Skip to main content
Tilmaam

Baaritaanada indhaha, wadnaha, miskaha iyo xaniinyaha (baaritaanka jirka) (Somali)

La cusboonaysiiyay 3 June 2026

Applies to England

Fiidiyowgaan gaaban wuxuu sharxayaa baaritaanada indhaha, wadnaha, miskaha iyo xiniinyaha ee dhallaanka dhowaan dhashay.

Baaritaanada indhaha, wadnaha, miskaha iyo xaniinyaha (baaritaanka jirka)

Baaritaanka shaybaadhka ilmaha markaa dhashay ayaa waxaa soo jeediyey NHS.

Ujeedada baaritaanka

Mudo 72 saacadood gudahood ah markaad dhasho ah, waxaa la marin doonaa baaritaanka jirka oo dhan ilmahaaga. Tani waxaa ku jiri doona 4 baaritaan oo gaar ah si loo ogaado in ilmahaagu uu qabo dhibaato la tuhunsan yahay oo dhanka indhaha ah, wadnaha, miskaha, ama wiilasha, xaniinyahooda kuwaas oo ka faa’iideysan doona baaritaanno hore iyo daaweynta suurtogalka ah.

Baaritaanada waxa mar kale la sameeyaa marka ilmahaaga uu gaaro da’ada u dhaxaysa 6 iyo 8 toddobaad jir, waxaana inta badan lagu sameeyaa xarunta GP-gaaga. Tani waxaa sabab u ah in xaaladaha caafimaad qaarkood aan soo baxayn ama aan la aqoonsan karin ilaa wakhtigaas.

Ku saabsan xaaladahan

Qayb kasta oo ka mid ah baaritaannada jidheedsmi waxaa la eegayaa xaalado kala duwan.

Indhaha

Gudaha England, qiyaastii 2 ilaa 3 caruur ah oo ka mid ah 10,000 ayaa waxay ku dhashaan cillada xagga indhaha/aragga ah. Tani waa marka qaybta wax aragga gudaha isha ay daruuro saarmaan. In ka badan 50% kiisaska, labada indhoodba saamayn ayaa soo gaarta.

Sababta ugu weyn ee loo samaynayo baaritaanka waa in la aqoonsado xaaladdan caafimaad. Baaritaanka wuxuu eegayaa muuqaalka indhaha ilmahaaga, laakiin baaritaanka ma sheegi karo sida wanaagsan ee ilmahaaga wax u arki karo.

Wadnaha

Cudurka wadnaha ee lagu dhasho (CHD) waa erey loo isticmaalo xaaladaha wadnaha ee jira xilliga dhalashada. Xaaladahan caafimaad waxay saameeyaan dhismaha, shaqada iyo laxanka garaaca wadnaha.

CHD waa mid ka mid ah xaaladaha caafimaad ee ugu badan ee ay carruurtu ku dhashaan gudaha UK. Qiyaastii 8 ka mid ah 1,000kii carruur ah ayaa yeelan doona xaaladda caafimaad ee wadnaha ama wareegga dhiigga.

Sababta ugu weyn ee baaritaanka waa in la ogaado calaamadaha iyo astaamaha hore ee CHD. Tani waxay u dhaxayn kartaa ganuunaca garaaca wadnaha iyo dhibaato u baahan daryeel ama daaweyn takhasus leh. Waxaa jira baaritaan guud oo wadnaha ilmahaaga ah oo marmarka qaarkood waxaa laga maqli karaa wadna garaac. Murmur waa dhawaaq uu sameeyo dhiigu marka uu marayo wadnaha. Inta badan kiisaska markii murmur la maqlo, wadnuhu waa caadi. Ganuunaca wadnaha waa xaalad caafimaad oo ku badan dhallaanka, laakiin tani mar walba kama dhigna inay dhibaato jirto.

Miskaha

Carruurtu waxay ku dhalan karaan isku xiryada miskaha oo aan si fiican u sameysmin, haddii aan la daaweyn waxay sababi kartaa dhibaatooyinka laalaabatada.

Qiyaastii 3 ilaa 5 oo ka mid ah 1,000kii dhallaan waxa laga yaabaa inay u baahdaan daawaynta suun uga xirista xabadka.

Qiyaastii 1 ilaa 2 oo ka mid ah 1,000kii dhallaan waxay u baahan karaan qalliin.

Xaniinyaha

Wiilasha dhallaanka ah waxaa laga eegaa xaniinyaha si loo hubiyo in xiniinyadooda ay ku yaalaan meesha saxda ah. Tani waxaa sabab u ah in mararka qaarkood mid ka mid ah ama labadaba xiniinyo ay ku guuldaraystaan inay hoos ugu soo dhaadhacaan maqaarka xiniinyaha (kiishka/maqaarka xajiya xiniinyaha).

Waxaa jira 2 nooc oo ah xiniinyaha aan hoos usoo dhaadhicin:

  • marka hal ka mid ah ama labada xiniinyo la dareemi karo laakiin ay ku yaalaan meel khaldan (la dareemi karo)
  • marka mid ka mid ah ama labada xiniinyo aan gabi ahaanba la dareemi karin (aan la taaban karin)

Waxay qaadan kartaa dhowr bilood in xiniinyaha ay hoos u soo dhaadhacaan.

Qiyaastii 4 ka mid ah 100kii wiil ee dhasha (boqolkiiba 4%) waxay ku dhashaan xaaladdan caafimaad. Dhalashada ka hor wakhtiga dhamaanshaha uurka (kahor usbuuca 37aad ee uurka), miisaanka xilliga dhalmada oo hooseeya iyo inay qoyska leeyihiin taariikh/asal ah xiniinyo aan hoos u soo dhaadhicin waxay kordhin kartaa fursadaha ah inuu wiilku ku dhasho xaaladdan caafimaad.

Tijaabada baaritaanka

Xirfadlaha caafimaadka ee takhasus leh ayaa sameyn doona baaritaanka jirka ilmahaaga wuxuuna weydiin doonaa su’aalo ku saabsan samaqabka guud ee ilmahaaga.

Ilmahaaga waa in dharka laga siibaa si loo baaro. Waqtiga baaritaanka, xirfadlaha caafimaad wuxuu:

  • eegi doonaa indhaha ilmahaaga si uu u hubiyo muuqaalkooda
  • dhagaysan doonaa wadnaha ilmahaaga si uu u ogaado dhawaaqyada wadnaha
  • baari doonaa miskaha ilmahaaga si uu u hubiyo in kala-goysyada ay koreen ayna si habboon u shaqaynayaan
  • baari doonaa wiilka si uu u hubiyo in xiniinyaha ay ku yaalaal meesha saxda ah

Badbaadada baaritaanka

Ma jiraan khataro la socda samaynta baaritaannadan.

Baaritaanka waa ikhtiyaarkaaga

Waxaad go’aansan kartaa in ilmahaaga laga baaro mid ka mid ah ama dhammaan xaaladaha caafimaad. Baaritaanka waxaa loogu talagalay in lagu ogaado mid ka mid ah xaaladaha wakhti hore, si daawaynta loo bilaabo sida ugu dhakhsaha badan. Baaritaanka ayaa lagula talinayaa ilmahaaga.

Diiditaanka baaritaanka

Haddii aad dooratid inaan ilmahaaga lagu samayn baaritaanka, ama aad qabto wax walaacyo ah, waa inaad la hadashaa umulisadaada iyo xirfadlaha daryeelka caafimaadka ee bixiya baaritaanka.

Natiijooyinka soo bixi kara

Haddii xaalad caafimaad ama dhibaato laga shakiyo, ilmahaaga waxa loo diri doonaa qiimayn iyo baaritaano dheeraad ah haddii ay habboon tahay. Tani waxaa ku jiri kara u-diridda iskaanka altarasawnka sinta/miskaha, ama u-diridda kooxaha takhasuska leh ee eega wadnaha, indhaha ama xiniinyaha ilmaha.

Helitaanka natiijooyinkeyga

Xirfadlaha caafimaad ee samaynaya baaritaanka wuxuu ku siinayaa markiiba maxsuullada. Haddii gudbin qiimayn dheeraad ah loo baahdo, tani waxaa sidoo kale lagala hadlayaa adiga waqtiga baaritaanka.

Natiijooyinka waxaa lagu qori doonaa diiwaanka caafimaadka ilmahaaga iyo diiwaanka caafimaadka ilmaha ee gaarka ah (‘buugga cas’). Waxaad u baahan doontaa inaad ilaaliso/meel ku xafido buugga cas. Xaqiiji in la heli karo mar kasta oo ilmahaaga uu u tagayo xirfadle daryeel caafimaad.