Skip to main content
Tilmaam

Cudurada Unugyada Cas ee Dhiigga (Sickle cell iyo thalassaemia) (Somali)

La cusboonaysiiyay 3 June 2026

Applies to England

Bandhigan gaaban wuxuu sharxayaa baaritaanka unugyada ‘sickle cell’ iyo ‘thalassaemia’ xilliga uurka.

Cudurada Unugyada Cas ee Dhiigga (Sickle cell iyo thalassaemia)

Ujeeddada baaritaanka

Waxaan baarnaa ‘sickle cell’ iyo ‘thalassaemia’ xilliga uurka si aan u ogaano haddii aad siddo hiddo-sidayaasha sababa xaaladahan caafimaad midkood. Tani waxay noo sheegaysaa haddii aad u badan tahay inaad u gudbiso ilmahaaga iyo haddii kale.

Ku saabsan xaaladahan

Cudurka Sickle cell (SCD) iyo thalassaemia waa kuwa aad u daran, cudurro dhiig la kala dhaxlo. Waxay saameeyaan haemoglobin, qayb ka mid ah dhiigga oo u kala qaada ogsijiin qaybaha jirka. Dadka qaba xaaladahan waxay u baahan yihiin daryeel takhasus oo noloshooda oo dhan ah.

Dadka qaba cudurka SCD waxay la kulmi karaan weeraro xanuun aad u daran, waxaa ku dhici kara cudurro aad u daran, oo nolosha khatar ku ah, caadiyana waa anaemic (jirkooda waxaa dhib ku ah hawada ogsijiin u kala gudubkeeda). Ilmaha qaba SCD waxay heli karaan daawayn waqti horeba ah, ay ku jirto tallaalid iyo antibiyootiik, taasoo, ka caawinaysa ka hortagga cudurro aad u dardarn una oggolaanaysa ilmaha inuu ku noolaado nolol caafimaad leh.

Dadka qaba ‘thalassaemia’ waxay noqon karaan kuwo dhiiggu ku yar yahay. Waxa laga yaabaa inay u baahdaan dhiig lagu shubo 3 ilaa 5 usbuuciiba mar, duritaano iyo daawooyin inta ay nool yihiin oo dhan.

Baaritaanka ayaa sidoo kale lagu ogaan karaa xaaladaha caafimaad ee dhiigga ee aan aad caam u ahayn halis aad u darana lahayn.

SCD iyo thalassaemia waa xaalado caafimaad oo la iska dhaxlo. Tani waxaa loola jeedaa waxay u kala gudbaan waalidiinta dhalay ilmaha iyo carruurtooda iyada oo loo marayo hiddo-wadaha hemoglobin-ka aan caadi ahayn. Hidde-sidayaasha waa koodhyada ku jira jirkeena ee u qaabilsan waxyaabaha ay ka midka yihiin midabka indhaha iyo kooxda dhiiga. Hidde-sideyaashu waxay u shaqeeyaan laba-labo. Wax kasta oo aynu dhaxalno, waxaynu hal hidde-side ka helnaa dhanka hooyada midka kalana waxaan ka helnaa dhanka aabbaha.

Dadka waxay qaadaan SCD ama thalassaemia kaliya haddii ay dhaxlaan 2 hiddo-side oo ah hemoglobin-ka aan caadiga ahayn. Hal hidda-side wuxuu ka imaad dhanka hooyadood midka kalana wuxuu ka imaadaa dhanka aabbahood. Dadka dhaxla hal hidde-side oo aan caadiga ahayn waxaa loo yaqaanaa ‘sidayaal’ (dadka qaarkood waxay u yaqaanaan arrintan qabitaanka ‘astaan’). Dadka sidayaasha ah waa kuwo caafimaad qaba mana qabaan xaalado caafimaad. Marka kaliya ee dadka sidayaasha ah ay la kulmi karaan dhibaatooyin caafimaad waa xaalado naadir ah oo laga yaabo in jirkooda uusan helin ogsijiin ku filan. Tusaale ahaan, haddii lagu samaynayo qalliin iyadoo la isticmaalayo suuxdin.

Qof kastaa wuxuu noqon karaa sidaha ‘haemoglobin-ka’ aan caadiga ahayn. Si kastaba ha ahaatee, sidayaasha waxay aad ugu badan yihiin dadka asal ahaan ka soo waad jeeda qoys ee qaybo ka mid ah aduunka. Kuwaas waxaa ka mid ah Afrika, Kariibiyaanka, Mediterranean-ka, Koonfurta iyo Koonfurta Bari ee Aasiya, iyo Bariga Dhexe.

Marka labada waalidba ay yihiin sideyaal, ilmaha wuxuu leeyahay:

  • 1 ka mid ah 4tii fursadood (boqolkiiba 25%) oo ah in uusan qaadin xaaladan caafimaad
  • 1 ka mid ah 4tii fursadood (boqolkiiba 25%) oo ah in ay dhaxlaan labada hiddo-sidayaal ee hemoglobin-ka aan caadiga ahayn iyo in ay yeeshaan xaalada caafimaad
  • 2 ka mid ah 4tii fursadood (boqolkiiba 50%) oo ah in ay dhaxlaan 1 hiddo-side oo hemoglobin-ka aan caadiga ahayn oo ay noqdaan sidayaal

Sawir muujinaya haddii labada waalidba yihiin sideyaal, cunugoodu wuxuu yeelan doonaa 4-tii fursadoodba 1 mar uu ku qaadi karo cudurka haemoglobin, 4-tii fursadoodba 2 inuu noqdo cudur-side, iyo 4-tii fursadoodba 1 mar inaysan saameyn ka soo gaarin

Tijaabada baaritaanka

Baaritaanka xilliga uurka waxaa uu ku lug leeyahay buuxinta Foomka Su’aalaha Asalka Qoyska (FOQ) iyo maritaanka baaritaan dhiig oo fudud. Waxaa fiican in dhiiga lagaa qaado kahor inta uurkaaga uusan gaarin 10 usbuuc.

FOQ waa foom xog-uruurin oo ku saabsan asalka qoyskaaga iyo kuwa asalka qoyska aabbaha dhalay ilmaha. Waxay dib u tixraacaysaa ugu yaraan laba jiil.

FOQ waxaa lagu ogaanayaa in adiga ama aabaha dhalay ilmaha aad asal ahaan ka soo jeedaan wadamada ay ku badan yihiin cudurada SCD iyo thalassaemia.

Dhammaan haweenka uurka leh ee ku nool England waxaa la siiyaa baaritaan dhiig si looga eego cudurka thalassaemia. Si kastaba ha ahaatee, haweenka oo dhan si otomaatig ah looma siiyo baaritaanka dhiigga si looga eego cudurka ‘sickle cell’. Baaritaanka cudurka ‘sickle cell-ka’ ayaa la bixiyaa haddii xogta FOQ-ga ay soo jeediso inay jirto fursad sareysa oo ah in qofka uu yahay sidaha unuyada ‘sickle cell-ka’. Waxaa sidoo kale lagu siin karaa haddii aad ku nooshahay meelaha ay ku badan yihiin xaaladaha caafimaad ee hemoglobin-ka.

Waxaad codsan kartaa in baaritaanka dhiiga lagugu sameeyo xataa haddii xogta FOQ-ga ay soo jeediso inay jirto fursad sareysa oo ah in aad tahay sidaha.

Badbaadada baaritaanka

Baaritaanka idin ma waxyeellayn doono adiga iyo ilmahaaga. Si kastaba ha ahaatee, waxaa muhiim ah in si taxadar leh looga fiirsado in baaritaankan la samaynayo iyo in kale. Baaritaanka ayaa laga yaabaa inuu ku siiyo macluumaad micnihiisu noqon karo inaad gaarto go’aano dheeraad ah oo muhiim ah. Tusaale ahaan, waxaa laga yaabaa in lagu siiyo baaritaanno cillad ogaansho ah oo dheeraad ah. Waxaana ka mid noqon kara muunada ka qaadista mandheerta (CVS) ama dareeraha ku hareeraysan uur-ku-jirka (amniocentesis).

Baaritaanka waa ikhtiyaarkaaga

Qasab ma aha inaad qaadato tijaabada baaritaanka. Qaar dadka ah waxay doonayaan inay ogaadaan haddii ilmahoodu qabo cudurka sickle cell ama thalassaemia halka qaarna aysan doonayn.

Diiditaanka baaritaanka

Haddii aad dooratid inaan lagugu samayn baaritaanka xilliga uurka, ilmahaaga wuxuu mari karaa baaritaanka SCD taasoo qayb ka ah baaritaanada dhiigga ee dhallaanka markaas dhashay. Waxaa la sameeyaa marka uu ilmaha jiro 5 maalmood.

Natiijooyinka soo bixi kara

Baaritaanka ayaa kuu sheegi doona haddii aad qabto xaaladda caafimaad ee hemoglobin-ka. Wuxuu sidoo kale kuu sheegi doonaa haddii aad tahay side iyo haddii kale.

Baaritaannada cillad ogaanshaha (muunad ka qaadista mandheerta ama dareeraha ku hareeraysan uur-ku-jirta)

Baaritaanada cillad ogaanshaha ah waxay bixiyaan jawaabo cad. Waxay baaritaan ku sameeyaan unugyada laga soo qaaday mandheerta ama dareeraha ku hareeraysan uur-ku-jirta.

Haddii aad tahay sidaha xaaladda caafimaad ee dhiigga (hemoglobin), aabbaha dhalay ilmahaaga ayaa lagu samayn doonaa baaritaan dhiig. Haddii aabbaha dhalay ilmahaaga sidoo kale uu yahay side, waxaa lagu siin doonaa baaritaanada cillad ogaanshaha. Baaritaanadan waxaa lagu ogaan doonaa haddii ilmahaaga uu qabo xaaladda caafimaad.

Haddii aabbaha dhalay ilmahaaga aan la heli karin oo aad adigana tahay side, waxaa lagu siin doonaa  baaritaan cillad ogaansho ah.

Qiyaastii 1 ka mid ah 200 oo haween ah kuwaas oo laga qaado baaritaanka cillad ogaanshaha ayaa uurka dhicis ka noqonayaa baaritaanka awgiis. Adiga ayay ku xiran tahay in lagugu samaynayo baaritaanka cillad ogaanshaha iyo in kale.

Waxaa jira laba nooc oo ah baaritaanka cillad ogaanshaha ah: muunad ka qaadista mandheerta (CVS) iyo muunad ka qaadista dareeraha ku hareeraysan uur-ku-jirta.

Muunad ka qaadista mandheerta (CVS)

Waxaa badanaa la sameeyaa laga bilaabo 11 ilaa 14 usbuuc ee uurka laakiin waxaa la samayn karaa goor dambe. Irbad dhuuban ayaa loo isticmaalaa in mandheerta laga qaado muunad yar oo unug ah. Irbada ayaa inta badan waxaa lagu mudaa caloosha haweeneyda. Unugyada mandheerta waxaa laga baari karaa xaaladaha caafimaad ee laga baarayo ilmaha.

Muunad ka qaadista dareeraha ku hareeraysan uur-ku-jirta.

Waxaa badanaa la sameeyaa ka dib 15 usbuuc ee uurka. Cirbad dhuuban ayaa lagu mudaa caloosha hooyada iyadoo u gudbaysa minka si muunad yar looga soo qaado xoogaa dareeraha uu uu ilmuhu ku dhex jiro. Dareeraha wuxuu ka kooban yahay qaar ka mid ah unugyada ilmaha, kuwaas oo laga baari karo xaaladaha caafimaad.

Natiijooyinka soo bixi kara ee baaritaanada ogaanshaha

Haddii natiijada ay muujiso in ilmahaaga uu qabo SCD ama ‘thalassaemia’, waxaa lagu qaban doonaa ballan aad la yeelanayso la-taliyaha hidde-sidaha. Waxay kuu sharxi karaan waxa ay arrintani uga dhigan tahay ilmahaaga iyo waxa ay yihiin xulashooyinkaaga.

Xaaladaha qaar way ka khatarsan yihiin kuwa kale. Dumarka qaarkood waxay go’aansadaan inay sii wadaan uurka. Qaar kale waxay go’aansadaan inay iska joojiyaan uurka wayna iska soo ridaan.

Haddii aad la kulanto doorashadan waxaad heli doontaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xaaladda iyo taageerada xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka si ay kaaga caawiyaan inaad gaarto go’aan. Macluumaadka waxaa sidoo kale laga heli karaa kooxaha taageerada.

Haddii baaritaanku muujiyo inaad cudur-side tahay, waxaa jira fursad ah in xubnaha kale ee qoyskaaguna ay cudur-sideyaal ahaan karaan sidoo kale. Waxaad ku dhiiro-gelin kartaa inay baaritaan sameeyaan, gaar ahaan haddii ay qorshaynayaan inay ilmo qaadaan.

Raadi macluumaad dheeraad ah iyo faahfaahinta kooxaha taageerada on NHS.UK.