Baaritaanka afka ilmo-galeenka: casuumaada (Somali)
La cusboonaysiiyay 23 May 2025
Applies to England
Waxa aanu warqad kuugu soo qoraynaa in aanu kugu martiqaadno baaritaanka afka ilmo-galeenka ee NHS (oo hore loo yaqaanay ‘smear test’). Waxaan baaritaanka siinaa dhammaan haweenka iyo dadka qaba afka ilmo-galeenka, da’doodu tahay 25 ilaa 64, si looga caawiyo ka hortagga kansarka ku dhaca ilmo-galeenka iyo si loo badbaadiyo nolal.
Si aad u hesho warqadan oo ah qaab kale, iimayl u dir england.contactus@nhs.net ama wac 0300 311 22 33. Faahfaahintan ha u isticmaalin inaad ballan ku qabsato ama inaad codsato natiijadaada, maadaama shaqaalaha ka jawaabaya wicitaankaaga ama iimaylkaaga aanay awoodi doonin inay kaa caawiyaan arrimahaas.
Sida loo qabsado ballantaada
La xiriir dhakhtarka xaruntaada si aad u qabsato ballanta baaritaanka afka ilmo-galeenka.
Qaar ka mid ah rugaha caafimaadka galmada ayaa sidoo kale bixiya baaritaanka afka ilmo-galeenka. La xiriir rugta caafimaadka galmada ee deegaankaaga si aad wax badan uga ogaato: https://www.nhs.uk/sexual-health-clinic-finder
Waa maxay sababta aan u qabsanayo ballan?
Baaritaanka afka ilmo-galeenka ayaa lagu eegayaa noocyada qaarkood ee fayraska ‘papillomavirus’ (HPV). Noocyadan ‘khatarta sare leh’ ee HPV waxaa laga heli karaa in ka badan 99% kansarka ku dhaca afka ilmo-galeenka. Haddii aan mid ka mid ah noocyadan HPV-ga ka helno muunaddaada baaritaanka, waxaanu markaas eegaynaa isbeddellada aan caadiga ahayn ee unugyada. Marka la helo lana daaweeyo isbeddeladan weliba goor hore, waxaan ka hortagi karnaa inta badan kiisaska kansarka ee ku dhaca afka ilmo-galeenka.
Waxaa laga yaabaa inaad qaato HPV marka ugu horeysa ee aad galmo sameyso, qasabna ma ahan inaad samayso galmo xubin taran isku taabasho ah si aad u qaaddo fayraska. Waad qaadi kartaa fayraska xitaa haddii aad lahayd kaliya hal lammaane ilaa muddo dheer ama haddii aadan galmo ahaan ahayn mid firfircoon ilaa sanado badan. Weli waad qaadi kartaa HPV iyadoon loo eegin nooca jiheyntaada galmo ama haddii aad qaadatay tallaalka HPV.
Taageerada la heli karo haddii aad ka welwelsan tahay baaritaanka afka ilmo-galeenka
Ballamaha baaritaanka afka ilmo-galeenka waxay qaadanayaan kaliya 5 ilaa 10 daqiiqo, laakiin waxaad codsan kartaa ballan muddo dheer haddii aad rabto wakhti dheeraad ah. Waxaad sidoo kale codsan kartaa kalkaaliye ama dhakhtar dumar ah oo waxaad soo kaxaysan kartaa qof kale oo qolka kugula sii jira si aad uga hesho taageero. Inta lagu jiro wakhtiga ballantaada, waxaad codsan kartaa inaad ku seexato booska aad rabto iyo in lagaa qaado muunad yar si baaritaanka uu kuugu fududaado.
Buug-yarahaan waxaa ku jira macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan waxa dhacaya xilliga ballanta, HPV iyo kansarka ku dhaca afka ilmo-galeenka. Waxaad luqadaha dhijitaalka ah, akhriska fudud iyo luqado kale ka heli kartaa https://www.gov.uk/cervical-screening-guide
Haddii aad dareento walwal ama aad u baahan tahay caawimaad ku aadan ka xaadiritaanka baaritaanka afka ilmo-galeenka, talo iyo taageero ayaa laga heli karaa https://www.gov.uk/cervical-screening-support
Macluumaad dheeraad ah
Kalkaalisada ama dhakhtarka sameynaya baaritaankaaga ayaa kuu sheegi doona sida iyo goorta aad filan karto inaad natiijadaada hesho, sidoo kale iyagana waxaa loo sheegi doonaa natiijadaada. U sheeg dhakhtarka xaruntaada haddii aad beddesho cinwaankaaga ama faahfaahinta lagaala soo xiriiro.
Ula hadal GP-gaaga sida ugu dhaqsaha badan haddii aad la kulanto mid ka mid ah astaamaha soo socda, iyadoon loo eegin taariikhdaada baaritaanka ilmo-galeenka:
- dhiig-baxa aan caadiga ahayn ee xubinta taranka – oo ay ku jiraan dhiigbaxa dhaca inta lagu jiro galmada ama ka dib, inta u dhaxaysa xilliyada caadadaada ama ka dib caadadaada, ama caado ka dhiigbax badan sida caadiga ah
- isbedel ku yimaada dheecaanka ka yimaada xubintaada taranka
- xanuun aad dareento xiliga galmada
- xanuun aad ka dareento dhabarkaaga hoose, inta u dhaxaysa lafaha miskahaaga (lafta misigta), ama calooshaada hoose
Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan baaritaanka afka ilmo-galeenka iyo HPV, oo ay ku jiraan waxa dhacaya xilliga ballantaada iyo sida loo qabsado ballanta, booqo https://www.nhs.uk/cervical. Haddii aad qabtid su’aalo ama walaacyo dheeraad ah, la hadal GP-ga.
Daacad kuu ah,
Barnaamijka NHS ee Baaritaanka Afka Ilmo-galeenka oo ka wakiil ah GP-gaaga