad rabtid laakin tani waxay xadeyn kartaa cadadka taageerada Qeybta Guurka Qasabka ah u suurtogaleyso inay bixiso, marka waxay badanaa weydiinayaan sharaxaadaha sida da’daada, goobta, iyo dhalashada. Warbixin walba ee aad nala wadaagtay waxaa loola dhaqmayaa qarsoodi, illaa aad ka hooseysid 18 ama ay jiraan halis dhow oo waxyeelo ah.

Ma damaanad qaadi kartaa badqabka?

Iyada oo aan damaanad qaadi karin badqabkaaga, waxaan kugu xiri karnaa wakaaladaha oo kugu caawinayo inay ku illaaliyaan. Waa inaad marwalba ka soo wacdaa booliska 999 haddii aad ku jirtid halis dhow.

Maxaan sameeyaa haddii aan go’aansado inaan guriga ka tago?

Hoyga badbqabka ah ee magangalyada ayaa loo heli karaa dhibanayaasha guurka qasabka ah iyo adeegyada gaarka ah ee jiro dadka ka socdo qowmiyadaha kala duwan. Magangalyada wax badan ayay ka badqabsantahay meel la seexdo. Shaqaalaha taqasuska ayaa ku siinayo dhisida baloogyada aad ugu baahantahay inaad ku bilowdid nolol cusub.

Maxaa dhaco haddii aan dibada jiro oo aan maareeyo inaan ka baxsado, laakin aanan haysan lacag igu fillan ee aan wadanka ugu duulo?

Haddii ay gabi ahaanba suurtogal tahay, isku day inaad qaadatid qaar ka mid ah lacagaha deegaanka, taleefon mobeel ah oo leh kaarka caalamiga ah iyo koobiga baasaboorkaaga (iyo haddii aad leedahay dokumintiga daganaanshaha ama socdaalka wadan kale, qaado kuwaan sidoo kale). Laakin waan kugu caawin karnaa badelida dokumitiga safarka UK haddii ay muhiim tahay. Hubi inaad u haysid sheeyadaan si badqab iyo qarsoodi ah.

Waan ku siin karnaa tallo oo aan kugu caawin karnaa sahminta dhoor iqtiyaaro ee la xiriiro ku soo laabashadaada UK. Amarka Illaalada Guurka Qasabka ah ayaa sidoo kale loo isticmaali karaa xaaladaha qaarkood si ay uga caawiso daboolida qarashaadka dib u celinta.

Intee ayay qaadaneysaa ka hor inta aan ku soo laaban UK iyo halkee ayaan joogayaa inta ay diyaarinada socoto?

Waan isku dayeynaa inaan sameyno diyaarinada aad ugu soo laabaneysid sida ugu dhaqsiha badan ee suurtogalka ah. Si kastaba, haddii ay tahay inaad joogtid dibada oo baaxada waqti kasta, waan isku dayeynaa inaan kaa caawino helida meel badqab oo kugu haboon ee aad joogtid.

Haddii aan jiro dibada, maxaa dhacayo haddii aanan haysan baasaboorkeyga?

Haddii lagu siiyay dhalashada Ingiriiska, waan kuu sameyn karnaa Dokumintiga Safarka Degdega ah, markii aan ku qanacno aqoonsigaaga. Haddii aadan aheyn muwaadin Ingiriis ah Qeybta Guurka Qasabka ah waxay kugula talinayaan inaad sidoo kale la xiriirtid Safaarada kugu dhow ee wadanka ee dhalashadiisa aad haysatid si aad caawin uga raadisid helida dokumintiga safarka degdega ah.

Waxaan ku guursaday dibada, guurkeyga ansax ma ka yahay UK?

Haddii guurkaaga looga arko mid saxan sharci ahaan wadanka meesha uu ka dhacay, xaalado badan wuxuu ka noqonayaa mid saxan UK. Waa inaad la hadashaa qareen, iyada oo aan laga eegin haddii aad sameysay guur diimeed ama rayidka. Furiinka diimeedka si sharci ah uguma shaqeynayo UK.

Miyaad weli i caawin kartaan haddii aan ka yarahay 16?

Haa waan ku caawin karnaa. Fadlan soo wac qadka caawinta si aad uga hadashid afkaarahaaga.

Haddii aanan aheyn muwaadin Ingiriis ah miyaad weli i caawin kartaa?

Qeybta Guurka Qasabka ah ayaa siin karo taageero iyo caawinta qof walba ee ku nool UK oo halis ugu jiro guurka qasabka ah laakin waxaan bixin karnaa kaliya caawinta la talinta ee muwaadaniinta Ingiriiska ah ee dibada joogo (oo ay ku jiraan muwaadaniinta labada dhalasho).

Miyaan heli karaa illaalada sharciga ah ee looga hortago guurka?

Haa. Guurka qasabka ah wuxuu ka yahay xadgudub dambi ah UK. Haddii laguugu qasbay inaad guursatid waxaad ka raadin kartaa illaalada sharciga ah dhinaca maxkamadaha rayidka iyo/ama nidaamka cadaalada deegaanka.

Markii aad tixgelineysid sida loo illaaliyo nafsadaada waxaad dooran kartaa haddii aad qaadeysid wadada rayidka si aad u raadisid Amarka Illaalada Guurka Qasabka ah, ama aad aadid booliska oo aad dabagashid xukunka dhinaca maxkamada dambiga, ama labadaba. Sidoo kale waad dooran kartaa inaad sameysid midkood waxyaabahaan. Qeybta Guurka Qasabka ah ayaa kugu caawin karo sahminta dhammaan dooqyada.

Amarada Illaalada Guurka Qasabka ah ayaa loo isticmaali karaa si looga illaaliyo qof in lagu qasbo guurka ama looga illaaliyo qof haddii guurka qasabka ah uu horaan u dhacay. Qofka waa la xiri karaa haddii ay jabiyaan amar. Wixii warbixin dheeraad ah ee ku saabsan amaradaan waxaad soo wici kartaa Qeybta Guurka Qasabka ah ama booqo https://www.gov.uk/government/publications/forced-marriage-protection-orders-fl701

Caawin iyo taageero

  • Booliska xaalada degdega - 999
  • Booliska aan xaalada degdega aheyn - 101
  • Shabakada Ashiana (London) – magangalyada taqasuska, tallada, taageerada iyo adeegyada la talinta ee loogu tallogalay qowmiyada dumarka madowga iyo dadka laga tiro badanyahay iyo gabdhaha da’da 14+ - 0208 539 0427
  • Qadka carruurta - 0800 1111
  • Imkaan – Ururka dumarka madowga ee sheegayo rabashada ku aadan dumarka iyo gabdhaha Madowga iyo laga tiro badanyahay - 020 7842 8525
  • IKWRO – Ururka Xaquuqaha Dumarka (East London) – ayaa ka caawiyo dumarka iyo gabdhaha Bariga Dhexe iyo Afghan ee ku nool UK - 0207 920 6460
  • Forward (North London) – Ururka ay hogaamiyaan dumarka Afrikaanka ah ee ka shaqeynayo inay soo afjaraan rabshada ku aadan dumarka iyo gabdhaha - 0208 960 4000
  • Samafalka Xoriyada - 0845 607 0133
  • Karma Nirvana waxay ‘bixisaa’-qadka caawinta xadgudubka ku saleysan/guurka qasabka ah - 0800 5999 247
  • Mashruuca Dumarka Madowga ee London - 0208 472 0528
  • Qadka Tallada Ragga - 0808 801 0327
  • Qadka caawinta Xadgudubka Qoyska Qaranka - 0808 2000 247
  • Jawaabta – loogu tallogalay dhibanayaasha qabo curyaannimada waxbarashada - 0207 383 0700
  • Samaritans - 116123
  • Gargaarka Dumarka Shakti (Edinburgh) - 0131 475 2399
  • Sharan Project – samafalka siinayo taageero iyo tallo dumarka nugul, gaar ahaan asalka Aashiyaanta Koonfureed, oo ku jiray ama ku jiro halista dafirka sabab la xiriirto xadgudubka ama dilka - 0844 504 3231
  • Shelter – tallada guriyeynta - 0808 800 4444
  • Southall Black Sisters – dhammaan ururka Aashiyaanka ee bixinayo tallo, la talin iyo taageero kale - 0208 571 9595
  • Stonewall Housing – tallada guriyeynta LGBT - 0207 359 5767
  • Switchboard LGBT+ qadka caawinta - 0300 330 0630
  • Guriyeynta iyo Taageerada Throughcare (Birmingham) - 0121 554 3920
  • Sharaf Dhab ah - 07480 621711