Baarista bararka halbowlaha ugu weyn ee caloosha (AAA) - waa baaritaan bilaash ah oo loogu talagalay ragga 65 jir ah ama ka weyn (Somali)
La cusboonaysiiyay 9 January 2026
Applies to England
Waxaad dooran kartaa inaad ka qayb qaadato baaritaanka bararka halbowlaha ugu wayn ee caloosha (AAA). Buug-yarahaan wuxuu ujeedkiisu yahay inuu kaa caawiyo inaad go’aan gaarto.
Waa maxay sababta NHS ay u bixiso baaritaanka AAA
Bararka halbowlaha ugu wayn ee caloosha, ama AAA, waa barar ku dhaca halbowlahaaga. Halbowlaha ugu weyn (aorta) waa xididka dhiigga ee ugu muhiimsan ee dhiigga u qaybiya jirkaaga. AAA-yada waawayn waxay noqon karaan kuwo halis ah. Waxaan bixinaa baaritaanka si aan wakhti hore u helno bararka xididka oo aan u kormeerno una daawayno.
Haddii aad leedahay AAA, waxaa laga yaabaa inaadan dareemin wax astaamo ah. Taas macnaheedu waa inaadan badanaa sheegi karin inaad qabto bararka iyo in kale. Sida ugu fudud ee lagu ogaan karo waa in calooshaada lagu sameeyo baaritaanka altarasawndhka.
Yaan ku casuunaa baaritaanka AAA
Adeegga NHS waxuu dhammaan ragga ku casuumaa baaritaanka sanadka ay noqdaan 65 jir. Waa inaad ka diiwaan gashan tahay GP oo aadna ku nooshahay England. Fadlan xaqiiji in xarunta GP-gaaga ay hayaan faahfaahintaada saxda ah, oo ay ka mid yihiin:
- magaca
- Taariikhda dhalashada
- cinwaanka guriga
- lambarka lagaala soo xiriirayo
- cinwaanka iimaylka.
Casuumaadaada waxaa laga yaabaa inay soo daahdo haddii aadan iska diiwaan gelin GP sannadkii aad 65 jirsatay, ama haddii aanan haysan faahfaahintaada xiriirka ee ugu dambeeyay.
Ragga da’doodu ka weyn tahay 65 sano ee aan la baarin waxay la xiriiri karaan adeegga baaritaanka AAA ee deegaankooda si ay u qorshaystaan baaritaan.
Dadka jinsigooda bedelay iyo kuwa aan jinsi loo raaco lahayn
Dadka iska diiwaan geliyay GP-gooda ka inay yihiin dumar ahaan laguma casuumi doono baaritaanka AAA. Dadka jinsigooda bedelay iyo kuwa aan jinsi loo raaco lahayn ee loo qoondeeyay jinsiga labnimada markay dhalanaayeen iyo kuwa da’doodu tahay 65 iyo wixii ka weyn waxay codsan karaan baaritaanka AAA. GP-gaaga ayaa kuu qabanqaabin doona arrintan.
Bararka halbowlaha ugu weyn ee caloosha (AAA)
Halbowlaha ugu weyn (aorta) waa xididka dhiigga ee ugu muhiimsan ee dhiigga u qaybiya jirkaaga. Waxuu ka yimaaddaa wadnahaaga wuuna dhaadhacaa wuxuuna maraa laabtaada iyo calooshaada.
Dadka qaarkood, inta ay sii waynaanayaan, derbiga/gidaarka halbowlaha ugu weyn ee caloosha ayaa daciifi kara. Ka dib wuxuu bilaabi karaa in uu bararo (sida buufinta oo kale) oo uu noqdo barar..
Xaaladdan caafimaad waxay inta ugu badan ku dhacdaa ragga 65 jirka ah ama ka weyn.

Halbowlaha wuxuu ku dhex barari karaa caloosha wuxuuna noqon karaa AAA
Khataraha ka yimaadda AAA
Bararrada waaweyn ee xididku waa dhif laakiin aad ayay u darnaan karaan. Marka uu kala baxo ama kala jiidmo derbiga halbowlaha ugu weyn, wuu dilaaci/qarxi karaa, taasoo keenta dhiig gudaha ku furma. Qiyaastii 85 ka mid ah 100kii qof ee qaba bararka xididka dilaacay, intaas ayay u dhintaan.
Haddii aan helno barar yar ama dhexdhexaad ah, waxaa muhiim ah inaan kormeerno si aan u eegno inuu sii weynaanayo. Haddii aad leedahay AAA yar, waxaan kugu casuumi doonnaa in iskaan lagugu sameeyo 12-kii biloodba mar. Haddii aad leedahay AAA dhexdhexaad ah, waxaan ku casuumi doonnaa saddexdii biloodba mar.
Sida baaritaanka AAA uu u shaqeeyo
Waxaan isticmaalnaa iskaan fudud oo altarasawndh ah, oo la mid ah midka lagu sameeyo haweenka uurka leh. Kani waa mid dhakhso badan. Baaritaanka wuxuu caadi ahaan qaataa wax ka yar 10 daqiiqo.
Rugta caafimaadka, waxaan hubin doonnaa faahfaahintaada shakhsi ahaaneed waxaanan kuu sharxi doonnaa iskaanka. Waad na weydiin kartaa wixii su’aalo ah.
Kadibna waxaan kaa codsan doonnaa inaad jiifsato. Waxaad u baahan doontaa inaad kor u qaaddo shaarkaaga ama inaad badhamada ka furto shaarkaaga, laakiin uma baahnid inaad dharka iska siibto.
Waxaan calooshaada dul saari doonnaa saliid/dareere qabow. Kadibna waxaan qalabka baaritaanka dul marin doonnaa maqaarkaaga. Baaritaanka gebi ahaanba waa mid aan xanuun lahayn. Waxaa shaashadda ka muuqan doona sawirka halbowlagaaga, waana cabbiri doonnaa.
Waxaan awood u yeelan doonnaa inaan isla markiiba kuu sheegno natiijadaada. Waxaan sidoo kale nuqul ka mid ah natiijooyinkaaga u diri doonnaa GP-gaaga.
Mararka qaarkood sawirku ma aha mid cad oo halbowlahana si sax ah looma arki karo. Tani ma aha wax laga walwalo. Waxaa lagaa codsan doonaa in mar kale iskaan lagugu sameeyo, badanaa maalin kale.
Natiijooyinka baaritaanka AAA
Waxaa jira 4 natiijooyin oo soo bixi kara:
- inaysan jirin wax AAA ah
- AAA yar
- AAA dhexdhexaad ah
- AAA weyn
AAA lama helin
Haddii halbowlahaaga ugu weyn uu ballaciisu ka yar yahay 3cm, waxay tani ka dhigan tahay in aadan qabin barar xididka ah. Ragga intooda ugu badan ayaa natiijadan hela. Uma baahnid daaweyn ama kormeer wixii markaas ka dambeeya. Kuguma casuumi doono baaritaanka AAA mar kale.
AAA Yar
Haddii halbowlahaaga uu u dhexeeyo 3cm iyo 4.4cm ballac ahaan, waxaad qabtaa AAA yar. Qiyaastii 1 ka mid ah 80-kii nin ee la baaray ayaa qaba AAA yar. Waxaan kugu casuumi doonnaa in dib laguugu sameeyo baaritaanka 12kii biloodba mar si loo hubiyo inuu sii weynaanayo.
AAA dhexdhexaad ah
Haddii halbowlahaaga uu u dhexeeyo 4.5cm iyo 5.4cm ballac ahaan, waxaad qabtaa AAA dhexdhexaad ah. Qiyaastii 1 ka mid ah 500 oo nin oo la baaray ayaa qaba AAA dhexdhexaad ah. Waxaan kugu casuumi doonnaa in dib laguugu sameeyo baaritaanka 3-dii biloodba mar si loo hubiyo inuu sii weynaanayo.
AAA Weyn
Haddii halbowlahaaga uu yahay 5.5cm ballac ahaan ama ka weyn yahay, waxaad qabtaa AAA weyn. Qiyaastii 1 ka mid ah 2,500 oo nin ee la baaray ayaa qaba AAA weyn. Waxaan ku siin doonaa ballan aad la yeelanayso koox takhasus leh. Waxay sameyn doonaan iskaano badan waxayna kaala hadli doonaan fursadaha daaweynta ee suurtagalka ah, oo badanaa qalliin ah.
Kormeerida AAA yar ama dhexdhexaad ah
Haddii aad leedahay AAA yar ama dhexdhexaad ah, waxaad u baahan doontaa daaweyn oo keliya haddii ay intaas ka weynaato.
Waa muhiim inaad la socoto cabbirka AAA-gaaga. Waase haddii ay isu beddesho AAA weyn.
Inta badan AAA-yada si tartiib ah ayay u weynaadaan. Ragga badankood ee qaba AAA yar ama dhexdhexaad ah waxaa laga yaabaa inaysan waligood yeelan AAA weyn oo waxay u baahan karaan daaweyn.
Waxaan kuu qabanqaabin doonnaa ballan si aad ula kulanto khabiir ku takhasusay xididdada dhiigga kaasoo ku siin doona talo ku saabsan yareynta khatarta ah in AAA ay weynaato. GP-gaaga wuxuu sidoo kale ku siin karaa kiniiniyo ama wuxuu dib u eegi karaa daawooyin kasta oo aad qaadanayso. Waxaa laga yaabaa in lagu weydiiyo in la baaro cadaadiska dhiiggaaga.
Daaweynta AAA weyn
Haddii aan helno AAA weyn, waxaan kuu gudbin doonnaa koox takhasus leh. Waxay sameyn doonaan baaritaanno dheeraad ah, khabiirkana wuxuu kaala hadli doonaa xulashooyinka daaweynta. Tani badanaa waxay noqon doontaa qalliin laba bilood gudahood lagu sameeyo kadib ballantaada, haddii aad go’aansato inaad u baahan tahay.
Daaweynta bararada xididka lagu ogaaday baaritaanka badanaa waa kuwo badbaado iyo waxtar leh. Waxaa jira khataro ka yimaada daaweynta. Khabiirka ayaa si faahfaahsan kuugu sharxi doona khatarahaas.
Khasab ma aha qof kasta oo qaba AAA weyn inuu qalliin maro.
Khataraha suurtagalka ah ee baaritaanka AAA
Ma jiro baaritaan gebi ahaanba waxtar leh, laakiin baaritaanka loo isticmaalo in lagu helo AAA-yada ayaa ah mid aad loogu kalsoonaan karo. Waa dhif in nin uu yeesho AAA weyn haddii baaritaanka uusan helin bararkaas. Baaritaanka AAA gebi ahaanba meesha kama saarayo khatarta ah in bararka uu qarxo, laakiin waa habka ugu wanaagsan ee lagu yareyn karo khatartaada.
Ma jirto khatar ka imaan karta baaritaanka laftiisa, laakiin waxaa jira khataro haddii aad u baahan tahay qalliin si loo daaweeyo AAA. Qiyaastii 30 ka mid ah 10,000 nin ee la baaray ayaa qalliin mara. Celcelis ahaan, 1 ka mid ah 67 nin ee qalliin lagu sameeyay ayaan ka badbaadin. Waxaa jira fursad yar oo ah in AAA-da aysan weligeedba qarxin haddii aan la daaweyn.
Yaa u badan inuu helo AAA
Waxay u badan tahay inay ragga yeeshaan AAA 4 jeer ka badan dumarka. Tani waa sababta aan dumarka loogu soo bandhigin baaritaanka. Fursadda ah inuu qofka yeesho bararka halbowlaha ayaa sidoo kale la kordheysa da’da.
Fursaddaada ah inaad yeelato AAA sidoo kale way kordhi kartaa haddii:
- aad tahay sigaar-cabe ama aad waligaa sigaar cabtay
- aad qabto dhiig kar
- walaalkaa, walaashaa ama waalidkaa ay qabaan, ama ay qabeen, AAA.
Macluumaad iyo taageero dheeraad ah
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan baaritaanka AAA, la xiriir adeegga baaritaanka ee deegaankaaga. Fadlan u sheeg ka hor ballantaada haddii aad u baahan tahay taageero dheeraad ah. Taageerada waxaa ka mid noqon karta in daryeele uu kula yimaado, yeelashada ballan dheer ama aaditaanka meel kale.
Casuumaddaada waxay ku jiri doonta faahfaahinta lagala xiriirayo. Waxaad sidoo kale la hadli kartaa xarunta dhakhtarkaaga guud (GP).
Raadu macluumaadka xiriirka ee adeegga baaritaanka AAA ee deegaankaaga.
Macluumaadkan waxa lagu heli karaa qaabab kale, oo ay ku jiraan akhriska fudud iyo luuqado kale. Si aad u codsato macluumaadkan oo qaab kale ah, waxaad wici kartaa 0300 311 22 33 ama iimayl u diri kartaa england.contactus@nhs.net.
Waxaad sidoo kale:
- heli kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan baaritaanka AAA adigoo booqanaya NHS.UK
- akhrin kartaa macluumaad loogu talagalay dadka jinsigooda iska bedelay iyo dadka aan lab/dhedig midna ahayn ee ku saabsan barnaamijyada baaritaanka NHS.
Hay’adda Circulation Foundation iyo hay’adda British Heart Foundation ayaa taageera dadka qaba cudurrada xidiiddada iyo halbowleyaasha. Waxaana ka mid ah dadka qaba AAA-yada.
Waxaan macluumaadkaaga shakhsi ahaaneed ee ku jira diiwaannadaada NHS u isticmaalnaa inaan kugu casuuno baaritaanka wakhtiga saxda ah. Macluumaadkani wuxuu naga caawinayaa inaan horumarino barnaamijyada baaritaanka iyo bixinta daryeel tayo leh. Akhri wax badan oo ku saabsan sida aanu u isticmaalno oo aan u ilaalino macluumaadkaaga.