Skip to main content
Guidance

Returning to Somalia (Somali, accessible)

Published 15 September 2026

Caawimaad noocee ah ayaa la helayaa?

Macluumaad Kahor Safarka

Dadka soo laabanaya waxay la xiriiri karaan IRARA si ay uga wada hadlaan fursadaha dib-u-dhexgalka ee Soomaaliya.

Taageerada Muddo Dhow

  • Soo dhoweyn garoonka diyaaradaha (haddii la codsado)

  • Hoy ilaa 5 habeen ah

  • Gaadiid lagu geeyo cinwaan gudaha dalka ah

  • Xirmooyin daryeel iyo cunto ah

  • Lacag yar oo degdeg ah oo loogu talagalay baahiyaha degdegga ah

Adeegyadan waxaa la heli karaa oo keliya 5 maalmood gudahood markaad ku soo laabato Soomaaliya.

Taageerada Muddo Dhexe

  • Caawinta helitaanka iyo la midoobidda qoyska

  • Taageero la xiriirta dukumentiyada gudaha dalka

  • Tilmaamid adeegyada maxalliga ah

  • Taageero caafimaadka maskaxda

Taageerada Muddo Dheer

Helitaanka Sanduuqa Waxbarashada iyo Ganacsiga ee dadka soo laabtay, oo ay ku jiraan:

  • Taageero gelitaanka suuqa shaqada ee gudaha

  • Taageero bilaabista ganacsi

  • Taageero helitaanka tababar xirfadeed ama waxbarasho dheeraad ah

  • Taageero fursadaha hijrada sharciyeysan ee dal saddexaad

Yaa heli kara taageero?

Haddii aad tahay muwaadin Somali ah oo dib ugu soo laabtay, ama lagu soo celin doono Soomaaliya adigoo ka yimid Boqortooyada Midowday (UK), IRARA waxay kaa caawin kartaa dib u dhiska noloshaada gudaha Soomaaliya.

Haddii aad rabto taageero, waa inaad la xiriirtaa IRARA 3 bilood gudahood kadib markaad soo laabato. Taageerada ayaa markaas la heli doonaa ilaa 12 bilood.

Sidee loo heli karaa taageero?

Haddii aad hadda ku sugan tahay Boqortooyada Midowday (UK), la xiriir xafiiska IRARA ee UK adigoo isticmaalaya faahfaahinta hoose. Haddii aad hore ugu soo laabatay Soomaaliya, fadlan la xiriir xafiiska IRARA ee Muqdisho adigoo isticmaalaya faahfaahinta hoose.

Ku Saabsan Barnaamijka

Barnaamijka Home Office Returns Reintegration Programme wuxuu taageeraa dib u soo laabashada iyo dib-u-dhexgalka dadka ku sugan Boqortooyada Midowday (UK) ee aan lahayn sharci ama xaq ay ku sii joogaan.

Barnaamijku wuxuu bixiyaa adeegyo kala duwan oo ballaaran, isagoo siinaya taageero marka la yimaado iyo taageero muddo dheer ah oo loogu talagalay dadka ku soo laabanaya Soomaaliya.

Ku Saabsan IRARA

Tan iyo sanadkii 2020, IRARA (Soomaaliya) waxay si dadaal leh ula shaqaynaysay shaqsiyaad iyo qoysas si loo abuuro mustaqbal wanaagsan, loo horumariyo hab-nololeedka, loona xoojiyo bulshooyinka iyada oo loo marayo barnaamijyo dib-u-dhexgal oo dhammaystiran.

Iyadoo ka faa’iidaysanaysa khibraddeeda ballaaran ee taageeridda dadka ku soo laabanaya Soomaaliya, IRARA waxay bixisaa hagid iyo taageero si gaar ah loo habeeyey, iyadoo hubinaysa in qorshe kasta oo dib-u-dhexgal ah uu yahay mid waara isla markaana si gaar ah loogu qaabeeyey si uu u daboolo baahiyaha gaarka ah ee qof kasta.

Macluumaadka Xiriirka ee Soomaaliya

Cinwaan:

Dheere Tower,
Bulahubey,
Degmada Wadajir,
Muqdisho,
Soomaaliya

Saacadaha shaqada: Axad – Khamiis 9:00 – 17:00 (waqtiga maxalliga ah)

Email: reintegration@irara.org

Tel: +252 61 792 1464

IRARA in the UK

Office hours: Monday to Friday, 8:30am to 5pm

Telephone: +44 (0)1433 627 247

Email: reintegration@irara.org