Agab xayeysiis

Baaritaano eegid oo loogu talagalay adiga iyo dhallaankaaga: dhallaanka ku sugan qaybaha daryeelka khaaska ah

La cusboonaysiiyay 30 October 2021

Hay’adda Caafimaadka Dadwaynaha ee England (PHE) waxay sameysay buug-yarahaan iyadoo ka wakiil ah NHS. Macluumaadkan, weedha ‘annaga’ waxay u jeedaa adeegga NHS ee ku yabooha baaritaanka.


Macluumaad-sidahan waxaa loogu talagalay waalidiinta carruuraha ku sugan qaybta daryeelka khaaska ah, qaybta daryeelka xaaladda aadka ah ee ilme hadda dhashay ama qaybta daryeelka xaaladda aadka ee carruurta

Waxaan annaga fahamsanahay in ay u badan tahay in waqtigan yahay waqti ku adag adiga iyo qoyskaaga. Macluumaadkan waxay kaa caawinayaan adiga iyo xirfadlayaashaada caafimaadka in aad ka wada hadashaan sida dhallaanka hadda dhashey baaritaankiisa eegista uu munaasib ugu yahay dhammaan qeybaha kala ee daryeelka dhallaankaaga. Macluumaadkan waa in ay kaa caawiyaan, balse ma bedelayaan, wadahadalka aad la leedahay xirfadlayaashaada caafimaadka.

Waxay sharaxaad ka bixinaysaa farqiyo muhiim ah oo la xiriirta sida baaritaanada eegista dallaanka dhowaan dhashay loogu sameeyo dhallaanka ku sugan qeybaha daryeelka khaaska ah. Waa muhiim in aad akhrido buugyaraha Baaritaanada eegida adiga iyo dhallaankaaga ee aad heshey xilliga aad uurka leedahay. Kani wuxuu sharaxaad ka bixinayaa dhammaan baadhitaanada eegidda ee loo sameeyo caruurta dhowaan dhalatay.

Baaritaanada eegidda ee buug-yarahan ku qoran waxaa wanaagsan in la dhamaystiro ka hor inta aadan ilmahaaga guriga u qaadan.

Haddii uu dhallaankaagu ku dhashey dhicisnimo aad u soo hormartey, oo uu dhashey ka hor 28 todobaad, waxaa suurtagal ah in aad u baahatid in aad baaritaanada eegista sugtid todobaadyo. Baaritaanka eegista maqalka ee dhallaanaka dhowaan dhashey waxaa uu dhici karaa oo keliya marka uu dhallaanaku gaaro 34 todobaad ee da’da uurka. Da’da uurka waa cadadka todobaadyada ka danbeeya marka uurka la yeesho, mana aha cadadka todobaadyada ka danbeysa dhalashada. Tusaale ahaan, dhallaan dhashey ka dib 28 todobaad oo uurka ka danbeysey waxaa uu u baahanayaa in uu sugo 6 todobaad dhalashada ka dib si looga qaado baaritaanka eegista maqalka ee dhallaanaka dhowaan dhashey.

Kooxda daryeelka caafimaad ee ilmahaagu waxay awoodi doonaan inay ka jawaabaan wax kasta oo su’aalo oo laga yaabo inaad qabto.

Adiga ayaa ikhtiyaar u leh haddii aad doonayso ama haddii aadan doonayn in laguu sameeyo wax ka mid ah baadhitaanada buug-yarahan ku qoran

Barnaamijka baaritaanka eegista ee NHS waxaa uu adeegsadaa macluumaad tilmaame shakhsiyeed adiga kugu saabsan si loo hubiyo in adiga laguugu yeerey baaritaan eegis waqtiga saxda ah. Hay’adda caafimaadka dadweynaha ee England (PHE) waxaa kaloo ay isticmaashaa macluumaad si ay u hubiso in aad heshey daryeel tayadiisu sareyso. Wax dheeraad ah ka ogow sida macluumaadkaaga loo isticmaalo loona xifdiyo, iyo xulashooyinkaaga.

1. Indho, wadne, misko iyo xiniinyaha (baaritaano jireed)

1.1 Ulajeedada baaritaanka eegista

Dhammaan dhallaanka waa in loo yaboohaa baaritaanka jireed ee dhallaanka dhowaan dhashey marka ay dhashaan ka dib. Tan waxaa ka mid ah baaritaanka indhaha, wadnaha, miskaha iyo xiniinyahaba (wiilasha).

1.2 Sidee baritaanka uga duwan yahay

Baadhitaanada jidheed ee ilamaha dhowaan dhashay lama samayn doono ilaa ilmahaagu ka wanaagsanaanyo. Haddii aad doorato inaad qaadato baadhitaanka caafimaad, baadhitaanku waa inuu dhacaa inta aan ilmahaaga guriga loo gayn.

Waxaa laguu yaboohi doonaa baaritaan dheeraad ah marka dhallaankaagu gaaro 6-8 todobaad jir, maadaama xaaladaha qaarkood ay soo muuqan karaan xilligaa ka dib.

2. Dhibic dhiig - Blood spot

2.1 Ulajeedada baaritaanka eegista

Baaritaanka waa in uu ogaado in dhallaankaagu uu qabo mid ka mid ah 9-ka xaaladood oo caafimaad darada halista ah, laakiin dhif dhifka ah. Waxayna yihiin:

  • sickle cell disease (SCD)
  • cystic fibrosis (CF)
  • congenital hypothyroidism (CHT)
  • 6 cuduradda dheefshiidka oo la kala dhaxlo (IMDs):
    • phenylketonuria (PKU)
    • medium-chain acyl-CoA dehydrogenase deficiency (MCADD)
    • cudurka kaadida maple syrup (MSUD)
    • isovaleric acidaemia (IVA)
    • glutaric aciduria nooceeda 1 (GA1)
    • homocystinuria (pyridoxine unresponsive) (HCU)

Daawayn waqti horeba ah waxay hagaajin kartaa caafimaadka ilmahaaga kana hortagi karaa curyaannimo aad u daran amaba dhimashaba. Haddii adiga ama xubin qoyskaaga ah uu qabo cuduradaas, fadlan isla markiiba u sheeg kooxda daryeelka caadimaad ee ilmahaaga.

2.2 Maxaa baaritaanka dhallaanka ku sugan qaybta daryeelka khaaska ah uga duwan yahay

Saamiga dhibicda dhiigga ah waxaa caadi ahaan la qaadaa marka dhallaanku yahay 5 maalmood jir. Hase yeeshee, wakhtigu wuu ka duwan yahay marka ilmuhu jiran yahay ee uu ku sugan yahay qaybta daryeelka khaaska ah.

2.3 Sidee baritaanka uga duwan yahay

Dhibicda dhiigga ah ee baadhitaan waxaa loo baahan yahay in loo qaado sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagal ah ah marka ilmahaagu dhasho si looga baadho SCD. Tani waa lacala haddii ilmahaagu u baahan yahay dhiiga in lagu shubo – baadhitaanka SCD wuxuu noqonayaa mid aan sax ahayn haddii dhiigga la baadhayo la qaado ka dib marka dhiiga lagu shubo.

Dhibic kale oo dhiig ah oo laga baadho cudurro kale ayaa la qaadi doonaa marka ilmahaagu yahay 5 maalmood jir. Haddii ilmahaaga dhiig lagu shubo, waxaa laga yaabaa in baadhitaankan dib loo dhigo ilaa inta uu ka noqonayo 8 maalmood jir.

Haddii ilmahaagu dhasho ka hor inta aan uurkaagu gaarin 32 isbuuc, waa in la qaadaa dhiig kale oo laga baadho CHT. Tani waa in ay dhacdaa marka dhallaankaagu yahay 28 maalmood jir ama marka aad dhallaankaaga guriga u qaadato, hadba labadaas tii soo horaysa.

2.4 Helitaanka natiijadeyda

Waa in aad ku heshaa natiijada dhallaankaaga iyadoo qoraal ah ama ka heshaa soo-booqdahaaga caafimaad 6 todobaad gudaheed.

3. Lumitaanka maqalka

3.1 Ulajeedada baaritaanka eegista

Si loo ogaado dhallaanka qaba lumitaan maqal oo joogto ah, si gargaar iyo talobixin loo siin karo isla bilowgaba.

3.2 Maxaa baaritaanka dhallaanka ku sugan qaybta daryeelka khaaska ah uga duwan yahay

1 ilaa 2 ilmo ee 1,000 kasta ayaa ku dhalata maqal lumid joogto ah ee hal ama labada dhegoodba. Tiradani kor ayay ugu kacdaa ilaa 1 ka mid ah 100 carruur ah ee ku sugnaa qaybta daryeelka khaaska ah ugu yaraan 48 saacadood.

Dhallankaagu wuxuu u baahan doonaa inuu gaaro ugu yaraan 34 todobaad da’da uurka oo la saxay ka hor inta aan lagu samayn baaritaan eegis maqalka ah. Baaritaanka waxaa la qaadi karaa ilaa da’diisu ka noqonayso 3 bilood waana in la sameeyaa marka daaweynta dhamaato dhallaankaaguna uu wanaagsan yahay.

Kooxda daryeelka caafimaad ee ilmahaaga ayaa kaala talin doona wakhtiga ugu munaasabsan ee ay tahay inuu dhaco baadhitaanka ilahaagu.

3.3 Sidee baritaanka uga duwan yahay

Haddii dhallaankaagu ku sugnaa qaybta daryeelka khaaska ah in ka badan 48 saacadood, waxuu u baahan doonaa in uu maro 2 nooc oo baaritaan eegis maqalka ah.

Kuwaasi waa baadhitaan AOAE (automated otoacoustic emission) iyo baadhitaan AABR (automated auditory brainstem response).

Haddii natiijada baaritaanku aanay muujin jawaab-celin cad, waxaa ballan laga samayn doonaa dhakhtar ku takhasusay maqalka ee qeybta audiology-ga. Ilaa 9 ka mid ah 100 ee caruur ah ee daryeel lagu siiyey qaybta daryeelka khaaska ah in ka badan 48 saacadood ma muujiyaan jawaab-celin cad xiliga baadhitaanka. Aad ayay muhiim u tahay inaad tagto ballanta haddii ilmahaagu uu qabo lumitaan maqal.

Ogaanshaha maqal la’aanta waqti hore waxay dhallaanka siisaa fursad ka sii fiican oo ay ku yeeshaan xirfadaha luqada, hadalka iyo wada xiriirka.

Baritaanka eegista ma soo saaro dhammaan noocyada luminta maqalka, sidaa darteed waa muhiim in la eego lumitaanka maqalka ilmahaaga marka ay sii koraanba. Haddii aad wax walaac ah ka qabto maqalka ilmahaaga, waa in aad u sheegtaa booqdahaaga caafimaadka ama dhakhtarka qoyska.

4. Cudurrada faafa

4.1 Ulajeedada baaritaanka eegista

Xilliga uurka waxaanu u yaboohnaa, kulana talinaa, dumarka baaritaan eegid oo dhiig ah si looga baaro cudurada faafa sida cagaarshowga B, HIV (Cudurka yaraanshaha unugyada difaaca jirka) iyo jabtada.

Dhallaanka dhicisyada ah ee ay dhaleen hooyooyin laga helay cagaarshowga B waxay u baahanayaan la socod iyo daryeel khaas ah.

4.2 Sidee la socodka uga duwanaan doonaa

Dhallaanka ku dhasha culays ka yar 1500g waxay u baahan yihiin immunoglobulin (difaacayaal la dagaalama caabuqyada) iyo tallaalka cagaarshowga B.

Waa muhiim in dhallaanka dhicisyada ah ay qaataan 6-da tallaal ee cagaarshowga B ee lagula taliyey kuna qaataan da’da saxda ah. Carruurta dhicisnimada aadka u soo hormartey ku dhasha (dhashey ka hor 28 todobaad) waxaa laga yaabaa in lala socdo neefsashadooda 2-3 maalmood ka dib tallaalkooda ugu horeeya.

Tallaalada waa in la sameeyaa:

  • 24 saacadood gudaheed xilliga dhalitaanka (iyo immunoglobulin)
  • da’ada 4 toddobaad
  • da’ada toddobaadyada 8, 12 and 16 (qeyb ka ah jadwalka caadiga ah ee tallaalada carruurta)
  • da’ada hal sano

Dhallanka waxaa sidoo kale u baahanayaan baaritaanka dhiigga xilliga tallaalkooda ugu dambeeya marka ay sannad jir yihiin si loo hubiyo in caabuqa laga ilaaliyey.

5. Macluumaad dheeraad ah

Tafaasiisha hay’adaha ugu yaboohi kara caawimaad waalidiinta marka dhallaankoodu u baahan yahay daryeel khaas ah, eeg NHS.UK.