Warka caalamka

UK, US and EU envoys call for withdrawal of forces from disputed areas

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Ergayga Gaarka ee Mareykanka u Qaabilsan Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Yurub u Qaabilsan Soomaaliya Waxay ka codsanayaan dhammaan Ciidamada Meleteri in ay dib uga Baxaan Goobaha lagu Muransan yahay ee ku yaalla Gobolada Sool iyo Sanaag

Tani waxa la daabacayaa iyadoo kujirta 2010 to 2015 Conservative and Liberal Democrat coalition government
Ambassador Neil Wigan

UK Ambassador to Somalia Neil Wigan

Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Neil Wigan, Ergayga gaarka ah ee Mareykanka u Qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James P. McAnulty, iyo Wakiilka gaarka ah ee midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervoned’Urso, ayaa walaac weyn ka muujiyey xoogaga meleteri ee la geeyey goobaha lagu muransan yahay ee u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland.

Waxaan ku baaqeynaa in si degdeg ah dib looga saaro ciidmada hubeysan goobaha lagu muransan yahay ee gobolada Sool iyo Sanaag, waxaana ugu baaqeyn dadka ay arrintaan quseyso in ay ka waantoobaan rabshadaha. Waxaan ku baaqeyna is-xakameyn iyo in laga hortago isticmaalka ciidan. Dhammaan qaybaha ay quseyso arrintaan waa in ay dadaal degdeg ah sameeyaan si loogu xalliyo khilaafka wadahadal nabadeed iyo in si dhab ah loo muujiyo doonista in la abuuro waxyaabaha muhiimka u ah daganaansho waarto oo ka dhacda gobolka.

Safiirka Ingiriiska, Ergayga gaarka ah ee Maraykanka, iyo Wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub waxay ku boorinayaan maamulada Somaliland iyo Puntland in ay Kaashadaan bulshada deegaanka, ayna nidaam wax dhisayo helaan, si qaab wadajir ah wax looga qabto tabashada dhaqaalaha, horumarka, iyo bini’aadanimo ee dadka ku nool gobolada la isku haysto, iyadoo aan la eegeyn sheegashada goobahaan. Wakiiladaan ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay in la caawiyo dhammaan qaybaha ay quseyso arrintaan si loo raadiyo xeer-jajab iyo in laga shaqeeyo nabad waarta iyo deganaansho uu helo gobolka.

La daabacay 17 June 2014
Markii ugu dambaysay ee la cusboonaysiiyay 17 June 2014 + show all updates
  1. Added translation

  2. First published.