Tilmaam

Luminta maqalka

La cusboonaysiiyay 4 August 2022

Baaritaanka luminta maqalka ayaa waxaa soo jeediyey NHS.

Luminta maqalka

1. Ujeedada baaritaanka

Si loo ogaado ilmaha qaba lumitaan maqal si caawinaad iyo talo loo siiyo bilowga horeba.

2. Ku saabsan xaaladan

Hal illaa 2 ilmo ee 1,000 kasta ah ayaa ku dhasha iyagoon lahayn maqal joogto ah hal dhag ama labadaba. Inta badan ilmahani waxay ka dhashaan qoysas aan lahayn wax taariikh dhagaalnimo ah.

Lumid maqal joogto waxay si aad ah u saamayn kartaa horumarka ilmaha. Hore u ogaanshuhu wuxuu siin karaa ilmahan fursad fiican ee lagu horumarinayo xirfadihiisa hadal iyo luuqadeed. Waxay ka caawinaysaa ilmaha xiriirka kala dhexeeya qoyskooda iyo daryeelayaashooda da’da bilowga ahba.

3. Tijaabada baaritaanka

Tijaabada baaritaanka maqalka ayaa lagugu siin doonaa isbitaalka ka hor inta aan lagaa saarin, ama markaad guriga joogtid, ama waxaa lagugu martiqaadi doonaa inaad tagto rug caafimaad. Meelaha qaarkood, baaritaanka waxaa sameyn doona booqdaha caafimaadka toddobaadyada ugu horeeya. Caadi ahaan, baaritaanka waa in la sameeyaa 4 illaa 5 asbuuc, laakiin waxaa la samayn karaa illaa da’ada 3 bilood.

Baaritaanka la yiraahdo AOAE (automated otoacoustic emission) ayaa qaata daqiiqado yar. Qalab dhageed yar oo jilicsan oo dhuuban ayaa lagu dhejinayaa dhegta ilmahaaga oo dhawaaqyo jilicsan ayaa loo shidayaa. Markii dhegtu hesho dhawaaqa, qaybta hoose (lagu magacaabo cochlea) ayaa jawaabta iyadoo tan lag arki karo qalabka baaritaanka.

Ma ahan mar kasta macquul in laga helo jawaabo si fiican loo maqlo waqtiga baaritaanka. Tani macnaheedu ma ahan in ilmahaagu qabo lumitaan maqal. Waxaa macnaheedu noqon karaa:

  • cunugaagu wuxuu ahaa mid aan deganayn markii baaritaanka la sameynaayey
  • waxaa jirey dhawaq xaga danbe ah
  • Ilmahaagu wuxuu dheecaan ama xirmo ku-meel-gaar ah ka leeyahay dhegaha - tani waa mid caadi ah oo laga gudbo waqti ka dib.
  • cunugaaga waxaa uu lumiyey maqalka

Xaaladahan ilmahaaga waxaa la siinayaa baaritaan kale. Tani waxay la mid ahaan kartaa isla baaritaankii koowaad, ama nooc kale oo lagu magacaabo baaritaanka AABR (ka jawaabidda qayb-maskaxeedka maqalka otomaatiik ahaan - automated auditory brainstem response). Tani waxay ku lug leedahay 3 dareemayaal yaryar oo lagu dhejinaayo madaxa iyo qoorta ilmahaaga. Wax-lagu-dhagaystayaal (headphones) khafiif ah ayaa dhegta loo saarayaa ilmaha iyadoo dhawaaq khafiif ahna la yeerinayo. Baaritaankani wuxuu qaadanayaa inta u dhaxaysa shan iyo shan iyo toban daqiiqo.

4. Nabadgeliyada baaritaanka

Ma jiraan khataro la socda samaynta baaritaannadan.

5. Baaritaanka waa ikhtiyaarkaaga

Baaritaankan eegidda waxaa lagula talinayaa ilmahaaga. In la ogaado lumitaan maqal goor horeba aad ayay muhiim ugu tahay horumarka ilmahaaga.

6. Diiditaanka baaritaanka

Haddii aad go’aansato inaadan sameysanin baaritaanka maqalka ee ilmaha markaa dhashay, waxaa lagu siin doonaa liiska hubinta si uu kaaga caawiyo baaritaanka maqalka ilmahaaga inta sii weynaanaayaan. Haddii aad qabto wax welwel ah waa inaad la hadashaa booqdahaaga caafimaad ama dhakhtarkaaga guud.

7. Natiijooyinka soo bixi kara

Haddii ilmahaagu leeyahay jawaab cad ee labada dhegoodba markaa way yar tahay inuu qaado lumitaan maqal. Hase yeeshee, baaritaanka maqalka ilmaha-dhashay ma soo qabanayo dhammaan noocyada lumitaanka maqal iyadoo carruurtu ay yeelan karaan lumitaan maqal markii ay waynaadaan. Waa muhiim in la eego lumitaanka maqal ee ilmahaaga marka ay sii koraanba. Liiska-eegitaanka ee diiwaanka caafimaadka ilmahaaga qof ahaaneed (personal child health record (‘buugga cas - red book’) wuxuu kuu sheegayaa sida tan loo sameeyo. Haddii aad wax walaac ah ka qabto maqalka ilmahaaga u sheeg booqdahaaga caafimaad ama dhakhtarka qoyska.

Haddii maxsuullada baaritaanka eegidda aysan tusaynin jawaab sax ah ee mid ama labada dhegood ee ilmaha ballan ayaa laga samaynayaa qaybta maqalka -audiology si loola kulmo dhakhtar ku takhasusay maqalka.

Qiyaastii 2 ilaa 3 ilmo 100kiiba ma muujiyaan jawaab cad oo ku saabsan tijaabada baaritaanka. U diridda baaritaan dheeraad ah ma ahan macnaheedu in ilmahaagu qabo lumitaan maqal.

Dhakhtarka takhasuslaha ku ah maqalka waa inuu kugula kulmaa 4 toddobaad gudahood marka la sameeyo tijaabada baaritaanka maqalka ilmahaaga. Aad ayay muhiim u tahay inaad tagto ballanta haddii ilmahaagu uu qabo lumitaan maqal.

8. Helitaanka natiijooyinkeyga

Waxaa lagu siin doonaa maxsuullada ilmahaaga markiiba marka la sameeyo baaritaanka maqalka.

9. Ku saabsan buug-yerahan

Caafimaadka Dadwaynaha ee England (PHE) wuxuu sameeyay buug-yarahaan isagoo ka wakiil ah NHS.