Hagista loogu talagalay kuwa daryeel lacag la'aan ah ku bixiya asxaabta ama qoyska
La cusboonaysiiyay 8 July 2021
Cidda loogu talagalay hagistan
Waxaa hagistan loogu talagalay qof kastoo jooga England oo daryeela, isagoo aan lacag helin, qof ay saaxiibbo yihiin ama xubin ka mid ah qaraabada oo aan ismaamuli karin taageeradiisa la’aanteed, sababtoo ah xaalad caafimaad da’wayni awgeed, cudur, naafonimo, dhaawac daran, xaalad caafimaad oo maskaxda ka haysata ama caadaysiga maandooriye.
Waxay ku salaysan tahay hagista kale ee ku daabacan barta GOV.UK, sida:
-
xadaymaha koronafayrus (COVID-19): waxa aad samayn karto iyo waxa aadan samayn karin
-
hagista loogu talagalay reeraha suurogal ah in uu ku jiro caabuqa koronafayrus
Daryeeleyaasha da’ yar iyo daryeeleyaasha qaangaarka dhallinyarada ah
Waxay hagistu weliba waxtar u yeelan kartaa dadka ka yar 25 jir (daryeeleyaasha da’ yar iyo daryeeleyaasha qaangaarka dhallinyarada ah) oo qof daryeel siiya. Macluumaadka iyo talada la bixiyey waxaa loogu talagalay in ay daryeeleyaasha da’da yar ka caawiyaan in ay fahmaan isbeddellada ay u baahan yihiin in ay sameeyaan waxaana lagu tilmaamayaa gargaarka diyaarka ah inta lagu jiro dillaaca cudurka koronafayrus (COVID-19).
Waxaad tahay daryeele da’ yar haddii aad ka yar tahay 18 jir oo aad daryeesho qof taageero uga baahan nolol maalmeedka. Qof aad saaxiibbo tihiin ama xubin ka ah qaraabada (waalidka, walaalka, walaasha, awowga ama ayeeyada ama qaraabo kale) ayaa taageero u baahan kara sababtoo ah cudur, naafonimo, dhaawac daran, xaalad caafimaad oo maskaxda ka haysata ama caadaysiga maandooriye.
Haddii aad ka weyn tahay 16 jir laakiin aad ka yar tahay 25 jir oo aad daryeesho ama masuuliyado daryeel u hayso qof kale, waxaad tahay daryeele qaangaar dhallinyaro ah. Waxaa laga yaabaa in aad la deggan tahay ama aadan la degganayn dadka aad daryeesho.
Haddii qof walba uu caafimaad qabo, waxaad sii wadi kartaa in aad bixiso daryeelka daruuriga ah oo waad safri kartaa si aad daryeelkan u bixiso. Eeg macluumaadka hoose ku saabsan waxa aad samaynayso haddii qof uu leeyahay calaamadaha cudurka ama baaritaankiisa lagu helay koronafayrus.
Talada guud
Xadaymaha koronafayrus
Dawladdu waxay soo saartay Jawaabcelinta ku toosan cudurka COVID-19 – guga 2021 oo ay ku qeexan tahay khariidadda dariiqa lagaga baxayo xiritaanka waddanka ee hadda ee loogu talagalay England. Waxay tani sharxaysaa sida xadaymaha waqti ka dib loo dabcin doono.
Qaar ka mid ah xeerarka ku saabsanwaxa aad samayn karto iyo waxa aadan samayn karinayaa la beddelay maalintii 21kii Juun. Hase yeeshee, xadaymo farabadan ayaa weli jira.
Nooc cusub ee cudurka COVID-19 ayaa ku fidaya qaybo ka mid ah England. Waxaa laga yaabaa in talo dheeraad ah loo soo saaray degaankaaga ama xaafaddaada. Soo ogow waxa aad u baahan tahay in aad samayso.
Badbaadinta naftaada iyo qofka aad daryeesho
Haddii adiga, ama qofka aad daryeesho, aydaan calaamado cudur lahayn markaa fadlan eego hagista ku saabsan nadaafadda ee ku taalla barta internetka ee adeegga NHS, oo sheegaysa:
Samee:
-
dhaqidda ama mayridda gacmahaaga marar badan oo aad ku dhaqdo biyo iyo saabuun, ugu yaraan 20 ilbiriqsi
-
isticmaalidda dareeraha gacmaha jeermiska ka tira haddii biyo iyo saabuun aadan heli karin
-
daboolidda afkaaga iyo sankaaga oo aad ku daboosho naabkin ama dharkaaga (ha ku daboolin gacmahaaga) marka aad qufacdo ama hindhisto
-
tuuridda naabkinnada aad isticmaashay oo aad islamarkaaba ku tuurto baaldiga qashinka iyo dhaqidda gacmahaaga ka dib
-
nadiifinta marar badan ee waxyaabaha iyo meelaha aad taabato (sida dhegaha ama daababka albaabbada, kirliyada iyo telefoonnada) adigoo isticmaalaya badeecooyinka caadiga ah ee aad wax ku nadiifiso
-
ku fikiridda in aad xirato waji shareer marka aad ku jirto bannaano lagula wadaago
-
furidda daaqadaha qolka aad ku jirto iyo bannaanada lagula wadaago inta suurogalka ah
Ha samaynin:
- wadaagista tuwaallada ama shukumaanada, xataa tuwaallada yar yar ee gacmaha iyo marooyinka wax lagu engejiyo
Fadlan hoosta ka eeg xaaladaha gaarka ah si aad u ogaato waxa aad samaynayso haddii adiga ama qofka aad daryeesho ay idinka muuqdaan calaamadaha cudurku.
Helitaanka tallaalka
Dhammaan daryeeleyaasha aanan lacag helin ee ugu qalma kooxda mudnaanta 6 ee Guddiga Wadajirka ah ee Tallaallada (Joint Committee on Vaccination and Immunisation) (JCVI) waa in iminka tallaal loogu baaqay ama loo soo bandhigay.
Haddii aad tahay daryeele aanan lacag helin, waad u qalantaa, marka aad ama:
-
U qalanto gunnada daryeelaha (carer’s allowance)
-
U aqoonsan tahay daryeelaha ugu muhiimsan oo uu kuu aqoonsaday Dhakhtarkaaga Guud (GP)
-
Hesho taageero ka dib qiimaynta daryeelaha ee uu kaa qaaday kawnsalka xaafaddaada ama urur daryeele oo xaafadda ku yaalla
-
Tahay daryeelaha keliya ama ugu muhiimsan ee daryeel shakhsi ahaaneed oo dhow ama taageero fool-ka-fool ah siiya qof waayeel ah ama naafaysan oo caafimaad ahaan u nugul cudurka COVID-19.
Haddii aad u qalanto laakiin aadan helin qiyaasta koowaad ee tallaalka ama ballan waa in aad la xiriirto xafiiska Dhakhtarkaaga Guud. Faa’iidooyin farabadan ayay leedahay marka aad Dhakhtarka Guud isku qorto ama iskaga diiwaangeliso in aad daryeele tahay. Marka ay sidaas sameeyaan waxaa daryeeleyaasha laga wargelin karaa adeegyada taageerada ee xaafadda waxaana loo mudnaan siin karaa tallaallo gaar ah sida cudurka COVID-19 iyo tallaalka ifilada. Waxaad sii akhrisan kartaa talada loogu talagalay daryeeleyaasha ee ku saasban tallaalkacudurka Covid-19.
Tallaallada iminka looma rukhsaynin ama shati lagama bixinin in la siiyo carruurta ka yar 16 jir. Haddii aad walaacyo ama su’aalo ka qabto tallaalka, fadlan eeg:
Ama la xiriir Dhakhtarkaaga Guud ama xirfadlaha ama adeegga caafimaadka ee habboon.
Waxa habboon in aad samayso si aad isku diyaariso
Annagu waxaannu dhammaan daryeeleyaasha kula talinaynaa in ay qorshe loogu talagalay xaaladda degdegga ah la sameeyaan qofka ay daryeelaan, si ay ugu isticmaalaan xaaladaha loogu baahan karo gargaarka dadka kale si daryeelka loo bixiyo. Iyadoo ku xiran xaaladaha ama duruufta, waxay tani noqon kartaa gargaarka laga helo qaraabada ama saaxiibbada, ama daryeel bixiye.
Si aad u samayso qorshe xaalad degdeg ah oo ku toosan baahiyaha qofka aad daryeesho, waxaad u baahan doontaa in aad qeexdo:
-
magaca iyo cinwaanka iyo macluumaadka kale ee xiriirka ee qofka aad daryeesho
-
cidda aad adiga iyo qofka aad daryeesho rabtaan in lala xiriiro haddii ay xaalad degdeg ahi timaaddo
-
macluumaadka ku saabsan daawooyinka uu qaato qofka aad daryeesho
-
macluumaadka ku saabsan daawaynta joogtada ah ee uu qofku u baahan yahay
-
macluumaadka ku saabsan ballamaha caafimaadka ee uu qofku u baahan yahay in uu xafido
Waa in aad weliba hubiso in ay taasi ku qoran tahay qaab si diyaar ah loogula wadaagi karo dadka kale ee u baahan doona in ay qorshaha kala hadlaan qofka aad daryeesho.
Macluumaad dheeraad ah waxaa laga heli karaa ururka daryeeleyaasha ee Carers UK.
Waxaa laga yaabaa in aad diyaarsan karto gargaarka iyo taageerada aad ka hesho qaraabada iyo saaxiibbada, laakiin waxaa niyadda kudejin karta in aad soo dhexgal ka hesho dawladdaada hoose ama bixiyahaaga daryeelka caafimaadka oo aad isticmaasho haddii nidaamyada aan rasmiga ahayn ee diyaar kuu ah ay fashilmaan. Waxaa weliba waxtar kuu yeelan karta in aad la xiriirto ururka taageerada daryeeleyaasha ee xaafaddaada oo kaa caawin kara qorshaynta waxa dhici kara. Waxaad warka ku saabsan ururrada daryeeleyaasha ee xaafadda ka heli kartaa ururka Carers UK.
Waxaad weliba macluumaadka ku saabsan adeegyada xaafadda ka heli kartaa barta internetka ururka Carers Trust.
Haddii aad tahay daryeele da’ yar qaraabadaada iyo qofka aad daryeesho kala hadal waxa aad samayn karto haddii qof uu bukoodo ama jirrado. Qorshahan meel ku qoro, oo hubi in qof walba uu og yahay halka laga heli karo. Waxaad kaas ku dhaafi kartaa meel qof walba ka arki karo, sida albaabka tallaagadda.
Macluumaadka ku jira barta internetka ee adeegyada daryeeleyaasha da’ yar ee ururka carruurta ee Children Society ayaa waxtar kuu yeelan kara.
Daryeelidda qof caafimaad ahaan aad iyo aad u nugul
Waxaa la cusboonaysiiyeyhagista ku saabsan sida dadka caafimaad ahaan aad iyo aad u nugullooga gabbeeyo loogana badbaadiyo cudurka COVID-19. Fadlan hagistan ka eeg taladii ugu dambaysay ee loogu talagalay kooxdan dadka, oo uu ku jiro qeexitaanka kooxaha ‘caafimaad ahaan aad iyo aad unugul’iyo macluumaadka ku saabsan shaqaynta, dhexgalka bulshada iyo isku diiwaangelinta taageerada.
Haddii qofka aad daryeesho uu ka walaacsan yahay indaryeelihiisa caadiga ah ee lacagta hela uu gurigiisa soo galo kana baxo iyo halista caabuqa
Waxaa la sii wadi karaa daryeelka la siiyo dadka nuguliyo kuwa naafaysan. Waxay dawladdu soo saartay koronfayrus (COVID-19): hagista ku saabsan bixinta daryeelka guriga si loo hubiyo in nadaafadda laga gaaro heer habboon si loo yareeyo halista caabuqa. Daryeel bixiyaha kala hadal nidaamyada ama hannaanada ay raacaan si ay nadaafad fiican u hayaan.
Qalabka jirka lagu badbaadiyo (personal protective equipment) (PPE)
Waxaannu waqtiga xaadirka ah bilaash ku bixinnaa qalabka jirka lagu badbaadiyo ee PPE ee loogu baahdo cudurka COVID-19 oo aan siinno daryeeleyaasha aanan lacag helin ee aanan la degganayn qofka ama dadka ay daryeelaan. Waxaa tan la heli karaa ilaa dhammaadka bisha Maarso 2022 waxaana laga heli karaa dawladaha hoose (LA-yada) iyo fagaareyaasha adkaysiga ee xaafadda (LRF-yada).
Eeg qalabka jirka lagu badbaadiyo (PPE): xiriirrada xaafadda ee shirkadaha ama ururrada bixiya si aad u hesho macluumaadka LA-yada iyo LRF-yada qalabka PPE u diyaariya daryeeleyaasha aanlacag helin. Iyaga ayaad la xiriiri kartaa si aad u codsato qalabka PPE.
Baaqani waxuu diyaar u yahay si loogu daboolo baahiyaha qalabka PPE ee soo shaac baxay cudurka COVID-19 awgiis. Haddii aad caadi ahaan isticmaasho qalabka PPE sababtoo ah nooca daryeelka aad bixiso, waa in aad ka sii hesho dariiqyada caadiga kuu ah.
Haddii aad la deggan tahay qofka ama dadka aad daryeesho, uma baahnid in aad xirato qalabka PPE haddii uusan taas kugula talinin xirfadle daryeel caafimaad, sida Takhtar Guud ama kalkaaliye.
Haddii aad tahay daryeele da’ yar la hadal qaraabadaada iyo qofka aad daryeesho haddii aadan hubin waxa aad samaynayso.
Qalabka PPE ee loogu talinayo daryeeleyaasha aan lacag helin oo aanla degganayn qofka ama dadka ay daryeelaan
Haddii aadan la degganayn qofka ama dadka aad daryeesho, waxaa lagu talinayaa in aad xirato qalabka PPE ee jirka lagu badbaadiyo marka aad daryeelka bixinayso.
Waxaa loo baahan yahay in qalabka PPE si sax ah loo xirto si loo yareeyo halista gudbinta cudurka. Qalabka PPE waa in aad ku xirato oo aad iskaga saarto meel ugu yaraan 2 mitir u jirta qofka aad daryeelayso.
Eeg hagista ku saabsan sida saxda ah ee loo xirto la iskagana saaro qalabka PPE,hage sawirro leh ayaa la socda ku saabsan nooca qalabka PPE la xirto iyo goorta la xirto.
Nooca qalabka PPE ee habboon in aad xirato wuxuu ku xirnaan doonaa nooca daryeelka aad bixiso. Nooca maaskarada qalliinka (Type II/ Type IIR) ee adiga lagu siiyey ayaa si cad uga muuqan doona sanduuqa.
Dhacdo male ah | Nooca daryeelka la bixinayo | Qalabka PPE ee lagu talinayo |
---|---|---|
1 | Daryeelka shakhsi ahaaneed ee aad ku taabato qofka ama dadka aad daryeesho | - Dufan dhowr - Gacangashiyo - Maaskarada qalliinka nooca Type IIR - Qalab lagu dhawro indhaha, ama shaashad wajiga la saaro ama muraayad caag ah, ayaa la isticmaali karaa (muraayadda indhaha ee takhtar qoray laguma dhawri karo indhaha) haddii halis loogu jiro in la taabto dareeraha jirka ka soo baxa (tusaale ahaan, maxaa yeelay qofka aad daryeesho ayaa qufacaya) Qalabkan PPE ayaa weliba meesha ku habboon haddii qofka ama dadka aad daryeesho ay caafimaad ahaan aad iyo aad ugu nugul yihiin cudurka COVID-19. |
2 | Marka aad ku jirto reerka ama guriga qofka ama dadka aad daryeesho, adigoo ilaa 2 mitir u jira qof kastoo qufacaya (haddii aad qofkaas daryeesho iyo haddii kale) ama qof kastoo baaritaan looga helay cudurka COVID-19 ama karantiil ama is go’doomin ku jira | - Dufan dhowr - Gacangashiyo - Maaskarada qalliinka nooca Type IIR - Qalab lagu dhawro indhaha, ama shaashad wajiga la saaro ama muraayad caag ah, ayaa la isticmaali karaa (muraayadda indhaha ee takhtar qoray laguma dhawri karo indhaha) haddii halis loogu jiro in la taabto dareeraha jirka ka soo baxa (tusaale ahaan, maxaa yeelay qofka aad daryeesho ayaa qufacaya) Qalabkan PPE ayaa weliba meesha ku habboon haddii qofka ama dadka aad daryeesho ay caafimaad ahaan aad iyo aad ugu nugul yihiin cudurka COVID-19. |
3 | Marka aad ilaa 2 mitir u jirto qofka ama dadka aad daryeesho (sabab kastoo aad ugu baahato) laakiin aad taabanayn | - Maaskarada qalliinka nooca Type II ama Type IIR - Looma baahna dufan dhowr iyo gacangashiyo (haddii aadan caadi ahaan kuwaas u isticmaalin hawsha aad qabanayso – tusaale ahaan, nadiifin) Qalabkan PPE ayaa weliba meesha ku habboon haddii qofka ama dadka aad daryeesho ay caafimaad ahaan aad iyo aad ugunugulyihiin cudurka COVID-19. |
4 | Marka aad ku jirto reerka ama guriga qofka ama dadka aad daryeesho, oo aad iyaga u jirto in ka badan 2 mitir | - Maaskarada qalliinka nooca Type I, Type II ama Type IIR Qalabkan PPE ayaa weliba meesha ku habboon haddii qofka ama dadka aad daryeesho ay caafimaad ahaan aad iyo aad ugu nugulyihiin cudurka COVID-19. |
Weliba eeg:
- COVID-19: sida nabadda ah ee looga shaqeeyo daryeelka guriga ee England si aad faahfaahin dheeraad ah uga hesho hagista ku saabsan qalabka PPE iyo nidaamyada habboon in la raaco.
Gacangashiyada iyo dufan dhowrrada la iska tuuro waxaa la isticmaali karaa hal jeer keliya, waana in la iska tuuro islamarkaaba ka dib hawl kastoo daryeel ah (tusaale ahaan, ka dib marka aad u qubaysay ama u mayrtay qofka aad daryeesho ama ka dib marka qofka aad daryeesho aad ka caawisay cunto qaadashada), ka hor inta aadan gacmahaaga dhaqin.
Waa in aadan maaskaradaada taabanin inta aad xiran tahay, wixii aan ahayn marka aad xiranayso ama iska saarayso. Waa in aad maaskarada iska tuurto marka aad ka saartay wajigaaga, hoos ugu dejisay garkaaga ama haddii ay xumaato, wasakh yeelato, qoydo, ama ay dhib kugu noqoto in aad isticmaasho. Marka aad iska saarto, waxaad u baahan doontaa in aad maaskaro cusub u isticmaasho booqashadaada daryeelka ee xigta.
Waa in aad sii raacdo talada ku jirta hagistan iyo hagista ku saabsan badbaadinta dadka caafimaad ahaan aad iyo aad ugu nugulkoronafayrus ee ku saabsan sida aad u badbaadinayso naftaada iyo dadka aad daryeesho.
Haddii aad tahay daryeele da’ yar la hadal qaraabadaada iyo qofka aad daryeesho haddii aadan hubin waxa aad samaynayso. Hawlwadeenkaaga bulsheed (social worker) (haddii aad mid leedahay) ayaad weliba kala hadli kartaa sida aad ugu tagi karto dawladdaada hoose si aad u fahanto waxa adiga suurogal kuu ah ee kugu habboon.
Dib u eegis ayaan ku haynaa ra’yigeenan.
Xirashada waji shareer haddii aad u baahan tahay in aad baxdo
Waxaa jira meelo ay sharci ahaan waajib tahay in aad u xirato waji shareer, haddii aan laguu oggolaanin inaadan xiranin ama aadan haysanin sabab macquul ah. Raadi macluumaadka ku saabsan halka waajib kugu ah in aad u xirato maaskarada wajiga iyo dadka aan laga doonaynin inay xirtaan.
Waxaa weliba aad laguugu dhiirrigelinayaa in aad waji shareer xirato marka aad joogto bannaanada dadweynaha ee kale ee xiran ee ay ku adkaan karto kala fogaynta dadka ama aad xiriir ugu dhawaato dadka aadan caadi ahaan la kulmin.
Waxaa muhiim ah in aad waji shareerrada u isticmaasho si sax ah oo aad gacmahaaga dhaqdo ka hor inta aadan kuwaas xiranin ee aadan iska saarin. Waxaad waji shareerrada ku samayn kartaa guriga. Waji shareerku waa in uu daboolo afkaaga iyo sankaaga.
Haddii qofka aad daryeesho uu ku jiro hoy daryeel
Haddii aadan lahayn calaamadaha cudurka, waa in aad xiriir kula jirto hoyga daryeelka si aad u fahanto nidaamka ka diyaar ah xaafadda ee u yaalla sida loola xiriiro degganeyaasha oo raac hagista ka timaadda hoyga daryeelka marka aad booqanayso.
Dhowrista caafimaadkaaga gaarka ah waqtiga aad dadka kale daryeelayso
Waxaa muhiim ah in aad daryeesho caafimaadkaaga iyo wanaagqabkaaga gaarka ah oo aad weliba taageerto dadka kale ee aad daryeesho, gaar ahaan maadaama ay waqtiga xaadirka ah iman karaan xaalado cadaadisyo dheeraad ah keeni kara. Waxaa hagista ku jira macluumaad guud oo loogu talagay dadweynaha oo ku saabsan caafimaadka maskaxda iyo wanaagqabka oo ku saabsan daryeelidda wanaagqabkaaga, iyo weliba hagis sii faahfaahsan oo ku saabsan daryeelka nafta iyo ilaha laga helo taageerada khusaysa caafimaadka maskaxda iyo wanaagqabka waqtiga lagu jiro dillaaca cudurka. Waxaa weliba ku jirta talo khaas ah oo loogu talagalay dadka qaba cudurka waalidda ee dementia, dhakaakaha (autism), naafooyinka waxbarashada ama baahiyaha dheeraadka ah ee caafimaadka maskaxda.
Fikradaha waxaa ka mid ah daryeelidda maskaxdaada iyo weliba jirkaaga iyo helidda taageerada haddii aad u baahato. Firfircoonida jirka ee maalin walba ayaa muhiim u ah caafimaadka iyo wanaagqabka, xataa maamulka cadaadisyada, iyo dhiirrigelinta dareennada wanaagsan iyo hurdada. Waxaad raadin kartaa fikradaha ku saabsan jimicsiyada aad guriga ku samayn karto ee ka socda hay’adda Caafimaadka Dadweynaha ee England (Public Health England) (PHE).
Waqtiga xaadirka ah isku tiiri taageerada laga yaabo in ay kaaga diyaar tahay saaxiibbadaada, qaraabadaada iyo shabakadaha ama dadka kale ee aad taaqanno. Isku day in aad xiriir kula jirto dadka kugu hareersan adigoo kula xiriira telefoonka, boostada, ama internetka. Dadka u sheeg sida aad rabto in aad ula xiriirto oo taas ku dar hawlahaaga caadiga ah. Waxay tani weliba muhiim u tahay daryeelka wanaagqabkaaga maskaxda waxaana waxtar kuu yeelan karta in aad iyaga kala hadasho waxa aad dareensan tahay.
Xasuusnow in ay hagaagsan tahay in aad walaacyadaada la wadaagto dadka kale ee aad aaminto oo sidaas ayaa laga yaabaa in aad aakhirka iyagana taageero ku siiso. Ama waxaad isticmaali kartaa khad caawin uu adeegga NHS ku taliyey.
Haddii aad u baahan tahay taageero ama gargaar takhasus leh, dhammaan Ururrada isbitaalka ee Caafimaadka Maskaxda ee adeegga NHS ayaa bixiya khadad telefoon oo 24 saac 7 maalin furan si ay ugu taageeraan dadka da’ walba ah waxayna sii wadaan taageerada caafimaadka maskaxda ee ay siiyaan carruurta iyo dhallinyarada. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida khadadkan loola xiriiro ayaa diyaar ku ah barta internetka Ururka isbitaalka Caafimaadka Maskaxda ee xaafaddaada.
Waxaa weliba waxtar kuu yeelan karta in aad la xiriirto ururka taageerada daryeeleyaasha ee xaafaddaada oo kaa caawin kara qorshay ku saabsan dhacdooyinka suurogalka ah. Waxaad warka ku saabsan ururrada daryeeleyaasha ee xaafadda ka heli kartaa ururkaCarers UK. Waxaa weliba ku jira fagaaraha internetka ururka Carers UK.
Hay’adda Caafimaadka Dadweynaha ee England ayaa soo saartay hagis ku saabsan sida loo taageero caafimaadka maskaxda iyo wanaagqbaka carruurta iyo dhallinyarada inta lagu jiro cudurka safmarka oo minbarradeeda lagu magacaabo ‘Every Mind Matters’ (Maan Walba Waa Muhiim) iyo ‘Rise Above’ (Kor u Dhaaf) ayaa haya macluumaad loogu talagalay carruurta iyo dhallinyarada.
Daryeeleyaasha da’da yar iyo daryeeleyaasha qaangaarka dhallinyarada ah waxaa weliba waxtar u yeelan kara macluumaadka ku jira barta internetka ururka carruurta ee Children’s Society.
Daryeeleyaasha da’ yar
Haddii aad tahay daryeele da’ yar, waxaad soo qaadi kartaa daawooyinka marka aad rukhsad ka hesho qofka aad daryeesho. Shaqaalaha farmashiyayaasha qaarkood ayaa diidi kara in ay kuu dhiibaan daawooyinka haddii ay u arkaan in aysanhagaagsanayn.
Haddii aad caadi ahaan qofka aad daryeesho u soo qaaddo daawooyinka loo qoray oo aad is go’doominayso, waa in aad isku daydo in aad u diyaariso nidaamyo kale. Waa in aad isku daydo in aad taageero u doonato saaxiibbada iyo qaraabada si ay kuu caawiyaan haddii ay suurogal tahay.
Dugsiyada iyo waxbarashada
Tagidda dugsiga ama kulliyadda
Intii lagu jiray xiritaanka waddanka, dugsiyada iyo kulliyadaha lagama xirin xaadirista goobta ee carruurta nuguliyo carruurta shaqaalaha daruuriga ah. Laga bilaabo maalintii 8 Maarso carruurta iyo ardayda dhammaantood ayaa ku noqday dugsiga ama kulliyadda oo xaadirista ayaa mar kale waajib noqotay taariikhdan ka dib. Akhriso nuskhaddii ugu dambaysay eehagista loogu talagalay waalidiinta iyo daryeeleyaasha, ardayda iyo ardayda jaamacadda, macallimiinta iyo hoggaamiyeyaasha goobaha waxbarashada.
Haddii aad ku niyadsamayn tagidda dugsiga ama kulliyadda, ama aad ka walaac qabto caafimaadka qof ku jira reerkaaga ama dadka aad daryeel siiso, waa in aad tan kala hadasho dugsigaaga ama kulliyaaddaada iyo hawlwadeenkaaga bulsheed (haddii aad mid leedahay).
Taageerada aad ka hesho dugsigaaga ama kulliyaddaada
Dugsigaaga, kulliyaddaada ama hawlwadeenkaaga bulsheed (haddii aad mid leedahay) ayaa taageero kaa siin kara waxbarashadaada, tusaale ahaan, iyagoo waqti dheeraad ah kuu siiya shaqada ama kula xiriiriya adeegyada daryeeleyaasha da’ yar ee xaafadda.
Haddii aadan hubin in dugsigaaga ama kulliyaddaadu ay og yihiin in aad tahay daryeele da’ yar, waxaad la hadli kartaa macallin, kalkaaliyaha dugsiga ama qof aad aaminayso waxaadna u sheegi kartaa in aad u aragto in aad u baahan tahay taageero dheeraad ah.
Waxaa laga yaabaa in aadan rabin in dugsigaaga ama kulliyaddaadu ay ogaadaan in aad qof daryeesho. Laakiin haddii ay ogaadaan, waxay fahmi doonaan in xaaladdu ay adiga mararka qaar kugu adag tahay. Waxaa fikrad fiican ah in ugu yaraan hal macallin ama kalkaaliye dugsi oo aad aaminayso aad u sheegto in aad daryeele tahay. Hawlwadeenka taageerada daryeelaha da’da yar ayaa weliba ku caawin kara. Waxaad weliba si qarsoodi ah ula hadli kartaa kalkaaliyaha dugsigaaga.
Haddii aad u aragto in aad u qalanto cuntooyinka bilaashka ah ee dugsiga ama kulliyadda laakiin aadan hore u heli jirin, dugsiyada, kulliyadaha iyo dawladaha hoose ayaa weli aqbala codsiyada cuntada dugsiga iyo kulliyadda. Eegshuruudaha lagu dalbado cuntooyinka bilaashka ah ee dugsiga (ee dugsiyada), ama cuntooyinka bilaashka ah ee xarumaha loo maalgeliyo waxbarashada sare (ee kulliyadaha) Waxaad weliba la hadli kartaa kulliyaddaada ama xaruntaada waxbarashada sare oo talo kuugu deeqi karta.
Waxaa taageero dheeraad ah laga heli karaa bogga taageerada adeegga NHS ee loogu talagalay daryeeleyaasha da’da yar.
Taageerada aad ka hesho jaamacaddaada
Jaamacaduhu way madax bannaan yihiin waxaana kala duwanaan doonta taageerada ay ku deeqaan. Waa in qof aad aaminayso oo jooga xaruntaada aad kala hadasho taageerada laga yaabo in aad adigu heli karto.
Akhriso nuskhaddii ugu dambaysay ee hagista loogu talagalay ardayda jaamacadda. Macluumaad ku saabsan jaamacadaha, xataa wararkii ugu dambeeyyey, ayaad weliba ka heli kartaa joornaalka ama blogga Warbaahinta khuseeya Waxbarashada.
Helitaanka taageerada
Waxaa muhiim ah in aad ka fiirsato taageerada aad u baahan karto iyo sida aad taageero u heli karto si aad u xafiddo caafimaadkaaga iyo wanaagqabkaaga gaarka ah.
Taageerada lagu bixiyo nasasho laga helo daryeelka
Eeg xadaymaha koronafayrus (COVID-19): waxa aad samayn karto iyo waxa aadan samayn karin.
Waxaa jirta qofka daryeelka bixiya laga nasiyo shaqada daryeelista si qof kale uu u qabto daryeelka la siiyo nugul (oo uu ka mid yahay qofka qaba xaalad caafimaad oo dahsoon) ama qofka naafaysan. Sharraxaadda ama qeexitaanka ay shuruucdu ka bixiyaan ‘qofka nugul’ waxaa weliba ka mid ah qof kastoo uur leh ama 70 jir ah ama ka weyn. Liiska ku jira hagista loogu talagalay kooxaha caafimaad ahaan aad iyo aad u nugul ka eeg macluumaadka ku saabsan qofka loo arko in uu caafimaad ahaan aad iyo aad u nugul yahay.
Shuruucdu waxay daryeelayaasha siiyaan fursad ah in qaraabada iyo saaxiibbada ay ka nasiyaan marka tan si macquul ah loogu baahdo si loo bixiyo ka nasinta daryeelka la siiyo qof nugul ama qof naafo ah ama qof qaba xaalad caafimaad oo dahsoon.
Waxay tani ka dhigan tahay in adigu aad qaraabadaada ama saaxiibbadaada la diyaarin karto qof kaloo daryeelka aad adigu caadi ahaan bixiso siiya qofka aad daryeesho, si adiga laguugu suurtogeliyo in aad nasasho hesho. Waxaa tan ka mid ah qof soo gala guriga qofka aad daryeesho, oo habeenkiiku dhixi kara. Waxay weliba ka dhigan tahay in qofka aad daryeesho uu tagi karo guriga qof kale si uu daryeel uga helo si adiga lagaaga nasiyo daryeelka, taasoo weliba habeenkii loogu dhixi karo. Tusaalooyinkan oo dhan marka la eego, nidaamka la diyaariyo waa in si macquul ah loogu baahdo ujeeddada ka nasinta daryeelka la siiyo qofka la daryeelo.
Muhiim ma aha tirada dadka qaangaarka ah ee ku jira labadaas reer midkoodba marka nidaamyo loo diyaarinayo ka nasinta daryeelka, haddii nidaamyada la diyaariyo si macquul ah loogu baahan yahay oo ay u dhigmaan ka nasinta daryeelka la siiyo qofka la daryeelo. Waxa idinku habboon adiga qofka aad daryeesho iyo qofka bixinaya daryeelka kale ayaa ku xirnaan doona duruuftiinna ama xaaladdiinna gaarka ah.
Kooxaha taageerada
Kooxaha taageerada ayaa la ballaariyey.
Adiga, ama qoyskaaga, ayaa koox taageero la samaysan kara reer kale (oo qiyaas kaste ah). Halkan hoose ayay ku yaallaan hababka kaladuwan oo koox loo samaysan karo:
-
keligaa ayaad meel ku nooshahay – xataa haddii ay daryeeleyaal ku soo booqdaan si ay taageero kuu siiyaan
-
reerkaaga waxaa ku jira ilmo ka yar da’da hal jir ama da’daas ka yaraa maalintii 2 Diisembar 2020
-
reerkaaga waxaa ku jira ilme naafo qaba oo u baahan daryeel joogto ah waxuuna ka yar yahay da’da 5 jir ama waxuu da’daas ka yaraa maalintii 2 Diisembar 2020
-
waxaad adigu tahay ilme ka yar 18 jir oo keligiis meel ku nool ama la nool carruur kale oo aanay la joogin dad qaangaar ah
-
waxaad adigu tahay qof qaangaar ah oo keli ah oo la nool carruur hal ah ama ka badan oo ka yar da’da 18 jir ama da’daas ka yaraa maalintii 12 Juun 2020
-
adigu (haddii aad 18 jir ka yar tahay iyo haddii kale) waxaad tahay shakhiga keliya ee reerka ka mid ah ee aan daryeel joogto ah u baahnayn naafonimo awgeed
-
adigu (haddii aad 18 jir ka yar tahay iyo haddii kale) waxaad la nooshahay dad hal qof ah ama ka badan oo u baahan daryeel joogto ah naafonimo awgeed, adigu ma qabtid naafo laakiin waxaad weliba la nooshahay dad kale oo aan qabin naafooyin, kuwaasoo midkood keliya ka weyn yahay 18 jir
Tusaale ahaan, qof qaangaar ah oo daryeel joogto ah siiya xaaskiisa ama ninkeeda oo daryeelkan u baahan naafonimo awgeed, ayaa koox taageero la samaysan kara waalidkiisa ku wada nool guri kale.
Tusaale kale waxaa ah daryeele da’ yar, oo ka yar 18 jir, oo la nool waalidkiis oo labadooduba daryeel joogto ah u baahan naafonimo awgeed. Dhanka kale, isla dhacdadaas, laakiin daryeelaha da’ yar waxuu weliba la nool yahay walaalihiis, iyadoo midkood keliya uu yahay 18 jir. Reeraha labadaas nooc ah waxay koox taageero la samaysan karaan awowgood iyo ayeeyadood oo ku wada nool guri kale.
Ma habboona in aad koox taageero la samaysato reer qayb ka ah koox taageero kale. Si aad macluumaad dheeraad ah uga hesho xeerarka kale ee ku habboon kooxaha taageerada, xataa goorta ay dhammaanayaan, iyo sida loo beddelokooxaha, eeg hagista ku saabsan sida loo sameeyo ee loo isticmaalo kooxda taageerada.
Taageerada laga helo isxilqaamayaasha
Waxaad weliba gargaar ka heli kartaa jawaab celiyeyaasha isxilqaamayaasha ah ee adeegga NHS oo kaa caawin kara waxyaabaha ay ka mid yihiin soo qaadista daawada ama tagidda dukaannada. Waxaa halkan ku jira macluumaad ku saabsan taageerada ay ku deeqi karaan jawaab celiyeyaasha isxilqaamayaasha ah ee adeegga NHS.
Waxaad weliba wici kartaa lambarka 0808 196 3646 inta u dhexeysa 8da subaxnimo iyo 8da habeenimo.
Qiimaynta daryeelaha
Haddii aad taageero uga baahan tahay daryeelka, waxaad la xiriiri kartaa kawnsalka xaafaddaada si lagaaga qaado qiimaynta daryeelaha. Uma baahnid in aad la nooshahay qofka aad daryeesho oo xaqa aad u leedahay qiimayntu kuma xirna qiyaasta ama nooca daryeelka aad bixiso ama hantidaada maaliyadeed. Qiimaynta daryeeluhu waa bilaash. Waxay ka duwan tahay qiimaynta baahiyaha laga yaabo in laga qaado qofka aad daryeesho, laakiin waxaad codsan kartaa in labadaba la sameeyo isla mar keliya.
Waxaad xaq u yeelan doontaa qiimaynta iyadoo aan la eegayn qiyaasta ama nooca daryeelka aad bixiso, hantidaada maaliyadeed ama heerka taageerada aad u baahan tahay. Muhiim ma aha in aad la nooshahay qofka aad daryeesho ama in aad waqti buuxa daryeesho si qiimayn lagaaga qaado.
Haddii aan mid laguugu baaqin ama laguu soo bandhigin, waxaad la xiriiri kartaa dawladdaada hoose. Soo hel kooxda adeegyada bulsheed ee xaafaddaada.
Daryeeleyaasha da’ yar ayaa weliba codsan kara qiimaynta baahiyaha daryeelaha da’da yar. Waxaad la hadli kartaa hawlwadeenkaaga taageerada (support worker). Haddii aadan lahayn hawlwadeen taageero, sida aad mid u heli karto ayaad kala hadli kartaa hawlwadeenkaaga bulsheed ama dawladdaada hoose.
Gunnada Daryeelaha
Waxaad u qalmi kartaa Gunnada Daryeelaha (Carer’s Allowance) haddii adiga, qofka aad daryeesho iyo nooca daryeelka aad bixiso aad buuxisaan shuruudo gaar ah. Waxaad u baahan tahay in aad ugu yaraan 35 saacadood toddobaadkii ku bixiso daryeelka qof kale. Waxaa tan ka mid noqon karta:
-
ka caawinta qubaysiga ama dhaqista iyo cunto karinta
-
qofka aad daryeesho oo aad u geyso ballanta takhtarka
-
ka caawinta hawlaha guriga, sida maamulka biilasha iyo tagidda dukaannada
Haddii adiga ama qofka aad daryeesho aad qabtaan koronafayrus, waxaad weli dalban kartaa Gunnada Daryeelaha haddii aad meel fog ka bixiso daryeelka. Waxaa tan ka mid ah taageero shucuureed oo aad ku bixiso telefoonka ama internetka.
Eeg macluumaadka ku saabsan u qalmista iyo sida loo dalbado Gunnada Daryeelaha.
Haddii ay da’daadu tahay 16ama ka badanoo aad daryeel bixiso ugu yaraan 35 saacadood toddobaadkii waxaad sidoo kale ugu qalmi kartaa Gunnada Daryeelaha. Warka ku saabsan taageerada maaliyadeed waxaad ka heli kartaa barta internetka ururka carruurta ee Children’s Society.
Ilaha kale ee taageerada
Si aad u ogaato ilaha kale ee aad ka heli karto macluumaad ama taageero, waxaad macluumaad ka heli kartaa barta internetka dawladdaada hoose ama waxaad la xiriiri kartaa dawladdaada hoose.
Waxaad weliba eegi kartaa baraha internetka ururka Carers UKiyo ururka Carers Trust ee daryeeleyaasha.
Gargaar iyo taageero haddii aad tahay daryeele da’ yar
Dugsigaaga, kulliyaddaada ama hawlwadeenkaaga bulsheed (haddii aad mid leedahay) ayaa taageero kaa siin kara waxbarashadaada, tusaale ahaan, iyagoo waqti dheeraad ah kuu siiya shaqada ama kula xiriiriya adeegyada daryeeleyaasha da’da yar ee xaafadda.
Haddii aadan hubin in dugsigaaga ama kulliyaddaadu ay og yihiin in aad tahay daryeele da’ yar, waxaad la hadli kartaa macallin, kalkaaliyaha dugsiga ama qof aad aamini kartowaxaadna u sheegi kartaa in aad u aragto in aad u baahan tahay taageero dheeraad ah.
Kalkaaliyeyaasha dugsiyada waxaa waajib ku ah sir ilaalinta, kaasoo uga yaalla dhammaan dadka iyaga daryeel ka hela. Waxay tani ka dhigan tahay in ay adiga ku weydiin doonaan oggolaanshahaaga si ay macluumaadka caafimaadka ee sirta ah ula wadaagaan dadka kale, xataa waalidkaaga iyo macallimiintaada mooyee marka ay u arkaan in badbaadadaada shakhsi ahaaneed ay halis ku jirto. Haddii ay u arkaan in ay xaaladdu sidan tahay, adiga ayay horta tan kaala hadli doonaan ka hor inta aanay tallaabo qaadin.
Haddii adiga ama qof qoyskaaga ka mid ah aad leedihiin hawlwadeen bulsheed, qofkaas ayaad la xiriiri kartaa si aad ugu sheegto in aad u aragto in aad gargaar dheeraad ah u baahan karto haddii uu qof xanuunsado.
Waxaad weydiin kartaa saaxiibbadaada, qaraabadaada ama waxaad isticmaali kartaa adeegyada internetka sida jawaab celiyeyaasha isxilqaamayaasha ah ee adeegga NHS si aad u eegto haddii ay iyagu kuu keeni karaan alaabta dukaannada laga soo iibsado ama habab kale kugu taageeri karaan.
Haddii aadan garanaynin qof ku caawin kara, ama haddii cidi aysan ogayn in aad tahay daryeele da’ yar, waxaad la xiriiri kartaa adeeg xaafadda ka jira oo caawiya daryeeleyaasha da’ yar waxaadna iyaga u sheegi kartaa in aad u aragto in aad tahay daryeele da’ yar oo aad gargaar rabto. Waxaad koox taageero ee xaafadda ka heli kartaaama la xiriiri kartaa adeegyada daryeeleyaasha da’ yar ee ururka carruurta ee Children’s Society.
Khadadka caawinta
Haddii aad rabto in aad qof la hadasho adigoo aan magacaaga sheegin, waxaad wici kartaa khadadka caawinta ama booqo mid ka mid ah baraha internetka ee hoose:
ChildLine ayaa laga helaa adeeg talosiin sir ah oo lagu bixiyo telefoonka oo loogu talagalay qof kastoo da’ yar oo dhibaato qaba. Dadka ayaa niyadda loogu dejiyaa, lagula taliya laguna badbaadiyaa. Waxaad:
-
bilaash ku wici kartaa lambarka 0800 1111 waqti kasta
-
yeelan kartaa sheekaysi aad internetka kula yeelato la-taliye
-
fiirin kartaa bogagga farriimaha
Baraha internetka
Waxaa taageero dheeraad ah laga heli karaa bogga taageerada adeegga NHS ee loogu talagalay daryeeleyaasha da’da yar.
Ururka carruurta ee Children’s Society ayaa haya macluumaad loogu talagalay dhallinyarada iyo xirfadleyaasha oo ku saabsan koronafayrus waxaana ku jira iskuxireyaal lagu gaaro qalab, ilo iyo waxqabadyo iyo weliba fikrado ku saabsan wanaagqabka oo loogu talagalay daryeeleyaasha da’da yar.
Ururka daryeeleyaasha eeCarers Trust ayaa haya macluumaad loogu talagalay dhallinyarada oo ku saabsan koronafayrus
Haddii adiga ama qofka aad daryeesho aad leedihiin calaamadaha cudurka, baaritaankiina lagu helay cudurka ama aad xiriir dhow u tihiin qof laga helay cudurka
Haddii aad leedahay calaamadaha koronafayrus
Eeg guriga joog: hagista loogu talagalay reeraha suurogal ay u tahay ama loo xaqiijiyey in uu ku jiro caabuqa koronafayrus (COVID-19) si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan muddooyinka go’doonka iyo waxa waajib kugu ah in aad samayso iyo waxa mamnuuc kaa ah haddii aad leedahay calaamadaha koronafayrus, baaritaankaaga lagu helay cudurka ama aad xiriir dhow u tahay qof laga helay cudurka.
Qof kastoo qaba calaamadaha cudurka COVID-19 ama la siiyey natiijada baaritaanka sheegaysa in cudurka laga helay waa inuu guriga joogo oo uu islamarkaaba is go’doomiyo. Waxay sidan u tahay maadaama aad caabuqa u gudbin karto dadka kale, xataa haddii aadan calaamadaha cudurka lahayn.
Waxaa laguganaaxi karaa haddii aad is go’doomin weydo ka dib marka aad ogaysiin ka hesho barnaamijka Baarista iyo Raadinta NHS (NHS Test and Trace). Waxaad xaq u yeelan kartaa lacagbixin hal jeer ah oo dhan £500 oo aad ku hesho qorshaha Lacagbixinta Taageerada (Support Payment scheme) ee barnaamijka Baarista iyo Raadinta NHS haddii ay waajib kugu noqoto in aad guriga joogto oo aad is go’doomiso.
Nidaamyo kale oo aad u diyaariso daryeelka
Waa in aad isku daydo in aad diyaariso nidaamyo kale oo lagu bixiyo daryeelka marka ay duruufaha ama xaaladaha soo socda yimaaddaan:
-
Haddii adiha iyo qofka aad daryeesho aydan meel ku wada noolayn oo midkiin ayaa leh calaamadaha cudurka ama la soo ogaysiiyey in laga helay cudurka
-
Haddii adiga iyo qofka aad daryeesho aydan meel ku wada noolayn oo midkiin ayaa la soo ogaysiiyey in uu xiriir dhow u yahay qof kale oo laga helay cudurka
-
Haddii diga iyo qofka aad daryeesho aydan meel ku wada noolayn oo qof ka mid ah reerkiina, ayaa leh calaamadaha cudurka ama baaritaankiisa lagu helay cudurka
-
Haddii mid ka mid ah dadka xiriir iskugu jira daryeelka (ama daryeelaha ama qofka la daryeelo) uu caafimaad ahaan aad iyo aad u nugulyahay ama gabbaad ku jiro oo uu qofka kale leeyahay calaamadaha cudurka ama laga helay cudurka
Si aad daryeelka meel kale uga diyaariso, waxaad la xiriiri kartaa dawladdaada hoose ama bixiyahaaga daryeelka caafimaadka. Haddii aadan garanayn sida aad tan u samaynayso, waxaad la xiriiri kartaa adeegga NHS 111. Waxaa weliba waxtar kuu yeelan karta in aad la xiriirto ururrada taageerada daryeeleyaasha ee xaafaddaada. Waxaad warka ku saabsan ururrada daryeelayaasha ee xaafadda ka heli kartaa ururka daryeeleyaasha ee Carers UK. Qaraabadaada ayaa weliba macluumaad ku saabsan adeegyada xaafadda ka heli kara barta internetka ururka daryeeleyaasha ee Carers Trust.
Haddii aad la nooshahay qofka aad daryeesho oo aad xanuunsan tahay oo aadan daryeeli karin la xiriir dawladdaada hoose ama bixiyahaaga daryeelka caafimaadka.
Soo qaadista daawooyinka la qoray marka aad is go’doominayso
Haddii aad caadi ahaan qofka aad daryeesho u soo qaaddo daawooyinka loo qoray oo aad is go’doominayso, waa in aad isku daydo in aad u diyaariso nidaamyo kale. Waa in aad isku daydo in aad taageero u doonato saaxiibbada iyo qaraabada si ay kuu caawiyaan haddii ay suurogal tahay.
Farmashiyayaasha intooda ugu badan waxaa laga helaa adeegga keenista guriga. Iyaga wac si aad u eegto haddii ay tani diyaar ka tahay ama haddii uu jiro barnaamij kale oo xaafadda ka socda si lagaaga caawiyo in aad hesho daawooyinka la qoray.
Waxaad weliba gargaar ka heli kartaa jawaab celiyeyaasha isxilqaamayee azdeegga NHS oo kaa caawin kara waxyaabaha ay ka mid yihiin soo qaadista daawada ama tagidda dukaammada. Wac lambarka 0808 196 3646 inta u dhexeysa 8da subaxnimo iyo 8da habeennimo. Waxaa halkan ku jira macluumaad ku saabsan taageerada ay ku deeqi karaan jawaab celiyeyaasha isxilqaamay ee adeegga NHS.
Adeegyada keenista ee farmashiyayaasha ayaa la filayaa in ay waqtiga xaadirka ah cadaadis uu saaran yahay, markaa waxaa muhiim ah in aad waqti fiican ku dalbato warqadaha dawooyinka laguu soo qoray aad ku ceshanayso, si aad iskaga ilaaliso in bixintooda lagaala raago. Macluumaadka ku saabsan warqadaha dawooyinka mar kale lagu siinayo iyo adeegyada keenista ayaa weliba ku diyaar ah barta internetka xafiiska Dhakhtarkaaga Guud.
Haddii ay kuu suurtogeli weydo in aad diyaarsato hab kale oo aad ku soo qaaddo, waxaa qofka is go’doominaya suurogal u ah in uu guriga ka baxo marka uu u baahdo si uu saadka caafimaadka ugu soo qaado qof qoyskiisa ka mid ah.
Haddii qofka aad daryeesho uusan adiga kula noolayn oo uu is go’doominayo, markaa haddii aadan adigu is go’doominayn reerkiisa ama gurigiisa ayaad geli kartaa si aad ugu geyso warqadda daawada loo qoray haddii si macquul ah loogu baahdo. Waa in aad inta suurogalka ah iska fogayso qofka leh calaamadaha cudurka ama baaritaankiisa lagu helay cudurka oo aad raacdo hagista jirta.