Tilmaam

Baaritaanada indhaha, wadnaha, miskaha iyo xaniinyaha (baaritaanka jirka)

La cusboonaysiiyay 4 August 2022

Baaritaanka shaybaadhka ilmaha markaa dhashay ayaa waxaa soo jeediyey NHS.

Baaritaanada indhaha, wadnaha, miskaha iyo xaniinyaha (baaritaanka jirka)

1. Ujeedada baaritaanka

Mudo 72 saacadood gudahood ah markaad dhasho ah, waxaa la marin doonaa baaritaanka jirka oo dhan ilmahaaga. Tani waxaa ku jiri doona 4 baaritaan oo gaar ah si loo ogaado in ilmahaagu uu qabo dhibaato la tuhunsan yahay oo dhanka indhaha ah, wadnaha, miskaha, ama wiilasha, xaniinyahooda kuwaas oo ka faa’iideysan doona baaritaanno hore iyo daaweynta suurtogalka ah.

Tijaabooyinka baaritaanka waxaa mar kale la sameeyaa inta u dhexeysa da’ada 6 illaa 8 toddobaadyo maadaama xaaladaha qaarkood aysan soo shaac baxaynin ama aysan soo muuqaneynin illaa xilligaas.

2. Ku saabsan xaaladahan

Qayb kasta oo ka mid ah baaritaannada jidheedsmi waxaa la eegayaa xaalado kala duwan.

Indhaha

Qiyaastii 2 ama 3 ee 10,000-kiiba ilmood ayaa dhibaato ka qaba indhahooda kuwaas oo u baahan daaweyn. Baaritaanka wuxuu hubinayaa muuqaalka iyo dhaqdhaqaaqa indhaha. Sababta ugu muhiimsan ee baaritaanka waa in la ogaado xaalad la yiraahdo (cataracts) (muraayada indhaha oo wax dulsaarma). Baaritaanku ma sheegi karo sida uu ilmahaagu si fiican wax ugu arki karo.

Wadnaha

Waxaa jira baaritaan guud oo wadnaha ilmahaaga ah oo marmarka qaarkood waxaa laga maqli karaa wadna garaac. Murmur waa dhawaaq uu sameeyo dhiigu marka uu marayo wadnaha. Inta badan kiisaska markii murmur la maqlo, wadnuhu waa caadi. Murmurs waa u caadi ilmaha iyadoo tani macnaheedu aysan mar kasta ahayn dhibaato. Hase yeeshee, qiyaastii 1kii ee 200 kasta ilmuhu waxay qabaan dhibaato wadne kaasoo u baahan daawayn.

Miskaha

Carruurtu waxay ku dhalan karaan isku xiryada miskaha oo aan si fiican u sameysmin, haddii aan la daaweyn waxay sababi kartaa dhibaatooyinka laalaabatada. Qiyaastii 1 ama 2 ee 1,000kii ilmo ah waxay qabaan dhibaato laf-dhabar taasoo u baahan daawayn.

Xaniinyaha

Wiilasha yaryar ayaa laga hubiyaa si loo xaqiijiyo in xaniinyahooda ay ku yaalaan meeshii saxda ahayd. Waxay qaadan kartaa dhawr bilood in xiniinyaha hoos ugu dagto qaybta jirta ee waafaqsan - scrotum. Qiyaastii 1 ee 100kii ilmo wiilal ah waxay qabaan dhibaato degid xiniinyaha ah waxayna u baahan yihiin daawayn si loo yareeyo khatarta dhibaato ee nolosha sida dhalmada oo yaraata.

3. Tijaabada baaritaanka

Xirfadlaha caafimaadka ee takhasus leh ayaa sameyn doona baaritaanka jirka ilmahaaga wuxuuna weydiin doonaa su’aalo ku saabsan samaqabka guud ee ilmahaaga.

Ilmahaaga waa in dharka laga siibaa si loo baaro. Waqtiga baaritaanka, xirfadlaha caafimaad wuxuu:

  • fiirin doonaa indhaha ilmahaaga isagoo diirada saaraya sida indhaha ay wax u eegayaan una dhaqaaqayaan.
  • dhageysan doonaa wadnaha isagoo isticmaalaya stethoscope si loo ogaado dhawaaqyada wadnaha
  • fiirin doonaa miskaha si loo hubiyo in laabantada si fiican u shaqeynayaan
  • fiirin doonaa wiilasha si loo hibiyo in xaniinyahooda ay ku yaalaan meeshii saxda ahayd

Baaritaannadan eegidaha waxaa lagu samaynayaa 72 saacadood gudahood ee dhalashada iyo mar kale markii ilmahaagu gaaro da’da u dhaxaysa 6 ilaa 8 usbuuc.

4. Nabadgeliyada baaritaanka

Ma jiraan khataro la socda samaynta baaritaannadan.

5. Baaritaanka waa ikhtiyaarkaaga

Baaritaanka waxaa loogu talogalay aqoonsiga wixii dhibaatooyin ah goor hore si daawayn loo bilaabi karo sida ugu dhaqso badan.

Baaritaanka guud ee qaab jismi ay ku jirto baaritaankan waa sidaas darteed mid lagula talinayo ilmahaaga.

6. Diiditaanka baaritaanka

Waxaad go’aansan kartaa in ilmahaaga la baaro oo laga eego wixii xaalad ama dhammaan xaalado ah. Haddii aad qabto wax walaac ah waxaad kala hadli kartaa umulisadaada iyo xirfadlaha caafimaad ee samaynaya baaritaanka.

7. Natiijooyinka soo bixi kara

Caadiyan wax walaac keena lama helo. Haddii xirfadlaha caafimaad helo dhibaato macquul ah, ilmahaaga waxaa loo gudbinayaa qiimayn dheeraad ah iyo baaritaanno ku haboon.

8. Helitaanka natiijooyinkeyga

Xirfadlaha caafimaad ee samaynaya baaritaanka wuxuu ku siinayaa markiiba maxsuullada. Haddii gudbin qiimayn dheeraad ah loo baahdo, tani waxaa sidoo kale lagala hadlayaa adiga waqtiga baaritaanka.

Maxsuullada waxaa lagu diiwaan gelinayaa qoraallada kiisaska ilmahaaga iyo diiwaanka caafimaadka ilmaha qof ahaaneed (personal child health record (‘buugga cas - red book’). Waa inaad ku xafidaa meel ammaan ah diiwaankaan aadna xaqiijisaa in la helayo mar kasta oo ilmahaaga uu la kulmayo xirfadle caafimaad.

9. Ku saabsan buug-yerahan

Caafimaadka Dadwaynaha ee England (PHE) wuxuu sameeyay buug-yarahaan isagoo ka wakiil ah NHS.