Tilmaam

Ka baarida indhaha waxyeelooyinka Sokorowga

La cusboonaysiiyay 4 August 2022

Baaritaanka indhaha ee sonkorowga ayaa waxaa soo jeediyey NHS.

1. Ujeedada baaritaanka

Si loo eego calaamado macaanka ee cudur-indhood macaanka la socda (diabetic retinopathy) iyo dhibaatooyinka indhaha ee kale ay sababto macaanku iyagoo kormeeraya caafimaadka indhahaaga haddii aad uur leedahay aadna qabto macaanka nooca 1 ama nooca 2.

Qaar dumarka ah waxaa ku dhaca macaanka uurka waqtiga dambe ee uurka (28 usbuuc ama ka badan). Macaanka uurka waxaa lagu daawayn karaa baddalidda cuntada iyadoo caadiyan iska baxda kaddib dhalashada ilmaha. Uma baahnid baaritaan macaanka indhaha ah haddii aadan qabin macaan ka hor uurka.

2. Ku saabsan xaaladan

Cudur-indhood macaanka la socda waxaa sababa markii macaanku saameeyo xiddidada yaryar ee dhiigga ee gudaha retina ee gadaasha dambe ee isha. Qof kasta oo qaba macaan waxaa la siiyaa baaritaan indhaha ah laakiin baaritaanku aad ayuu muhiim u yahay markii aad uur leedahay sababtoo ah khatarta dhibaato indhaha ah aad ayay u wayn tahay.

3. Tijaabada baaritaanka

Waxaa lagu siin doonaa baaritaan goorta, ama markiiba kaddib, booqashadaada ugu horaysa ee rugta caafimaadka ilmaha iyo weliba sidoo kale kaddib 28 usbuuc ee uurka. Haddii la helo heerarka hore cudur-indhood macaanka la socda marka la sameeyo baaritaanka koowaad, waxaa lagu siin doonaa baaritaan kale inta u dhaxaysa 16 iyo 20 usbuuc ee uurka. Haddii la helo cadad fiican oo cudur-indhood macaanka la socda ah marka la sameeyo baaritaanka, waxaa laguu gudbinaayaa dhakhtarka indhaha.

Tijaabada baaritaanka wakhtiga uurka wuxuu la mid yahay baaritaanka joogtada ah waqtiyada kale.

Shaqaalaha baaritaanku waxay diiwaan gelinayaan faahfaahintaada iyo heerka aragtidaada. Waxay dhibco ku shubi doonaan indhahaaga si ay qeybta madow ee indhahaaga u weynaadaan si qeybta dambe ee isha si cad loogu arko. Ka dibna waxay qaadi doonaa sawirrada qeybta dambe ee ishaada.

Haddii masawirradu aysan si fiican u muuqanin waxaa laguu gudbin doonaa dhakhtar takhasus ah ee baaritaan ka duwan.

4. Nabadgeliyada baaritaanka

Masawirku waa midaan xanuun lahayn iyadoo kaameradu aysan u dhawaanayn isha. Dhibaatooyinka isha ayaa laga yaabaa in ay ku sababaan cuncun dhowr ilbiriqsi ah iyo aragti cakiran 2 ilaa 6 saacadood ah ka dib baaritaanka. Soo qaado dhammaan ookiyaalayaashaada sida caadiga ah.

Soo qaado ookiyaalaha qorraxda si aad guriga ugu sii xiratid, maadaama wax kasta ay iftiin u muuqan karaan kaddib baaritaanka eegidda.

Habayso isticmaalidda gaadiidka dadwaynaha ama qof ku sii geeya guriga Waa in aanad gaari wadin baaritaanka ka dib maadaama dhibcaha indhaha ay sababi karaan aragti cakiran.

Si aad u yar, dhibacaha daawada waxay keeni karaan cadaadiska oo si dhaqso ah, saa’idna ah u kaca isha gudaheeda. Calaamadaha cadaadiska sare u kaca waxaa ka mid ah:

  • xanuun xad dhaaf ah oo isha ah
  • qeybta cad ee isha guduudata
  • aragti cakiran oo joogta ah

Haddii aad dareento mid ka mid ah calaamadahan kaddib baaritaanka, waa inaad ku laabataa qaybta indhaha ama aadaa waaxda Shilalka iyo Xaaladaha Degdega ah.

5. Baaritaanka waa ikhtiyaarkaaga

Baaritaankan si aad ah ayaa loogu talinayaa gaar ahaan haddii aad horeba u qabtay macaan ka hor uurka.

Baaritaanka ishu waa qayb ka mid ah maaraynta macaankaaga iyadoo macaanka retinopathy la daawayn karo, gaar ahaan markii horeba loo ogaado.

6. Diiditaanka baaritaanka

Dadka qaba macaanka waxay go’aansan karaan inaysan tagin ballamaha baaritaanka.

Haddii aad go’aansato inaadan qaadan baaritaanka waa inaad u sheegtaa dhakhtarka ka warqabaya daryeelka macaankaaga waqtiga uurka.

7. Natiijooyinka soo bixi kara

Haddii aad samayso baaritaanka eegidda, maxsuullada macquulka ah waa:

  • ma jiro cudur-indhood macaanka la socda
  • calaamadaha hore ee cudur-indhoodka macaanka la socda
  • cudur-indhood macaanka la socda oo halis ah oo u baahan u gudbinta dhakhtar khabiir ku ah.

Haddii baaritaankaagu uu muujiyo calaamadaha cudur-indhood macaanka la socda, xirfadlahaaga caafimaad ayaa ku siin doona talo ku saabsan ka warqabka sonkortaada inta aad uurka leedahay. Kadibna waxaa lagugu martiqaadi doonaa baaritaano dheeraad ah inta lagu jiro uurkaaga. Haddii aad tahay sigaar-cabbe, raadso caawin joojin ama ugu yaraan yaree.

Haddii baaritaanku tusayo inaad qabto retinopathy la gudbin karo waxaad heli doontaa ballan ka socota dhakhtar takhasus indhaha.

8. Helitaanka natiijooyinkeyga

Warqad ayaa laguu soo dirayaa adiga iyo dhakhtarkaaga (GP) 6 usbuuc gudahood kaddib ballanta baaritaankaaga.

9. Ku saabsan buug-yerahan

Caafimaadka Dadwaynaha ee England (PHE) wuxuu sameeyay buug-yarahaan isagoo ka wakiil ah NHS.