Skip to main content
Tilmaam

Muunada dhiigga (Somali)

La cusboonaysiiyay 3 June 2026

Applies to England

Muuqaalkan gaaban wuxuu sharxayaa baaritaanka dhiigga ee dhallaanka cusub.

Muunada dhiigga

Baaritaanka dhiiga ayaa waxaa soo jeediyey NHS.

Ujeedada baaritaanka

Ujeedada baaritaanka dhibicda dhiigga waa in la ogaado haddii ilmahaaga uu qabo mid ka mid ah dhowr xaaladood oo caafimaad oo naadir ah laakiin halis ah.

Daawayn waqti horeba ah waxay hagaajin kartaa caafimaadka ilmahaaga kana hortagi karaa curyaannimo aad u daran amaba dhimashaba. Haddii adiga, aabaha ilmaha, ama xubin qoyska ka mid ah uu qabo mid ka mid ah xaaladahaan, fadlan u sheeg xirfadlaha caafimaadkaaga isla markiiba.

Ku saabsan xaaladahan

Cudurka Sickle cell

Qiyaastii 1 ee 2,800-kiiba oo carruur ah oo ku dhashay Boqortooyada Ingiriiska (UK) waxay qabaan cudurka sickle cell (SCD). Kuwaasi waa cuduro dhiiga ah oo la kala dhaxlo oo khatar ah Waxay saameeyaan haemoglobin, qayb ka mid ah dhiigga ee u kala qaada ogsijiin qaybaha jirka. Carruurta qaba SCD waxay u baahan doonaan daryeel takhasus gaar ah inta ay nool yihiin.

Dadka qaba SCD waxay la kulmi karaan weeraro xanuun daran ah waxayna qaadi karaan caabuqyo halis ah. Waxay sidoo kale yeelan karaan dhiig-yaraan (marka jirkooda ay ku adkaato qaadista ogsijiinta). Dhallaanka qaba SCD waxay xilli hore heli karaan daaweyn. Waxaana ka mid ah tallaalada iyo antibiyootiga si loo yareeyo jirrooyinka iyo caabuqyada daran.

Cudurka Cystic fibrosis

Qiyaastii 1 ee 2,500 ilmo ku dhashay waddanka UK waxaa ku dhaca cystic fibrosis (CF). Xaaladdan la kala dhaxlo waxay saamaysaa dheefshiidka sambabada. Carruurta qaba CF waxaa laga yaabaa inaan mar dambe si fiican culeys u yeelan oo badanaa ay yeeshaan infekshannada laabta. Ilmaha qaba CF waa la daawayn karaa waqti horeba iyadoo la siinayo cunto leh tamar-saraysa -high-energy, daawooyin iyo ku-daawayn jismiyeed- physiotherapy. Inkastoo carruurta qaba CF ay wali xanuunsan karaan, daaweyn hore ayaa ka caawin karta inay noolaadaan waqti dheer, nolol caafimaad leh.

Cudurka Yeraanshaha Throxinka

Qiyaastii 1 ee 2,000-kiiba oo ilmood oo ku dhashay Boqortooyada Ingiriiska (UK) waxay qabaan cudurka hypothyroidism (CHT). Ilmaha qaba CHT ma haystaan in ku filan oo hoormoonka hormone thyroxine. La’aanta hoormoonka thyroxine ilmuhu uma korayaan si fiican waxaana ku dhici kara dhibaatooyin jismi aad u daran oo joogto ah iyo kala-dhantaalnaan waxbarasho (learning disabilities).

Ilmaha qaba CHT hore ayaa loo daawayn karaa iyadoo la siinayo kiniiniyada thyroxine iyadoo tani u oggolaanayso inay caadiyan u koraan.

cudurada dhaxalka ee kiimikaadka dheef-shiid

Waa muhiim inaad u sheegto xirfadlaha daryeelka caafimaadka haddii qoyskaaga uu leeyahay taariikh/asal ah cillada dheef-shiidka. Dhallaanka waxaa laga baaraa qaar ka mid ah cudurrada dheef-shiidka ee la iska dhaxlo (IMDs).

Waxayna yihiin:

  • phenylketonuria (PKU)
  • medium-chain acyl-CoA dehydrogenase deficiency (MCADD)
  • cudurka kaadida maple syrup (MSUD)
  • isovaleric acidaemia (IVA)
  • glutaric aciduria nooceeda 1 (GA1)
  • homocystinuria (pyridoxine unresponsive) (HCU)
  • ‘Tyrosinemia’ ee dhaxalka ah nooca 1aad (HT1)

Qiyaastii 1 ee 10,000 ilmo ku dhashay waddanka UK waxaa ku dhaca PKU or MCADD. Xaaladahani waa kuwo dhif ah, waxayna ku dhacaan 1 ee 100,000-kiiba carruurta ah ilaa 1 ee 300,000-kiiba ah.

Ilmaha qaba xaaladahan la kala dhaxlo ma dheefshiidi karaan qaabab cuntada ku jira. Daawayn la’aanta ilmaha qaba xaaladahan waxay ku keeni kartaa xanuun degdeg ah oo aad u daran. Calaamadaha xaaladaha waa kala duwan yihiin; qaar waxay ahaan karaan kuwa nolosha khatar ku ah ama keeni karaan samaysanka dhibaatooyin aad u daran.

Waxaa dhammaantood lagu daawayn karaa cunto si taxadar leh loo miisaamay cunideeda, taasoo ku kala duwan xaalad kasta iyadoo lagu dari karo daawooyin dheeraad ah.

Tijaabada baaritaanka

Marka ilmahaagu 5 maalmood jir yahay, xirfadlaha caafimaadku wuxuu ku duri doonaa ciribta ilmahaaga isagoo isticmaalaya qalab gaar ah si uu muunasad ugu qaado dhibco ah dhiiga. Inta badan tani waxay noqon kartaa wax ka badan 5 maalmood. Aaladda dhiiga lagu qaadayo ma laga heli karo iyadoo ilmahaagu uu ooyi karo. Waxaad ku caawin kartaa adigoo xaqiijinaya inay diiranaadaan oo ay caadi yihiin, adigoo haynaya oo quudinaya.

Mararka qaar, baaritaan dhibic dhiig labaad ayaa mar kale loo baahdaa, haddii ay sidaas dhacdana sababta waa la sharaxaa. Haddii ay sidaas tahay, sababtu waa la sharxi doonaa. Macnaheedu ma ahan in wax ka qaldan yihiin ilmahaaga.

Haddii baaritaanka ilmahaaga uu ka bilaabmo gudaha England laakiin muunadda labaad laga qaado waddan kale, waxaa lagu baari doonaa shuruudaha laga bixiyo waddankaas. Kuwaasi waxay ka duwanaan karaan kuwa laga heli karo England.

Badbaadada baaritaanka

Ma jiraan khataro la xiriira maritaanka baaritaankan.

Baaritaanka waa ikhtiyaarkaaga

Baaritaanka dhibicda dhiigga ee dhallaanka dhowaan dhashay ayaa lagula talinayaa ilmahaaga.

Waxaad dooran kartaa in lagu sameeyo baaritaanka dhammaan xaaladaha caafimaad ama xaalado caafimaad oo gaar ah.

Waxaad dooran kartaa in ilmahaaga laga baaro SCD, CF iyo CHT si gaar ah. Haddii aad rabto in ilmahaaga laga baaro IMDs, dhamaantood waa laga baari doonaa. Baaritaanka IMD-yada gooni-goonida ah lama bixin karo.

Haddii aadan rabin in ilmahaaga laga baaro mid ka mid ah xaaladaha caafimaad, ama aad qabto wax walaacyo ah oo ku saabsan baaritaanka, fadlan la hadal umulisadaada.

Baaritaanka hore ayaa ugu wacan maadaama daaweynta la bilaabi karo sida ugu dhakhsaha badan haddii loo baahdo. Laakiin haddii aad dooratid inaadan is baarin, ilmahaagu wuxuu tijaabada lagu sameyn karaa xilli dambe haddii aad bedesho go’aankaaga. Ilmaha waxaa la baari karaa ilaa 12 bilood da’da iyagoo laga baarayo dhammaan xaaladaha marka laga reebo CF (kaliya ilaa 8 usbuuc).

Natiijooyinka soo bixi kara

Natiijooyinka baaritaanka dhibicda dhiigga ee dhallaanka ayaa loo soo gudbinayaa inay yihiin ‘xaalad caafimaad oo aan laga shakinin’ ama ‘xaalad caafimaad oo laga shakisan yahay’.

Natiijooyinka intooda badani waxay muujin doonaan in xaaladaha caafimaad ee la baaray ‘aan ahayn kuwo laga shakisan yahay’.

Qaarkood waxay muujin doonaan in xaaladaha caafimaad ee laga baaray ay ‘yihiin kuwo laga shakisan yahay’. Tani macnaheedu maaha in ilmahaaga uu dhab ahaantii qabo xaaladda caafimaad, laakiin waxay u badan tahay inay qabaan.

Haddii natiijooyinka baaritaanka ay muujiyaan inay jirto xaalad caafimaad oo laga shakisan yahay, xirfadlaha daryeelka caafimaadka ayaa kaala soo xiriiri doona taleefanka ama kuula soo xiriiri doonaa shakhsi ahaan. Waxay kuu sharxi doonaan waxay natiijada idin ka dhigan tahay adiga iyo ilmahaaga waxayna kuu sheegi doonaan haddii ay jiraan wax aad u baahan tahay inaad samayso.

Ilmahaaga waxa loo gudbin doonaa dhakhtar takhasus leh si loogu sameeyo baaritaano dheeraad ah iyo si loo bilaabo daawayn haddii loo baahdo.

Baaritaanka dhibicda dhiigga ee ilmaha dhawaan dhashay ayaa lagu helaa qaar ka mid ah dhallaanka laga yaabo inay yihiin hidde-sideyaasha CF, SCD ama xaalad kale oo unugyada dhiigga cas ah.

Sidayaasha waa kuwo caafimaad qaba mana qabaan xaaladda caafimaad. Marka kaliya ee dadka sidayaasha ah ay la kulmi karaan dhibaatooyin caafimaad waa xaalado naadir ah oo laga yaabo in jirkooda uusan helin ogsijiin ku filan. Tusaale ahaan, haddii lagu samaynayo qalliin iyadoo la isticmaalayo suuxdin.

Haddii ilmahaaga uu yahay hidde-side, xirfadlaha daryeelka caafimaadka ayaa kula soo xiriiri doona ama waxaad warqad ku heli doontaa boostada si laguugu sharxo waxa arrintani ka dhigan tahay. Ilmahaaga wax daawayn ah uma baahan doono laakiin waxa laga yaabaa inuu u baahdo baaritaano kale. Baaritaanka laguma ogaanayo hidde-sidayaasha oo dhan.

Helitaanka natiijooyinkeyga

Haddii mid ka mid ah xaaladaha caafimaad ee laga baaray looga shakiyo, waxaa kula soo xiriiri doona kooxda caafimaadka ee takhasuska u leh. Waxaana laguu sharaxyaa natiijooyinka waxaana ilmahaaga la siinayaa baaritaan dheeraad ah. Qaar ka mid ah baaritaanada dheeraadka ah waxay u baahan yihiin in si degdeg ah loo sameeyo. Waa inaadan iska indhatirin isku dayada ah in kooxda takhasuska leh ay kula soo xiriiraan.

Haddii mid ka mid ah xaaladaha caafimaad ee laga baaray aan laga shakin, waa inaad natiijada ku heshaa warqad ama waa inaad ka heshaa booqdaha caafimaadka 6 toddobaad gudahood.

Maxsuullada waa in lagu diiwaan geliyaa diiwaanka caafimaadka ilmaha qof ahaaneed (personal child health record (‘buugga cas - red book’). Fadlan tan ku xafid meel ammaan ah adigoo soo qaadanaya ballamaha dambe.

Kaarka dhiigga cunuga iyo xogta ka dib baaritaanka

Kadib marka la baaro kaararka dhibicaha dhiigga ayaa la kaydiyaa ugu yaraan 5 sano waxaana loo isticmaali karaa:

  • si aad u hubiso natiijada ama baaritaanada kale ee uu dhakhtarkaaga ku taliyey (haddii natiijada ay saamayn karto caafimaadka ilmahaaga, waa lagula soo xiriiri doonaa)
  • si aad gacan uga geysato hormarinta barnaamijka baaritaanka ama hababka baaritaanka xaaladaha horey loogu ansixiyay baaritaanka gudaha England (haddii natiijada ay saameyn karto caafimaadka ilmahaaga, waa lagula soo xiriiri doonaa)
  • cilmi baaris gacan looga gaysanayo horumarinta caafimaadka dhallaanka iyo qoysaskooda ee gudaha UK (tani laguma aqoonsan doono ilmahaaga, mana lagula soo xiriiri doono)

Intaa waxaa dheer, waxaa jira fursad yar oo ah in cilmi-baarayaasha ay rabaan inay idin ku martiqaadaan adiga ama ilmahaaga inaad ka qaybqaadataan uruurinta macluumaadka la xiriira barnaamijka baaritaanka dhiigga ee dhallaanka cusub. Cilmi-baarayaasha sameynaya daraasado dheeraad ah ayaa idin sharxi doona waxa la qabanayo ka dibna waxaa lagu weydiin doonaa haddii aad rabto inaad ka qaybqaadato daraasaddaas iyo haddii kale. Fadlan u sheeg umulisadaada haddii aadan rabin in lagula soo xiriiro si lagaala hadlo ka qaybqaadashada uruurinta macluumaad dheeraad ah.

Dhammaan isticmaalka kaararka dhibcaha dhiigga waxaa xukuma xeerka dhaqamada caafimaad. Cilmi-baaris kasta waxaa ansixin doona guddi madax-bannaan oo u qaabilsan anshaxa cilmi-baarista ah.