Skip to main content
Tilmaam

Cudurada infekshanka (Somali)

La cusboonaysiiyay 3 June 2026

Applies to England

Bandhiggan gaaban wuxuu sharxayaa sababta baaritaanka cudurrada faafa xilliga uurka uu muhiim u yahay.

Cudurada infekshanka

Baaritaanka cudurada infekshanka ayaa waxaa soo jeediyey NHS.

Ujeedada baaritaanka

Waxaan bixinaa baaritaan si aan u ogaano haddii aad qabto cagaarshowga B, HIV (fayraska waxyeelleeta habdhiska difaaca jirka) ama waraabowga. Haweenka la nool HIV, cagaarshowga B iyo/ama waraabowga waxay u baahan yihiin ballamo xilli hore ah oo ay la yeeshaan dhakhaatiir takhasus leh. Sidaas waxaa loo samaynayaa si loo qorsheeyo daryeelkooda uurka.

Haweenka hore u ogaa inay la nool yihiin HIV, inay qabaan cagaarshowga B, ama hore looga daaweeyay cudurka waraabowga ayaa weli lagula talinayaa inay is baaraan uurka kasta. Fadlan u sheeg umulisadaada ama xirfadlaha daryeelka caafimaadkaaga haddii hore lagaaga helay mid ka mid ah caabuqyadan.

Ku saabsan xaaladahan

Cagaarshowga B, HIV iyo cudurka waraabowga waxaa lagu kala qaadaa dhiigga iyo dheecaanada jirka. Waxay noqon kartaa xiriir galmo ama wadaagista irbadaha iyo qalabyada cudurka gaaray ee loo isticmaalo in dawooyinka lagu duro xididada. Fayrasyadan sidoo kale waxay u gudbin karaan ilmaha xilliga uurka iyo/ama dhalashada.

Cagaarshowga B

Cagaarshowga B wuxuu saameeyaa beerka. Wuxuu sababi karaa caafimaad darro ba’an (degdeg ah) iyo mid daba-dheer (muddo dheer jiraya). Dhallaanka qaada cudurka marka ay dhalanayaan ama inta lagu jiro sanadka ugu horeeya ee noolashooda waxay halis ugu jiraan inay 9 ka mid ah 10kii fursadood (boqolkiiba 90%) qaadaan caabuqa cagaarshowga B ee raaga. Tani waxay sababi kartaa cudurro ay ka mid yihiin dhibaatooyinka beerka iyo cudurka kansarka. Khatarta ayaa si weyn hoos ugu dhacaysa ilaa 1 ka mid ah 10kii fursadood (boqolkiiba 10%) haddii ilmaha uu qaato dhammaan tallaallada loogu talagalay.

HIV

HIV waxa uu daciifiyaa habdhiska difaaca jirka, taas oo adkeynaysa in jirka uu iska dhiciyo caabuqyada. Haddii aan la daweyn, wuxuu u gudbi karaa ilmaha inta ay ku jiraan uurka, marka ay dhalanayaan ama xilliga naas nuujinta. Daawaynta xilliga uurka waxay si weyn u yaraynaysaa fursada ah in HIV-ga uu u gudbo ilmaha, halista oo asal ahaan ahayd 1 ka mid ah 4-tii fursadood (boqolkiiba 25%) ayaa hoos ugu dhacaysa in ka yar 4 ka mid ah 1,000-kii fursadood (boqolkiiba 0.4%). Daawaynta ayaa sidoo kale la siin karaa ilmaha marka uu dhalanayo si loo yareeyo fursada ah in ilmaha uu qaado cudurka.

Syphilis (waraabow)

Cudurka waraabowga waa infekshan lagu kala qaado xiriir galmo oo aan difaac laga gelin. Wuxuu u gudbi karaa ilmaha xilliga uurka. Haddii aan la daweyn xilliga uurka, wuxuu sababi karaa dhibaatooyin aad u daran oo xagga caafimaadka iyo korriinka ilmaha ah. Wuxuu sidoo kale sababi karaa dhiciska uurka ama in ilmo mayd ah la dhalo. Daawaynta xilliga uurka waxay yarayn kartaa fursada ah in ilmaha uu qaado cudurka.

Tijaabada baaritaanka

Dhiig ayaa waxaa laga qaadayaa xididkaaga, badanaa cududaada.

Xirfadlaha caafimaad ayaa muunad dhiig ah ka qaadaya garabka haweeneyda

Qadar yar oo dhiigaan ah ayaa lagu kaydinaa shaybaarka. Tani waxaa loo isticmaali karaa baaritaannada haddii aad muujisid inaad qabtid calaamadaha infakshannada kale ama finan inta aad uurka leedahay.

Badbaadada baaritaanka

Ma jiraan wax khataro ah oo la xiriira baaritaanka.

Baaritaanka waa ikhtiyaarkaaga

Baaritaanadan ayaa si adag loogu talinayaa. Waxay ilaalin karaan caafimaadkaaga xilliga uurka waxayna oggolaanayaan in la sameeyo daawayn degdeg ah iyo daryeel. Waxay sidoo kale aad u yareeyaan fursad kasta oo uu caabuqa ugu gudbi lahaa ilmahaaga, lammaanahaaga ama xubnaha kale ee qoyska.

Diiditaanka baaritaanka

Haddii aad go’aansato in aan lagu baarin, waxaa mar kale laguu soo bandhigi doonaa baaritaanka xilli dambe ee uurkaaga, caadiyan usbuuca 20aad ee uurka. Waxaa lagugu dhiirigelin doonaa inaad walaacyadaada ku saabsan baaritaanka kala hadasho xubin ka tirsan kooxda baaritaanka hooyooyinka ama kooxda caafimaadka galmada.

Haddi aad go’aansato inaadan marin iska baarida cudurada faafa, waan diiwaan galin doonaa arrintaas. Tani waxaa sabab u ah in NHS England ay doonayso inay hubiso inta qof ee go’aansaday inaan la baarin. Fahmida arrintan waxay gacan ka geysan doontaa wanaajinta natiijooyinka uurka ee hooyooyinka iyo dhallaanka labadaba.

Natiijooyinka cudur la’aanta

Natiijo taban waxay ka dhigan tahay inaad ahayd qof aan qabin cudurka markii lagaa qaadayay muunada dhiigga. Wali wuu kugu dhici karaa wakhti kasta inta aad uurka leedahay.

La hadal umulisadaada ama GP-gaaga sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagalka ah haddii aad isku aragto astaamo ama haddii aad u maleyneyso inaad u baahan tahay baaritaan ku celis ah.

Adiga iyo lammaanahaaga ayaa la idin baari karaa wakhti kasta waxaadna heli kartaan adeegyada caafimaadka galmada ee degaanka wakhti kasta. Waxaan kugula talineynaa in laguugu celiyo baaritaanka haddii aad:

  • iska bedesho lammaanahaaga galmada
  • lamaanahaaga uu galmo ahaan firfircoon yahay oo uu u galmoodo dadka kale
  • aad qabto lammaane laga helay caabuqa galmada lagu kala qaado (STI)
  • tahay qof lagu duro dawooyinka madadaalada
  • tahay shaqaale galmo.

Natiijada cudur qabista

HIV

Haddii aad la nooshahay HIV, daawayn iyo daryeelka caafimaadka ee takhasuska leh ayaa si weyn u dhimi karaan fursadda ah inuu cudurka u gudbo ilmahaaga. Caadi ahaan waxaa lagula talinayaa inaad iska dhaafto naas nuujinta. Si kastaba ha ahaatee, arrintaas ayaa lagugu taageeri karaa haddii aad qaadanayso daawaynta HIV ee wanaagsan. Waa inaad arrintan kala hadashaa kooxdaada daryeelka caafimaadka.

Cagaarshowga B

Haddii aad la nooshahay cagaarshowga B waxaa muhiim ah kooxaha takhasuska u leh inay hubiyaan caafimaadkaaga ka hor iyo ka dib dhalmada. Lammaanahaaga, caruur kasta oo kale iyo xubnaha qoyskaaga ayaa sidoo kale lagula talinayaa in lagu sameeyo baaritaan iyo tallaalid.

Ilmahaaga wuxuu xiriir la samayn doonaa/taaban doonaa dhiiggaaga marka uu dhalanayo. Sababtaas awgeed, fayraska ayaa u gudbi kara.

Aad ayey muhiim u tahay in ilmuhu qaato dhamaan 6 tallaal Cagaarshowga B waqtiyada saxda ah si loo ilaaliyo caafimaadkooda. Tani waxay yaraynaysaa khatarta ah in ilmahaaga uu ku dhaco cagaarshowga B ee raaga oo asal ahaan ahayd 9 ka mid ah 10-kii fursadood (boqolkiiba 90%) waxayna ka dhigaysaa 1 ka mid ah 10-kii fursadood (10%). Weydiiso dhakhtarkaaga, kalkaaliyaha caafimaadka ama booqdaha caafimaadka haddii mid ka mid ah kuwaani aysan dhicin. Tallaallada waa la bixiyaa:

  • 24 gudahood xiliga dhalitaanka
  • da’ada 4 toddobaad
  • da’ada toddobaadyada 8, 12 and 16 (qeyb ka ah jadwalka caadiga ah ee tallaalada carruurta)

  • da’da 18 bilood jir

Ilmahaaga waxaa sidoo kale laga yaabaa inuu u baahdo baaritaan dhiig iyo ku duritaanka hepatitis B immunoglobin marka la siinayo tallaalkooda ugu horreeya.

Ilmahaaga waxaa sidoo kale laga baari doonaa dhiiga xilliga tallaalkooda u dambeeya. Arrintan waxaa la samayn doonaa inta u dhaxaysa da’da 12 iyo 18 bilood. Waxaa sidaas loo sameeyo si loo hubiyo in caabuqa laga fogaaday.

Waraabowga

Haddii aad qabtid cudurka waraabowga, waxaa loo baahan yahay in laguu gudbiyo kooxda caafimaadka galmada ee takhasuska leh. Daawaynta badanaa waxa lagu bixiyaa koorso antibiyootig qaadasho ah. Daawooyinkan ayaa ah kuwo badbaado u leh ilmahaaga haddii aad qaadato. Kooxda waxay sidoo kale kuu soo bandhigi doontaa inay baarto lammaanahaaga si ay u eegaan inay u baahan yihiin daaweyn.

Haddii aad u baahan tahay in lagaa daaweeyo cudurka waraabowga inta aad uurka leedahay, ilmahaaga waxa uu u baahan doonaa baaritaan iyo baarista dhiigga ka dib dhalmada. Waxaa laga yaabaa inay sidoo kale u baahdaan antibiyootig. Ilmahaaga wuxuu u baahan doonaa ballan dabagal ah markuu gaaro da’ada 3 bilood jir.  Waxaa sidaas loo samaynayaa si loo hubiyo inaysan lahayn astaamaha caabuqa.

Helitaanka natiijooyinkeyga

Haddii natiijadaada ay tahay inaadan cudur qabin, umulisadaada ayaa kaala hadli doonta. Tani waxay dhici doontaa xilliga ama ka hor ballantaada xigta qiyaas ahaan toddobaadka 16aad. Waxaa sidoo kale lagu qori doonaa diiwaankaaga.

Haddii baaritaan lagaaga helo HIV, cagaarshowga B ama cudurka waraabowga, umuliso takhasus u leh ayaa kula soo xiriiri doonta. Waxay kuu qabanqaabin doonaan ballan 5 maalmood gudahooda ka dib marka natiijada la helo. Waxay kaala hadli doonaan natiijada, waxay samayn doonaan baaritaano dheeraad ah waxayna kula qorsheyn doonaan daryeelkaaga.

Raadi macluumaad dheeraad ah iyo faahfaahinta kooxaha taageerada on NHS.UK.