Guidance

Notice of rights and entitlements Somali (PACE Code C) (accessible version)

Updated 3 September 2020

Xuquuqdaada xusuuso muddada lagu hayo

Xuquuqda ku jira Ogaysiintan waxaa adiga kuu hubinaya sharciga ka jira England iyo Wales waxa ayna waafaqsan yihiin Amarbixinta rasmi ah ee Midowga Yurub (EU Directive) ee 2012/13 ee ku saabsan xaqa loo leeyahay macluumaadka ka mid ah dacwadaha dembiyeed.

Xuquuqda aad ku leedahay saldhigga booliiska waxaa lagu soo koobay boggan

Warbixin dheeraad ah ayaa ku qoran baaragaraafyada 1 ilaa 11 ee bogagga xiga.

Faahfaahinta buuxda waxa ay ku jirtaa Xeerka Habdhaqanka C ee booliiska.

  1. Booliiska u sheeg haddii aad rabto in uu looyar ku caawiyo muddada aad joogto saldhigga booliiska. Taasi waa kuu bilaash.

  2. Booliiska u sheeg haddii aad rabto in qof kale laguugu sheego halka aad joogto. Taasi waa kuu bilaash.

  3. Booliiska u sheeg haddii aad rabto in aad eegto xeerashooda - waxaa kuwaas loo yaqaannaa Xeerasha Habdhaqanka.

  4. Booliiska u sheeg haddii aad u baahan tahay gargaar caafimaadeed. Booliiska u sheeg haddii aad bugto ama dhaawac qabto. Gargaarka caafimaadeed waa bilaash.

  5. Haddii lagu weydiiyo su’aalo ku saabsan dembi lagugu tuhunsan yahay in aad adigu geysatay, khasab ma aha in aad wax sheegto. Hase yeeshee, waxaa laga yaabaa in ay khasaare u geysato difaacaaga haddii aad sheegi weydo marka su’aal lagaa weydiiyo wax aad goor dambe isku tiiriso marka aad maxkamadda joogto. Wixii aad tiraahdo waxaa laga yaabaa in daliil ahaan loo sheego.

  6. Waa in booliisku ay kuu sheegaan dembiga ay u arkaan in aad adigu geysatay iyo sababta laguu soo xiray ee laguu hayo.

  7. Waa in booliisku ay adiga ama looyarkaaga idiin oggolaadaan in aad aragtaan diiwaannada iyo dukumeentiyada ku saabsan sababta laguu soo xiray ee laguu hayo iyo waqtiga aad joogtay saldhigga booliiska.

  8. Haddii aad turjumaan u baahato, waa in booliisku mid kuu keenaan. Waxaa weliba laguu turjumi karaa dukumeentiyada qaarkood. Taasi waa kuu bilaash.

  9. Booliiska u sheeg haddii aadan Ingiriisi ahayn oo aad rabto in aad la xiriirto safaaradda ama qunsuliyadda dalkaaga ama aad rabto in iyaga loo sheego in adiga lagu hayo. Taasi waa kuu bilaash.

  10. Waa in booliisku ay kuu sheegaan muddada ay adiga ku hayn karaan.

  11. Haddii adiga si rasmi ah laguu eedeeyo oo dacwaddaada maxkamadda la soo mariyo, adiga ama looyarkaaga ayaa xaq u yeelan doona in aad aragtaan daliilka ay hayaan waaxda ciqaabmarintu ka hor dhegeysiga maxkamadda.

Haddii aadan hubin mid ka mid ah xuquuqdan, u sheeg sarkaalka haynta ee booliiska

Fiiri bogagga ku xiga soo koobidda si aad warbixin dheeraad ah uga hesho sida habboon in booliisku ay kuula dhaqmaan kuuna daryeelaan

Nuskhaddan Ogaysiinta Xuquuqda iyo Magacaabista ku saabsan waxa ay hirgelaysaa laga bilaabo 21 Agosto 2019

Fadlan warbixintan hayso oo akhriso islamarka suurtogal ah. Waxa ay kaa caawin doontaa in aad go’aanno gaarto muddada aad joogto saldhigga booliiska.

1. Sida aad u soo helayso looyar adiga ku caawiya

  • Looyarku waxa uu kaa caawin karaa oo uu kaala talin karaa sharciga.
  • Haddii aad codsato in aad looyar la hadasho taasi kama dhigna in aad u eekaan doonto in aad wax xun samaysay.
  • Sarkaalka Haynta ee Booliiska (Police Custody Officer) ayay waajib ku tahay in uu ku weydiiyo haddii aad rabto talobixin sharciyeed. Taasi waa kuu bilaash.
  • Waa in booliisku ay kuu oggolaadaan in aad looyar la hadasho waqti kaste oo aad rabto, habeen iyo maalinba, marka aad saldhig booliis joogto.
  • Haddii aad codsato in lagu siiyo talobixin sharciyeed, booliiska caadi ahaan looma oggola in ay su’aalo ku weydiiyaan ilaa inta aad fursad u helayso in aad looyar la hadasho. Marka ay booliisku su’aalo ku weydiiyaan waxa aad codsan kartaa in uu looyar qolka adiga kula joogo.
  • Haddii aad booliiska u sheegto in aadan rabin talobixin sharciyeed laakiin aad ka dib is beddesho, taas u sheeg sarkaalka haynta ee booliiska qofkaas ayaana ka dib kaa caawin doona in aad looyar la xiriirto.
  • Haddii looyarku uu iman waayo ama uu kaala soo xiriiri waayo saldhigga booliiska, ama haddii aad u baahan tahay in aad mar labaad looyar la hadasho, booliiska ka codso in ay qofkaas mar labaad la xiriiraan.

Talobixin sharciyeed oo bilaash ah oo ku saabsan arrimo sidaas u darnayn:

  • Xaaladaha qaar ee khuseeya dacwadaha qaar oo ku saabsan arrimo aanan sidaas u darnayn, talobixinta sharciyeed ee bilaash ah waa talobixin telefoonka oo keliya lagu helo oo ka timaadda la taliyeyaal aqoon leh oo ka mid ah Adeegga Difaaca Dembiyeed (CDS) Toos ahaan (Criminal Defence Service (CDS) Direct) haddii aanay jirin marar kooban oo ka reeban oo ay habboon tahay in looyarku uu saldhigga booliiska yimaaddo, sida:
    • booliiska oo raba in ay ku weydiiyaan su’aalo dembi ku saabsan ama in ay qabtaan hawsha soo ogaanshaha dembiilaha oo ay u adeegsadaan markhaati wax arkay.
    • adiga oo u baahan in aad gargaar ka hesho “qof weyn oo habboon”. Fiiri “Dadka gargaar u baahan”.
    • adiga oo aan telefoonka dadka kula hadli karin, ama
    • adiga oo booliiska ku eedaynaya in ay wax aad u xun sameeyeen.

Marka talobixinta sharciyeed ee bilaash ah aanay ku koobnayn talobixinta telefoonka lagu helo ee adeegga CDS Direct:

  • Waxa aad codsan kartaa in aad la hadasho looyar aad garanayso oo khasab kuguma noqon doonto in aad lacagtiisa adigu bixiso haddii uu qofkaasi sameeyo shaqada lagu qabto gargaarka sharciyeed (legal aid). Haddii aadan looyar garanayn ama looyarka aad garanayso aanay suurtogal ahayn in lala xiriiro, waxa aad la hadli kartaa looyarka goobjoog ah (duty solicitor). Taasi waa kuu bilaash.
  • Looyarka goobjoog ahi shaqo kuma leh booliiska haba yaraatee.

Si loo qaban qaabiyo talobixinta sharciyeed ee bilaash ah:

  • Waxa ay booliisku la xiriiri doonaan Xarunta Wicista ee Looyarka Difaaca (Defence Solicitor Call Centre) (DSCC). Xarunta DSCC ayaa kuu qaban qaabin doonta in talobixin sharciyeed oo bilaash ah aad ka hesho, ama adeegga CDS Direct, looyar aad adigu dalbatay ama Looyarka Goobjoog ah.
  • Xarunta DSCC iyo adeegga CDS Direct waa adeegyo madaxbannaan oo ka mas’uul ah in ay qaban qaabiyaan talobixinta sharciyeed ee bilaash ah oo iyagu shaqo kuma leh booliiska haba yaraatee.

Haddii aad rabto in aad adigu iska bixiso lacagta talobixinta sharciyeed:

  • Dacwadaha dhammaantood adiga ayaa iska bixin kara lacagta talobixinta sharciyeed haddii aad rabto.
  • Marka talobixinta sharciyeed ee bilaash ah ay ku kooban tahay talobixinta telefoonka lagu helo ee adeegga CDS Direct waxa aad haddana la hadli kartaa looyar aad adigu dooratay oo aad kula hadli karto telefoonka haddii aad rabto, laakiin lacagtiisa laguma bixin doono gargaarka sharciyeed oo waxaa laga yaabaa in uu qofkaasi lacagtiisa adiga ku weydiisto. Xarunta DSCC ayaa looyarka gaar kuu ah adiga kuula xiriiri doonta.
  • Waxa aad xaq u leedahay in aad si gaar ah ula hadasho looyarka aad dooratay kaas oo aad kula yeelato telefoonka ama waxa uu qofkaasi go’aansan karaa in uu adiga kuugu yimaaddo saldhigga booliiska.
  • Haddii looyarka aad dooratay aanay suurtogal ahayn in lala xiriiro, booliisku waxa ay haddana wici karaan xarunta DSCC si ay u qaban qaabiyaan in talobixin sharciyeed oo bilaash ah aad ka hesho Looyarka Goobjoog ah.

2. Sida aad qof ugu sheegayso in aad saldhigga booliiska joogto

  • Waxa aad booliiska weydiisan kartaa in ay kuula xiriiriyaan qof isagu u baahan in uu ogaado in aad saldhigga booliiska joogto. Taasi waa kuu bilaash.
  • Waxa ay iyagu qof kuula xiriiiri doonaan islamarka suurtogal u ah.

3. Eegidda Xeerasha Habdhaqanka

  • Xeerasha Habdhaqanku waxa weeyaan xeerar iyagu kuu sheegi doona waxa booliisku ay samayn karaan iyo waxa aanay samayn karin muddada aad saldhigga booliiska joogto. Waxaa ka mid ah faahfaahinta xuquuqda ku soo kooban Ogaysiintan.
  • Booliisku waxa ay kuu oggolaan doonaan in aad akhrisato Xeerasha Habdhaqanka, laakiin sidan ma samayn kartid haddii ay dib ugu dhigayso in booliisku ay soo ogaadaan haddii aad sharciga ku geftay.
  • Haddii aad rabto in aad Xeerasha Habdhaqanka akhrisato, taas u sheeg Sarkaalka Haynta ee Booliiska.

4. Sida aad u helayso gargaar caafimaadeed haddii aad bugto ama dhaawac qabto

  • Booliiska u sheeg haddii aad jirro dareento ama aad daawo u baahan tahay ama aad dhaawac qabto. Waxa ay iyagu kuugu yeeri doonaan takhtar ama kalkaaliye caafimaad ama xirfadle kale oo ku shaqo leh daryeelka caafimaadka taasina waa kuu bilaash.
  • Waxaa laga yaabaa in laguu oggolaado in aad daawadaada iskaa u qaadato, laakiin waa in ay booliisku horta taas eegaan. Kalkaaliye caafimaad ayaa caadi ahaan horta ku eegi doona, laakiin waxa ay booliisku kuugu yeeri doonaan takhtar haddii aad mid u baahan tahay. Waxa aad codsan kartaa in aad aragto takhtar kale laakiin waxaa kugu waajibi karta in aad taas lacagteeda adigu bxiiso.

5. Xaqa aad u leedahay in aad aamusto

Haddii lagu weydiiyo su’aalo ku saabsan dembi lagugu tuhunsan yahay in aad adigu geysatay, khasab ma aha in aad wax sheegto.

Hase yeeshee, waxaa laga yaabaa in ay khasaare u geysato difaacaaga haddii aad sheegi weydo marka su’aal lagaa weydiiyo wax aad goor dambe isku tiiriso marka aad maxkamadda joogto.

Wixii aad tiraahdo waxaa laga yaabaa in daliil ahaan loo sheego.

6. Ogaanshaha dembiga lagugu tuhunsan yahay in aad geysatay iyo ogaanshaha sababta laguu soo xiray ee laguu hayo

  • Waa in booliisku ay kuu sheegaan nooca dembiga ay u arkaan in aad geysatay. Waxaa taas ka mid ah goorta iyo halka ay u arkaan in lagu geystay.
  • Waa in booliisku ay kuu sheegaan sababta ay u arkaan in aad adigu dembiga geysatay iyo sababta ay u aamminsan yihiin in ay u baahnaayeen in ay adiga ku soo xiraan.
  • Marka aad saldhigga booliiska joogto, waa in booliisku ay kuu sheegaan sababta ay u aamminsan yihiin in loo baahan yahay in adiga lagu hayo.
  • Ka hor inta aanan su’aalo lagaa weydiinin dembi kaste waa in booliisku ay adiga iyo looyarkaaga idin siiyaan macluumaad idin ku filan oo ku saabsan waxa ay booliisku u arkaan in aad samaysay si aad isku difaaci karto, laakiin sidaas ma noqonayso waqtiga khasaare u keeni kara baaritaanka booliiska.
  • Waxa ay taasi khusaysaa dembiyada kale ee ay booliisku u arkaan in aad geysatay.

7. Arkidda diiwaannada iyo dukumeentiyada ku saabsan xiristaada iyo hayntaada

  • Marka lagugu hayo saldhigga booliiska, waa in booliisku ay:
    • Diiwaankaaga haynta ku diiwaangeliyaan, sababta iyo baahida loo qabay xiristaada iyo sababta ay u aamminsan yihiin in loo baahan yahay in adiga lagu hayo.
    • Adiga iyo looyarkaaga idiin oggolaadaan in aad eegtaan diiwaannadaas. Sarkaalka haynta ee booliiska ayaa taas qaban qaabin doona.
  • Waxa ay taasi khusaysaa dembiyada kale ee ay booliisku u arkaan in aad geysatay.
  • Waa in booliisku ay adiga ama looyarkaaga idiin oggolaadaan in aad aragtaan dukumeentiyada iyo shayada daruuri ah ee suurtogelinaya in si waxtar leh looga hortago sharci ahaanta xiristaada iyo hayntaada.

8. Sida aad u helayso turjumaan iyo turjumaadda dukumeentiyo gaar ah si laguu caawiyo

  • Haddii aadan ku hadli karin ama fahmi karin luqadda Ingiriisiga, waxa ay booliisku kuu diyaarin doonaan qof luqaddaada ku hadla oo adiga ku caawiya. Taasi waa kuu bilaash.
  • Haddii aad dhego la’dahay ama uu hadalku kugu adag yahay, waxa ay booliisku kuu diyaarin doonaan turjumaanka Luqadda Fara Ka-hadalka Ingiriisiga si uu qofkaasi kuu caawiyo. Taasi waa kuu bilaash.
  • Haddii aadan ku hadlin af Ingiriisiga ama fahmi karin, waxa ay booliisku hubin doonaan in turjumaanku uu kuu sheego sababta ay adiga kuu haynayaan. Waa in sidaas la sameeyo mar kaste oo ay booliisku ku go’aan gaaraan in ay adiga xarig kugu hayaan.
  • Ka dib mar kaste oo ay ku go’aan gaaraan in ay adiga xarig kugu hayaan iyo ka dib marka si rasmi ah dembi laguugu eedeeyo, waa in ay booliisku weliba luqaddaada gaarka ah kugu siiyaan diiwaangelinta sababta adiga laguu haynayo iyo dembi kaste oo si rasmi ah laguugu eedeeyey, haddii aanay jirin sababo gaar ah oo ku kallifaya in aanay sidaas samaynin. Waxa ay kuwaasi yihiin:
    • Haddii aad ku go’aan gaarto in aadan diiwaangelinta ugu baahnayn si aad isku difaacdo maxaa yeelay waxa aad si dhammaystiran u fahansan tahay waxa dhacaya iyo natiijooyinka ka iman doona helitaan la’aanta diiwaangelinta oo aad fursad u heshay in aad looyar weydiisato in uu kaa caawiyo in aad taas ka go’aan gaarto. Waa in aad weliba oggolaanshahaaga ku bixiso qoraal.
    • Haddii turjumaadda oraah ah ama soo koobidda uu kuu sameeyo turjumaanku halkii turjumaadda qoran ay ku filan tahay si aad isku difaacdo oo aad si dhammaystiran u fahanto waxa dhacaya. Waa in sarkaalka hayntu uu weliba taas rukhseeyo.
  • Marka booliisku ay su’aalo ku weydiiyaan ee aanay cajalad ku duubin, waxa uu turjumaanku qori doonaa su’aalaha iyo jawaabahaaga iyaga oo ku qoran luqadda gaar kuu ah. Taas waad fiirin kartaa ka hor inta aadan saxiixin oo aadan xaqiijinin in si hagaagsan loo dhigay.
  • Haddii aad rabto in aad bayaan siiso booliiska, waxa uu turjumaanku nuqul ka samayn doonaa bayaankaas kaas oo ku qoran luqadda gaar kuu ah si aad adigu u fiiriso oo aad u saxiixdo in uu sax yahay.
  • Waxa aad weliba xaq u leedahay in Ogaysiintan laguu soo turjumo. Haddii aanan turjumaad laga soo diyaarinin, waa in warbixinta laguu soo mariyo turjumaan oo lagaa siiyo turjumaad qoran sida ugu dhakhso badan ee habboon.

9. Sida aad ula xiriirayso safaaradda ama qunsuliyadda dalkaaga

Haddii aadan Ingiriisi ahayn, waxa aad booliiska u sheegi kartaa in aad rabto in aad la xiriirto Hay’adda qaabilsan, Safaaradda ama Qunsuliyadda dalkaaga si aad iyaga ugu sheegto halka aad joogto iyo sababta aad u joogto saldhigga booliiska. Waxa ay iyagu weliba kuu soo booqan karaan si gaar ah ama waxa ay kuu diyaarin karaan looyar adiga kuu yimaadda.

10. Muddada lagu hayn karo

  • Waxaa caadi ahaan lagu hayn karaa ilaa 24 saacadood iyada oo aan si rasmi ah dembi laguugu eedayn. Muddadu intaas way ka badnaan kartaa laakiin waxa ay sidaas noqon kartaa uun haddii dembiga la horgeyn karo xaakin iyo xeerbeeg jooga maxkamadda dembiyada culus oo Kormeeraha guud ee Booliiska (Police Superintendent) ama maxkamad ay oggolaadaan in sidaas la sameeyo. Wixii 36 saacadood dhaafsan, maxkamadda oo keliya ayaa booliiska u oggolaan karta in ay waqti dheeraad ah ku hayaan iyaga oo aan dembi si rasmi ah kuugu eedayn.
  • Kolba mar waa in sarkaal booliis oo sare uu dacwaddaada baaro si uu u eego haddii ay habboon tahay in saldhigga booliiska weli lagugu sii hayo. Waxaa taas loo yaqaannaa dib u eegid oo sarkaalku waa sarkaalka dib u eegidda. Adiga oo ku sugan xaalad daran mooyee, waxa aad xaq u leedahay in aad ra’yi ka bixiso go’aankaas adiga oo qoraal ku dhigaya ama shakhsi ahaan ugu sheegaya sarkaalka dib u eegidda ama khad telefishin. Looyarkaaga ayaa sidoo kale xaq ugu leh in uu tan ra’yi ka bixiyo isaga oo magacaaga ku hadlaya.
  • Haddii sarkaalka dib u eegiddu uu ku sii dayn waayo, waa in laguu sheego taas sababteeda oo lagu diiwaangeliyo diiwaankaaga haynta.
  • Haddii aanan loo baahnayn in lagu hayo, waa in lagu sii daayo. Haddii booliisku ay kuu sheegaan in ay rabaan in ay dembiga sii baaraan, waxaa lagugu sii dayn doonaa ama damiinasho ama damiinasho la’aan. Haddii lagu damiino, waa in lagu siiyo ogaysiin qoran si laguugu sheego in ay waajib kugu tahay in aad saldhigga booliiska ku soo noqoto oo laguu sheego shuruudaha laga yaabo in ay qabanayaan damiinashadaada.
  • Marka ay booliisku rabaan in ay maxkamadda weydiistaan in ay kordhiso hayntaada:
    • Waa in lagu keeno maxkamadda marka dhegeysiga la qabanayo haddii la dejin waayo khad telefishin, si aad u arki karto oo aad u maqli karto dadka maxkamadda jooga oo ay adiga kuu arki karaan kuuna maqli karaan.
    • Khadka telefishinka lama dejin karo haddii sarkaalka hayntu uusan u arkin wax habboon, uusan looyar kaala talinin sida loo isticmaalo oo aadan adigu oggolaanshahaaga ka bixinin.
    • Waa in nuqul lagaa siiyo warbixinta maxkamadda la siinayo ee ku saabsan daliilka la hayo iyo sababta ay booliisku u rabaan in ay xarig kugu hayaan.
    • Waxa aad xaq u leedahay in uu looyar kula joogo dhegeysiga maxkamadda gudihiisa.
    • Waxaa booliiska loo oggolaan doonaa oo keliya in ay xarig kugu hayaan haddii maxkamaddu ay aamminsan tahay in taas loo baahan yahay oo ay booliisku si taxaddar leh u baarayaan dacwaddaada iyaga oo aanan waqti luminayn.
  • Haddii booliisku ay hayaan daliil ama caddayn ku filan si maxkamadda laguu geeyo, waxaa si rasmi ah laguugu eedayn karaa saldhigga booliiska ama boostada, si aad u timaaddo maxkamadda oo lagu mariyo.

11. Helitaanka daliilka haddii dacwaddaada Maxkamadda la geeyo

Haddii dembi si rasmi ah laguugu eedeeyo, adiga ama looyarkaaga waa in la idiin oggolaado in aad aragtaan daliilka ama caddaynta liddi kugu ah iyo weliba daliilka caawin kara difaacaaga. Waa in sidaas la sameeyo ka hor inta aadan maxkamadda tagin. Booliiska iyo Adeegga Ciqaabmarinta ee Boqortooyada (Crown Prosecution Service) waa in ay taas qaban qaabiyaan oo ay idin siiyaan dukumeentiyada iyo shayada muhiim ah.

Waxyaabaha kale ee aad u baahan tahay in aad ogaato ee ku saabsan joogidda Saldhigga Booliiska

Sida habboon in adiga laguula dhaqmo laguuna daryeelo

Qoraalladani waxa ay kuu sheegayaan waxa aad filan karto muddada adiga lagugu hayo saldhigga booliiska. Si aad war dheeraad ah u hesho, waxa aad codsataa in aad aragto Xeerasha Habdhaqanka. Waxaa kuwaas ku jira liis aad ka ogaanayso halka aad ka helayso warbixin dheeraad ah oo ku saabsan mid kaste oo waxyaabahan ka mid ah. Sarkaalka haynta ee booliiska weydii haddii aad wax su’aalo ah qabto.

Dadka gargaar u baahan

  • Haddii aad 18 jir ka yar tahay ama aad nugushahay, tusaale ahaan haddii aad qabto dhibaatooyin la xiriira waxbarashada ama dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda, markaa waxa aad xaq u leedahay in uu qof kula joogo marka ay booliisku waxyaabo gaar ah samaynayaan. Waxaa qofkaas loo yaqaannaa “qofka weyn ee habboon” ee kuu xilsaaran waxaana la siin doonaa nuqulka Ogaysiintan.
  • Qofka weyn ee habboon ee kuu xilsaaran ayaa kaa caawin doona in aad fahanto waxa dhacaya waxa uuna ka shaqayn doonaa danahaaga. Qofkaasi waa in uu adiga kula joogo marka ay booliisku kuu sheegayaan waxa ay xuquuqdaadu yihiin ayna kuu sheegayaan sababta laguugu hayo saldhigga booliiska. Waa in uu qofkaasi weliba kula joogo marka ay booliisku kuu akhrinayaan digniinta rasmiga ah ee booliiska.
  • Qofka weyn ee habboon ee kuu xilsaaran ayaa weliba magacaaga looyar ku codsan kara.
  • Waxa aad looyarkaaga la hadli kartaa iyada oo qofka weyn ee habboon ee kuu xilsaaran uusan qolka ku jirin haddii aad rabto.
  • Waxaa weliba dhici karta in booliisku ay u baahdaan in ay sameeyaan mid ka mid ah waxyaabaha halkan hoose ku taxan muddada aad saldhigga booliiska joogto. Haddii aanay jirin sababo gaar ahi, waa in qofka weyn ee habboon ee kuu xilsaaran uu waqtiga oo dhan kula joogo haddii booliisku ay sameeyaan wax kaste oo waxyaabahan ka mid ah:
    • Adiga oo ay ku waraystaan ama ku weydiiyaan in aad saxiixdo bayaan qoraal ah ama qoraallo booliisku ay sameeyeen.
    • Wixii dharkaaga sare aan ahayn oo ay kaa saaraan si ay kuu baaraan.
    • Kaa dhigayaan faraha, kaa qaadayaan sawir ama qayb DNA ama mid kale.
    • Wax ay qabtaan oo ku saabsan hawsha soo ogaanshaha dembiilaha oo markhaati loo adeegsado.
  • Waa in qofka weyn ee habboon ee kuu xilsaaran fursad loo siiyo in uu shakhsi ahaan u yimaaddo ama telefoonka diyaar ku ahaado si uu kuu caawiyo marka booliisku ay dib u eegayaan dacwaddaada si ay u fiiriyaan haddii ay habboon tahay in lagu sii hayo.
  • Haddii qofka weyn ee habboon ee kuu xilsaaran uu diyaar yahay, waa in uu soo xaadiro marka ay booliisku adiga si rasmi ah dembi kuugu eedaynayaan.

Sida aad u ogaanayso faahfaahinta ku saabsan waqtiga aad soo joogtay saldhigga booliiska

  • Wax kaste oo adiga kugu dhaca marka aad saldhigga booliiska joogto waa la diiwaangeliyaa. Waxaa taas loo yaqaannaa Diiwaanka Haynta (Custody Record).
  • Marka aad saldhigga booliiska ka baxdo, adiga, looyarkaaga ama qofka weyn ee habboon ee kuu xilsaaran ayaa nuqul ka codsan kara Diiwaanka Haynta. Waxaa booliiska waajib ku ah in ay nuqul kaa siiyaan Diiwaankaaga Haynta islamarka suurtsuurogaogal u ah.
  • Waxa aad booliiska weydiisan kartaa in ay nuqul kaa siiyaan Diiwaankaaga Haynta ilaa 12 bilood ka dib marka aad ka baxdo saldhigga booliiska.

Sida aad dadka ula xiriiri karto

  • Looyarka aad la hadasho iyo qof laguugu sheego in lagu xiray ka sokow waxaa weliba caadi ahaan laguu oggolaan doonaa in aad hal jeer telefoon dirato.
  • Booliiska weydiiso haddii aad jeclaan lahayd in aad telefoon dirato.
  • Waxa aad weliba codsan kartaa in lagu siiyo warqad iyo qalin.
  • Waxaa laga yaabaa in laguu oggolaado in ay dad ku soo booqdaan laakiin sarkaalka haynta ayaa diidi karaa in uu taas kuu oggolaado.

Qolkaaga

  • Haddii ay suurtogal tahay waa in lagugu hayo qol adiga gaar kuu ah.
  • Waa in uu kaasi ahaado mid nadiif ah, diiran oo iftiin leh.
  • Sariirtaadu waa in ay nadiif ahaato oo ay nidaamsanaato.
  • Waa in laguu oggolaado in aad isticmaasho musqusha oo aad mayrato.

Baahiyaha shakhsi ahaaneed – caafimaadka, nadaafadda jirka iyo daryeel

  • Waa in lagu weydiiyo haddii aad rabto in aad xubin ka mid ah shaqaalaha saldhiga si gaar ah ugala hadasho baahiyaha shakhsi ahaaneed ee ku saabsan caafimaadkaaga, nadaafaddaada jirka iyo badqabkaaga ee saamayn kara ama ku walaac gelin kara waqtiga adiga aad xiran tahay.
  • Waxay booliisku kuu qaban qaabin doonaan in lagu siiyo alaabta ama badeecooyinka loo arko in aad u baahan tahay si loogu daboolo baahiyahaaga. Haddii aad rabto, waxaa dhici karta in qofka aad la hadlayso aad isku jinsi noqotaan.
  • Haddii aad tahay haweeney 18 jir ah ama ka weyn, waa in lagu weydiiyo haddii aad u baahan tahay ama la filan karo in aad u baahato badeecooyinka caadada dumarka inta adiga aad xiran tahay waana in laguu sheego in:
    • badeecooyinka laguu siin doono si bilaash ah;
    • badeecooyinka bedelaada la heli karo; iyo
    • badeecooyinka ay kuu keeni karaan qaraabadaada ama saaxiibbadaadu iyagoo kharashka bixinaya haddii uu taas oggolaado sarkaalka saldhiga (custody officer).
  • Haddii aad tahay gabar 18 jir ka yar, sarkaalka saldhiga ayaa hubin doona in haweeney joogta saldhigga booliisku ay diyaar u tahay in ay adiga ku daryeesho oo ay kaa waraysato baahiyahaaga shakhsi ahaaneed iyo badeecooyinkaaga ama alaabta loo isticmaalo caadada dumarka.

Dharka

Haddii dharkaaga lagaa qaado, waa in markaa ay booliisku kuugu deeqaan dhar kale oo aad xirato.

Cuntada iyo cabbitaanka

Waa in cunto cabbitaan wadata laguu soo bandhigo 3 jeer maalintii. Waxa aad weliba cabbitaan heli kartaa inta u dhexeysa waqtiyada cuntada.

Jimicsiga

Haddii ay suurtogal tahay waa in laguu oggolaado in aad maalin kaste dibadda u baxdo si aad hawo u hesho.

Marka ay booliisku su’aalo ku weydiinayaan

  • Waa in qolku uu ahaado mid nadiif ah, diiran oo iftiin leh.
  • Waa in aanay khasab kugu noqon in aad sara joogto.
  • Askarta Booliisku waa in ay adiga kuu sheegaan magacooda iyo darajadooda.
  • Waa in aad nasan karto saacadaha caadi ahaan la cunteeyo oo waa in aad weliba nasan karto qiyaas ahaan laba saacadood ka dib si aad wax u cabto.
  • Waa in laguu oggolaado in aad seexato ugu yaraan 8 saacadood muddadii kaste ee 24 saacadood ah ee lagu hayo.

Baahiyaha Diimeed

Booliiska u sheeg haddii aad u baahan tahay wax kaa caawiya in aad gudato diintaada muddada aad saldhigga joogto. Waxa ay iyagu kuugu deeqi karaan buugaag diimeed iyo shayo kale, sida aad ugu baahato.

Waqtiyada xeerasha caadi ah ay is beddelaan

Sida aad u soo helayso looyar adiga ku caawiya

Waxaa jira waqtiyo gaar ah oo ay booliisku si degdeg ah ugu baahan yihiin in ay su’aalo ku weydiiyaan ka hor inta aadan looyar la hadlin. Warbixinta ku saabsan waqtiyadaas gaarka ah waxa ay ku qoran tahay Xeerasha Habdhaqanka. Waxa ay kuwaasi qeexayaan waxa booliisku ay samayn karaan iyo waxa aanay samayn karin muddada aad saldhigga booliiska joogto. Haddii aad rabto in aad faahfaahintooda eegto, waxa ay ku jirtaa baaragaraafka 6.6 ee Xeerka C ee Xeerasha Habdhaqanka.

Waxaa jira waqti keliya oo gaar ah oo booliisku ay kuu diidi doonaan in aad la hadasho looyarka aad dooratay. Marka ay taasi dhacdo waa in laguu oggolaado in aad doorato looyar kale. Haddii aad rabto in aad taas faahfaahinteeda eegto, waxa ay taasi ku jirtaa Lifaaqa B ee Xeerka C ee Xeerasha Habdhaqanka.

Sida aad qof ugu sheegayso in aad saldhigga booliiska joogto

Waxaa jira waqtiyo gaar ah oo booliisku ay kuu diidi doonaan in aad qof la xiriirto. Warbixinta ku saabsan waqtiyadaas gaarka ah waxa ay ku qoran tahay Xeerasha Habdhaqanka. Haddii aad rabto in aad faahfaahintooda eegto, waxa ay taasi ku jirtaa Lifaaqa B ee Xeerka C ee Xeerasha Habdhaqanka.

Dembiyada khamri baabuur lagu wado iyo mukhaadaraad baabuur lagu wado

Haddii laguu soo xiray sababta dembiga khamri baabuur lagu wado ama mukhaadaraad baabuur lagu wado, waxa aad xaq u leedahay in aad looyar la hadasho. Xaqaasi kama dhigna in aad diidi karto in aad booliiska u oggolaato in ay neeftaada, dhiiggaaga ama kaadidaada qayb ka qaadaan xataa haddii aadan weli looyarka la hadlin.

Haynta uu sabab u yahay Sharciga Caafimaadka Maskaxda ee 1983kii soo baxay

Waxa ay booliisku weliba adiga kugu hayn karaan saldhigga booliiska si laguu baaro taas oo waafaqsan Sharciga Caafimaadka Maskaxda haddii aad 18 jir tahay ama ka weyn tahay oo maadaama halis loogu jiro in habdhaqankaagu uu dhaawac xun ama dhimasho u keeni doono adiga ama dadka kale, si macquul ah looma filan karo in lagugu hayo meel kale. Haddii sababta laguu hayo ay tahay Sharciga Caafimaadka Maskaxda taasi kama dhigna in dembi laguu soo xiray.

Waxa ay ka dhigan tahay in ay booliiska waajib ku tahay in ay kuu qaban qaabiyaan in ay ku eegaan takhtar iyo Xirfadlaha Rukhsaysan ee Caafimaadka Maskaxda (Approved Mental Health Professional) oo aqoon leh si ay baarista u sameeyaan. Waa in lagugu baaro muddo 24 saacadood ah gudaheed ka dib marka aad timaaddo, ama lagu dhigo, saldhigga booliiska laakiin waxa ay booliisku isku dayi doonaan in ay taas kuu qaban qaabiyaan islamarka suurtogal ah. Goorta aad joogto saldhigga booliiska, waxaa laga yaabaa in la kordhiyo muddada haynta ee 24 saacadood ah oo lagu daro 12 saacadood kale haddii takhtar u arko in ay lagama maarmaan tahay oo uu oggolaado askari booliis oo aad u sarreeya. Muddadaas gudaheeda waxa ay booliisku kuu wareejin karaan meel halkaas ka habboon si ay u suurtogeliyaan in baarista la sameeyo.

Muddada aad sugayso in lagu baaro, waxa ay booliisku kuu qaban qaabin karaan in uu ku eego Xirfadlaha Rukhsaysan ee Daryeelka caafimaadku (Approved Healthcare Practitioner). Qofkaasi baarista ma samayn karo, laakiin waxa uu kaa caawin doonaa dhibaatooyinka kale ee caafimaadka ee laga yaabo in aad qabto waxa uuna kuu macnayn karaa waxa ay baaristu ka dhigan tahay.

Booqdeyaasha Haynta ee Madaxbannaan

Waxaa jira xubno bulshada ka mid ah oo loo oggol yahay in ay saldhigyada booliiska tagaan iyaga oo aan ka sii digniin bixin. Waxaa iyaga loo yaqaannaa booqdeyaasha haynta ee madaxbannaan (independent custody visitors) oo waxa ay u shaqeeyaan si samafal ah ama muttaddawacnimo si ay u hubiyaan in dadka la hayo si hagaagsan loola dhaqmo oo ay xuquuqdooda heli karaan.

Xaq uma lihid in aad aragto booqde hayn oo madaxbannaan mana codsan kartid in uu ku soo booqdo laakiin booqdaha ayaa codsan kara in uu ku arko. Haddii booqdaha haynta ee madaxbannaan uu ku soo booqdo muddada lagu hayo waxa uu qofkaasi taas u samayn doonaa si ka madaxbannaan booliiska waxa uuna fiirin doonaa in wanaaggaaga iyo xuquuqdaada la dhawrayo. Hase yeeshee, khasab kuguma aha adiga in aad qofkaas la hadasho haddii aadan rabin.

Sida aad cabasho u samayn karto

Haddii aad rabto in aad ka cabato habka laguula dhaqmay, waxa aad codsataa in aad la hadasho askari booliis oo isagu ah kormeere (inspector) ama darajo ka sarraysa. Ka dib marka lagu sii daayo, waxa aad weliba cabasho ula tagi kartaa saldhig kaste oo booliis, Xafiiska Madaxbannaan ee Habdhaqanka Booliiska (Independent Office for Police Conduct) (IOPC) ama waxa aad sii marin kartaa looyar ama Xildhibaankaaga (MP) si ay magacaaga taas ugu sameeyaan.