Skip to main content
Tilmaam

Luminta maqalka (Somali)

La cusboonaysiiyay 3 June 2026

Applies to England

Muuqaalkan gaaban wuxuu sharxayaa baaritaanka maqal la’aanta ee dhallaanka cusub.

Luminta maqalka

Baaritaanka luminta maqalka ayaa waxaa soo jeediyey NHS.

Ujeedada baaritaanka

Waxaan bixinaa baaritaankan si aan u helno dhallaanka qaba cillada maqalka si daryeel, taageero iyo talo loo bixiyo bilowgaba.

Ku saabsan xaaladan

Hal illaa 2 ilmo ee 1,000 kasta ah ayaa ku dhasha iyagoon lahayn maqal joogto ah hal dhag ama labadaba. Tiradani way kordhaysaa waxayna gaaraysaa ilaa 1 ka mid ah 100kii ilmo (boqolkiiba 1%) ee ugu yaraan 48 saacadood ku qaatay xarunta daryeelka gaarka ah. Inta badan ilmahani waxay ka dhashaan qoysas aan lahayn wax taariikh dhagaalnimo ah.

Lumid maqal joogto waxay si aad ah u saamayn kartaa horumarka ilmaha. Hore u ogaanshuhu wuxuu siin karaa ilmahan fursad fiican ee lagu horumarinayo xirfadihiisa hadal iyo luuqadeed. Baaritaanka wuxuu gacan ka gaysanayaa xaqiijinta in qoysaska ay helaan taageerada ay u baahan yihiin. Waxay ka caawinaysaa ilmaha xiriirka kala dhexeeya qoyskooda iyo daryeelayaashooda da’da bilowga ahba.

Tijaabada baaritaanka

Baaritaanka maqalka ee ilmaha dhowaan dhashay waxaa ilmahaaga lagu siin doonaa isbitaalka ka hor inta aan laga saarin, ama marka aad guriga tagto. Haddii kale, waxaa lagugu casuumi doonaa inaad ka soo xaadirto ballan aad ku imaanayso rug caafimaad. Sida caadiga ah, baaritaanka waa in la sameeyaa 4ta toddobaad ee ugu horreeya, laakiin waxaa la samayn karaa wakhti kasta ilaa ilmaha uu ka gaaro 3 bilood jir.

Baaritaanka la yiraahdo AOAE (automated otoacoustic emission) ayaa qaata daqiiqado yar. Qalab dhageed yar oo jilicsan oo dhuuban ayaa lagu dhejinayaa dhegta ilmahaaga oo dhawaaqyo jilicsan ayaa loo shidayaa. Markii dhegtu hesho dhawaaqa, qaybta hoose (lagu magacaabo cochlea) ayaa jawaabta iyadoo tan lag arki karo qalabka baaritaanka.

Ma ahan mar kasta macquul in laga helo jawaabo si fiican loo maqlo waqtiga baaritaanka. Tani macnaheedu ma ahan in ilmahaagu qabo lumitaan maqal. Waxaa macnaheedu noqon karaa:

  • cunugaagu wuxuu ahaa mid aan deganayn markii baaritaanka la sameynaayey
  • waxaa jirey dhawaq xaga danbe ah
  • Ilmahaagu wuxuu dheecaan ama xirmo ku-meel-gaar ah ka leeyahay dhegaha - tani waa mid caadi ah oo laga gudbo waqti ka dib.
  • cunugaaga waxaa uu lumiyey maqalka

Xaaladahan ilmahaaga waxaa la siinayaa baaritaan kale. Tani waxay la mid ahaan kartaa isla baaritaankii koowaad, ama nooc kale oo lagu magacaabo baaritaanka AABR (ka jawaabidda qayb-maskaxeedka maqalka otomaatiik ahaan - automated auditory brainstem response).

Baaritaankan wuxuu ku lug leeyahay 3 qalab oo dareemayaal ah oo yaryar oo lagu dhejinayo foodda, dhabarka qoorta iyo garabka ilmahaaga. Sameecadaha-dhegaha oo jilicsan ayaa la dul saarayaa dhegaha ilmahaaga, codad gujin ah oo jilicsan ayaa loo daarayaa. Qalabka baaritaanka ayaa sheegi doona haddii dareemaha maqalka ee ilmahaaga uu ka jawaab celinayo dhawaaqyadaas. Tani waxay naga caawin doontaa inaan ogaano in ilmahaaga uu ka lumay maqalka iyo in kale.

Baaritaankan wuxuu qaadan karaa ilaa 15 daqiiqo. Ilmahaaga wuxuu u baahan yahay inuu xasiloonaado ama uu hurdo.

Badbaadada baaritaanka

Ma jiraan khataro la socda samaynta baaritaannadan.

Baaritaanka waa ikhtiyaarkaaga

Baaritaankan eegidda waxaa lagula talinayaa ilmahaaga. In la ogaado lumitaan maqal goor horeba aad ayay muhiim ugu tahay horumarka ilmahaaga.

Diiditaanka baaritaanka

Haddii aad go’aansato inaadan sameysanin baaritaanka maqalka ee ilmaha markaa dhashay, waxaa lagu siin doonaa liiska hubinta si uu kaaga caawiyo baaritaanka maqalka ilmahaaga inta sii weynaanaayaan. Haddii aad qabto wax welwel ah waa inaad la hadashaa booqdahaaga caafimaad ama dhakhtarkaaga guud.

Natiijooyinka soo bixi kara

Haddii ilmahaagu leeyahay jawaab cad ee labada dhegoodba markaa way yar tahay inuu qaado lumitaan maqal. Hase yeeshee, baaritaanka maqalka ilmaha-dhashay ma soo qabanayo dhammaan noocyada lumitaanka maqal iyadoo carruurtu ay yeelan karaan lumitaan maqal markii ay waynaadaan. Waa muhiim in la eego lumitaanka maqal ee ilmahaaga marka ay sii koraanba. Liiska-eegitaanka ee diiwaanka caafimaadka ilmahaaga qof ahaaneed (personal child health record (‘buugga cas - red book’) wuxuu kuu sheegayaa sida tan loo sameeyo. Haddii aad wax walaac ah ka qabto maqalka ilmahaaga u sheeg booqdahaaga caafimaad ama dhakhtarka qoyska.

Haddii natiijada baaritaanka aysan muujin jawaab celin cad oo ka timaada mid ka mid ah ama labada dhegood ee ilmahaaga, ballanta baaritaanka maqalka ayaa looga qaban doonaa dhakhtar ku takhasusay maqalka.

Ilmahaaga waa in uu arko dhakhtarka ku takhasusay maqalka 4 toddobaad gudahooda ka dib baaritaankaas.

Aad bay muhiim u tahay inaad keento ilmahaaga xilliga ballanta baaritaanka maqalka. Tani waxaa sabab u ah haddii ay qabaan cillad xagga maqalka ah, waxay u baahan karaan baaritaanno kale si loo ogaado sababta ka dambaysa. Baaritaanada waxaa loo baahan yahay in la sameeyo inta lagu jiro dhawrka toddobaad ee ugu horreeya ee dhalashada.

Qiyaastii 2 ilaa 3 ka mid ah 100kii dhallaan (boqolkiiba 2 ilaa 3%) ma muujiyaan jawaab celin cad xilliga baaritaanka maqalka.

Qiyaastii 1 ka mid ah 15kii carruur ah (boqolkiiba 7%) ee lagu baaro rugta caafimaadka maqalka ayaa qaba cillad joogto ah oo xagga maqalka mid ka mid ah ama labada dhegood. Qaar ayaa laga yaabaa inay yeeshaan lumitaan ku meel gaar ah oo maqalka ah.

Helitaanka natiijooyinkeyga

Waxaa lagu siin doonaa maxsuullada ilmahaaga markiiba marka la sameeyo baaritaanka maqalka.